Tuesday, January 16th, 2018
.

XOG MUHIIM AH; Somaliland oo Aqoonsi ka raadineysa Britain oo DF oo ku dhegan

,
Published on January 14, 2018 by   ·   1 Comment

Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, Sacad Cali Shire, ayaa magaalada London kula kulmay xubno ka mid ah baarlamanka UK.

Wasiirka ayaa sheegay inuu kala hadlay halka ay Somaliland siyaasadeedu ku wajahan tahay, gaar ahaan wixii ka dambeeyey doorashadii madaxtinimada ee Somaliland ka dhacday Nofembar 2017.

Sacad Cali Shire ayaa sidoo kale tilmaamay in ay muhiim tahay in dowladda UK ay aqoonsato Siyaasadda Somaliland.

Waxaa uu la kulmay xildhibaano ka tirsan dowladda Uk oo uu kala hadlay sidii Somaliland loo taageeri lahaa, islamarkaana loo aqoonsan lahaa.

Waa socdaalkii ugu horreeyey ee wasiirku uu Britain ku tago tan iyo markii uu hogaanka qabtay Muuse Biixi Cabdi.

.

Readers Comments (1)

  1. Dab La Ridey says:

    kuwi oran jiray ingriiska anagaa dhalnay tony blair anagaa dhalnay Maanta bal ictiraaf ha ka helaan U.K

    Maamulka Beesha dhexe Caqli aan shaqeynayn ayey kula warwareegayaan Europe

    Bal ha eegaan U.N Security council Resolutions Regarding Somalia dated 1994 and 1995 and 1996.

    Go’aamadaasu waxay sheegayaan in aan Somaliya kala Go’ikarin.

    Ha Wareegto Giraantu !!






WARARKA MAANTA

DAAAWO VIDEO:Itoobiya Oo Adis Sababa Ku Kulminaysa Puntland Iyo Soomaliland(VIDEO)

January 17, 2018

DAAWO;-Jiidaha gobolka sool oo Ay kusoo Qulqulayaan Ciidamada Puntland Iyo Weerar Ka dhan Ah somaliland Wararkii Ugu dambeeyay

January 16, 2018
Dhowaan ayay Ahayd kadib markii Ay ciidamada maamulka Somaliland  ay la Wareegeen Gacan kuhaynta magaalada Tukaraq oo katirsan ...

DAAWO VIDEO:Puntland”Soomaliland Shabaab Oo kalaan Ula Dagaalamaynaa”

January 16, 2018

DAAWO VIDEO:Soomaliland”Laascaanood Iyo Garoowe Mid Ayaa Qaxi Doona”

January 16, 2018
Maamulka Soomaliland Ayaa Mar kale ka Hadlay dagaalka Xiisada  Tukaraq waxayna Sheegeen Inay Mid Uun Qaxi Doonaan Laascaanood ...

DEG DEG: Madaxweyne Farmaajo & Wafdi uu hogaaminayo oo goordhow gaaray Dh/mareeb

January 16, 2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo safar dhanka dhulka ah kaga soo ambabaxay magaalada Cadaado ...