Wednesday, January 17th, 2018
.

SAWIRRO: Shirka dib u eegista sharciga socdaalka oo ka furmay Cadaado

,
Published on January 13, 2018 by   ·   No Comments

Caasimadda KMG ah ee Maamul-goboleedka Galmudug  ee Cadaado ayaa waxaa maanta ka furmay Shirka Wadatashiga Dib u eegita Sharciga Socdaalka Soomaaliya, waxaana shirkaani daahfuray la taliyaha dhanka sharciga ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda C/nasir Hashi.

Waxaa kasoo qeyb galay Shirkaan Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug oo ay ka mid yihiin  wasiirka arimaha Gudaha, Wasiirka Maaliyada, Wasiirka Dastuurka iyo Wasiirka Gadiidka cirka iyo dhulka, waxaana ay dhamaantood si isku mid ah u sheegeen in ay muhiim tahay in dib u eegis lagu sameeyo sharciga Socdaalka dalka, maadama sharciga hada jira markii la sameenayay uu dalku ahaa dowlad dhexe, balse hadda la qaatay nidaamka Federaalka.

Hay’adda Socdaalka ayaa bilihii lasoo dhaafay waday dadaallo kala duwan oo lagu hormarinaayo Hay’addaasi, oo muhiim u ah bulshadda Soomaaliyeed.

.

Readers Comments (0)






WARARKA MAANTA

DAAWO VIDEO:Soodhaweyn Loo kala Hadhin Dhuuramareeb Madaxweyne Farmaajo.

January 17, 2018
Madaxweynaah Soomaaliya waxaa socdaalkiisa ku wehliya Madaxweynaah Galmudug,wasiiro,xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale. Halkani Riix Daawo Video Soodhaweynta Madaxweynaha Waxaana ku soo ...

DAAAWO VIDEO:Itoobiya Oo Adis Sababa Ku Kulminaysa Puntland Iyo Soomaliland(VIDEO)

January 17, 2018

DAAWO;-Jiidaha gobolka sool oo Ay kusoo Qulqulayaan Ciidamada Puntland Iyo Weerar Ka dhan Ah somaliland Wararkii Ugu dambeeyay

January 16, 2018
Dhowaan ayay Ahayd kadib markii Ay ciidamada maamulka Somaliland  ay la Wareegeen Gacan kuhaynta magaalada Tukaraq oo katirsan ...

DAAWO VIDEO:Puntland”Soomaliland Shabaab Oo kalaan Ula Dagaalamaynaa”

January 16, 2018

DAAWO VIDEO:Soomaliland”Laascaanood Iyo Garoowe Mid Ayaa Qaxi Doona”

January 16, 2018
Maamulka Soomaliland Ayaa Mar kale ka Hadlay dagaalka Xiisada  Tukaraq waxayna Sheegeen Inay Mid Uun Qaxi Doonaan Laascaanood ...