Wednesday, January 17th, 2018
.

DEG DEG VEDIO: Warkii ugu cuslaa oo Garoowe kasoo dhacay & Xaalad dagaal oo hada Baarlamaanka Puntland ku dhawaaqay

,
Published on January 13, 2018 by   ·   9 Comments

Guddiga Amniga Baarlamanka Puntland oo Maanta Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Somaliland oo dhowaan qabsatay degaanka Tukaraq ee gobolka Sool,halkaasoo ay weli gacanta ku hayso.

Guddoomiyaha Guddiga Amniga Baarlamanka Puntland Xil.Saadiq Abshir Garaad oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa ku dhawaaqay dagaal Cusub oo Somaliland looga xoreynayo taako kast oo ay kaga sugantahay gobolka Sool,wuxuuna sheegay in Xuduudka Puntland ku egyahay”Lebida Gaatama” ee soohdinta u dhexaysa gobollada Sool iyo Togdheer.

Dhinaca kale guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamanka Puntland Xil.,Xuseen yaasiin xaaji Diiriye oo dhankiisa hadalka qaatay ayaa bulshada gobolka Sool ugu baaqay in ay Somaliland iska-xoreeyaan,sida Shacabka Buuhoodleba isaga xoreeyeen,islamarkaana aanay magacooda dhaafsan Dollar jeebka loogu shubo.

Xildhibaan Xuseen oo ka jawaabayey hadal ka soo yeeray guddoomiyaha Baarlamanka Somaliland,Baashe Maxammed Faarax,ayaa sheegay in Baashe u macaansaday feerkii looga saaray gudaha baaraalamka Somaliland.

.

Readers Comments (9)

  1. Maalqabe says:

    Marka laga saaro kuwa sharafkooda ku iibsaday shilin, Dhulbahane badankood waa dad sharafkooda,karaamadooda, iyo masiirkooda difaacanaya. Idoor waa dad somalidiid ah, oo doonaya inay gumaystaan Dad Daarood ah… taasina wax dhacaya maaha…

  2. LIBAAXA MUDUG says:

    I DONT THINK CISMAN CAWAD’S POINT OF VIEW HAVE THAT MUCH MERITS AT ALL.

    ENOUGH IS ENOUGH
    This is final opportunity for puntland AND THEIR LEADERS to comply with their obligations and to deploy draawiishta of puntland supported heavily by the harty people in full scale and then disarm somaliland’s militias or else face the serious consequences-thats a total failure to keep up with the nation’s demand followed by the impeachment. We the people of reer puntland got to the point of no return and no longer interested or see the virtue of patience no more. We canot afford for any single given day that comes for us to bear such humiliation prescribed bythe so called iidoor government. we must do something about it-we must respond accord
    ingly.
    THIS IS UNPRECEDENTED AGGRESSION COMMITTED BY THE MILITIAS OF SOMALILAND ANd AS SOMALIS PUT IT IN A WISDOM “QANIINYO BAA QANIINYO KAA FUJISA”

  3. LIBAAXA MUDUG says:

    I DONT THINK CISMAN CAWAD’S POINT OF VIEW HAVE THAT MUCH MERITS AT ALL.

    ENOUGH IS ENOUGHThis is final opportunity for puntland AND THEIR LEADERS to comply with their obligations and to deploy draawiishta of puntland supported heavily by the harty people in full scale and then disarm somaliland’s militias or else face the serious consequences-thats a total failure to keep up with the nation’s demand followed by the impeachment. We the people of reer puntland got to the point of no return and no longer interested or see the virtue of patience no more. We canot afford for any single given day that comes for us to bear such humiliation prescribed bythe so called iidoor government. we must do something about it-we must respond accord
    ingly.
    THIS IS UNPRECEDENTED AGGRESSION COMMITTED BY THE MILITIAS OF SOMALILAND ANd AS SOMALIS PUT IT IN A WISDOM “QANIINYO BAA QANIINYO KAA FUJISA”

  4. Ibrahim ahmed sagal says:

    Waxaa dhab ah Maanta putland in aysan haysan ciidan difaaci Kara boosaso. Markaa waxaan odhanlahaa somaliland iyagaa dhulkai iska leh dhulbahantena wuu la socdaa badankiisii Cabdi weli isaga dhulbahnte xumeeyay si wanaagsan bay u tashadeen inay taageran somaliland waxaan odhanlahaa putland marka hore gaalkacayo qabsada laakiin. Maanta awood umahaysaan somaliland

  5. Habar Dhaabe says:

    Kan Puntland uhanjabay ileen waa kii ciiro feeray. 😂🤣😂🤣😂🤣😂🤣😂😂😂😂🤣

  6. Cismaan Cawad says:

    Alla yaa u caqliyeeya madaxda Puntland ku sigan in ay dabinka Muuse Biixi ku dhacaan. Dabinku waxaa weeye in teer iyo doorasho ku-sheegtii uu Muuse Biixi ku soo baxay ay beesha Isaaq toos u kala dhambashay oo lagu kala hayaamay.

    Daandaansiga uu Muuse Biixi Puntland ku hayo waa shax siyaasadeed ee ay ujeeddadeedu tahay in uu Isaaqa masalada Somaliland dib ugu mideeyo maadaama uu “cadwga” Daarood dagaal ku qaaday.

    Haddii ay Puntland beesha caalamka iyo IGAD u kaashan waydo oo ay iyadu weerar ku qaaddo markaasi dambinkii Muuse Biixi ayay ku dhacday oo Somalilandta hadda raqda noqotay ayay Puntland dib u soo nooleyn doontaa.

  7. Dab La Ridey says:

    Wale Xaqiiqda aan Ogahay waxay Tahay in Dagaalka Tukaruq ka dhaca ay ku dhimanayaa Mooryaan dhulos ah oo ka kala socda labada maamul ee somaliland iyo puntland. Kuma Dhimanayaan Isaaq iyo Majeerteen.

    • Habar Dhaabe says:

      Cidd kale ha eedayniin…. Dhuulbante hadii midooban cidd kahor imaadii karta malahan. Markii Khaatumo la cascasayey hadii cidda Hal cod la imaadii lahayeen Puntland gacan bay siinlahayeen. Qaar waxey dhaheen Khaatumo ban ahay..Qaarna Puntland ba ku adkaysanayna…kuwa kalena habroyiinka cuuqdaysan bay udhunteen. Marka hadanu nahay beesha barakaysan ee Darood bin Ismaciil walalaha yaga meel aan uraacno baan garan lanahay.






WARARKA MAANTA

DAAWO VIDEO:Soodhaweyn Loo kala Hadhin Dhuuramareeb Madaxweyne Farmaajo.

January 17, 2018
Madaxweynaah Soomaaliya waxaa socdaalkiisa ku wehliya Madaxweynaah Galmudug,wasiiro,xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale. Halkani Riix Daawo Video Soodhaweynta Madaxweynaha Waxaana ku soo ...

DAAAWO VIDEO:Itoobiya Oo Adis Sababa Ku Kulminaysa Puntland Iyo Soomaliland(VIDEO)

January 17, 2018

DAAWO;-Jiidaha gobolka sool oo Ay kusoo Qulqulayaan Ciidamada Puntland Iyo Weerar Ka dhan Ah somaliland Wararkii Ugu dambeeyay

January 16, 2018
Dhowaan ayay Ahayd kadib markii Ay ciidamada maamulka Somaliland  ay la Wareegeen Gacan kuhaynta magaalada Tukaraq oo katirsan ...

DAAWO VIDEO:Puntland”Soomaliland Shabaab Oo kalaan Ula Dagaalamaynaa”

January 16, 2018

DAAWO VIDEO:Soomaliland”Laascaanood Iyo Garoowe Mid Ayaa Qaxi Doona”

January 16, 2018
Maamulka Soomaliland Ayaa Mar kale ka Hadlay dagaalka Xiisada  Tukaraq waxayna Sheegeen Inay Mid Uun Qaxi Doonaan Laascaanood ...