Wednesday, January 17th, 2018
.

Deg Deg Daawo Video:Barlamaanka Puntland Oo Ku Dhawaaqay Dagaal Somaliland Ka dhan Ah!

,
Published on January 13, 2018 by   ·   5 Comments

Guddiga Amniga Baarlamanka Puntland oo Maanta Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Somaliland oo dhowaan qabsatay degaanka Tukaraq ee gobolka Sool,halkaasoo ay weli gacanta ku hayso.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Guddoomiyaha Guddiga Amniga Baarlamanka Puntland Xil.Saadiq Abshir Garaad oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa ku dhawaaqay dagaal Cusub oo Somaliland looga xoreynayo taako kast oo ay kaga sugan tahay gobolka Sool,wuxuuna sheegay in Xuduudka Puntland ku egyahay”Lebida Gaatama” ee soohdinta u dhexaysa gobollada Sool iyo Togdheer.

 

Dhinaca kale guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamanka Puntland Xil.,Xuseen yaasiin xaaji Diiriye oo dhankiisa hadalka qaatay ayaa bulshada gobolka Sool ugu baaqay in ay Somaliland iska-xoreeyaan,sida Shacabka Buuhoodleba isaga xoreeyeen,islamarkaana aanay magacooda dhaafsan Dollar jeebka loogu shubo.

 

Xildhibaan Xuseen oo ka jawaabayey hadal ka soo yeeray guddoomiyaha Baarlamanka Somaliland,Baashe Maxammed Faarax,ayaa sheegay in Baashe u macaansaday feerkii looga saaray gudaha baaraalamka Somaliland.

.

Readers Comments (5)

  1. LIBAAXA MUDUG says:

    I DONT THINK CISMAN CAWAD’S POINT OF VIEW HAVE THAT MUCH MERITS AT ALL.

    ENOUGH IS ENOUGH

    This is final opportunity for puntland AND THEIR LEADERS to comply with their obligations and to deploy draawiishta of puntland supported heavily by the harty people in full scale and then disarm somaliland’s militias or else face the serious consequences-thats a total failure to keep up with the nation’s demand followed by the impeachment. We the people of reer puntland got to the point of no return and no longer interested or see the virtue of patience no more. We canot afford for any single given day that comes for us to bear such humiliation prescribed bythe so called iidoor government. we must do something about it-we must respond accordingly.
    THIS IS UNPRECEDENTED AGGRESSION COMMITTED BY THE MILITIAS OF SOMALILAND ANd AS SOMALIS PUT IT IN A WISDOM “QANIINYO BAA QANIINYO KAA FUJISA”

  2. Somali says:

    Waxaa haboonaan lahaayd in aay iska aamusaan,maxaa yeelay hadii aad sanad walaba dhulkii puqland aad qaayb lumiso oo aanad awoodin in aad soo celiso siyaasad iyo qaab dagaal waxaa haboon in laaysku aamuso,weeraha noocaas oo Kala ah somali waxaay tiraahdaa,AFKAAGA oo xun NABADNA WUUW KAA GEEYAA COLAADNA WAX KAAGAMA GALO waa fakaaga oo x

  3. Xaaji saalax says:

    Waar budhland danteda way taqaanaa oo jamhuriyada barakaysan kuso dagdagi maysee war kale mahaysaan xataa armaaja ka yabay oo iskaga hayaamay kkkkkkkkkkkk

  4. Xaaji saalax says:

    Waar maxaa la sheegay waar meesha makii cisman awad ee wareersanaa baa kuso hadhay kkkkkkkkk

  5. Cismaan Cawad says:

    Hoggaanka Puntland waxaa iskugu darsamay labo masiibo oo ah habacsanaan iyo maangaabni siyaasadeed. Sida la wada ogsoon yahay doorasho-ku-sheegtii uu Muuse Biixi ku shubtay oo kuna soo baxay waxaa ay sababtay in qaddiyaddii ‘Somaliland’ ay isku danto. Isaaqii baa ku kala hayaamay beelaha kale iska ba daa ee.

    Iminka Muuse Biixi dabin halis ah ayuu Puntland u dhigay oo aan ka cabsi qabaa in ay toos ugu dhacdo. Kaartada uu Muuse Biixi ciyaarayo waa mid uu doonayo in uu Somalilandta raqda ah dib ugu soo nooleeyo dhoolla caddeynta hujuumidda “cadawga” Daarood ee ah waxa keli ah ee isaaqa dib u mideyn kara. Waa shaxda ay badanaa ciyaaraan digteetarada xukun-jecelka ah ee shucuubtooda ku maan iyo marin habaabiya caaddifadda casabanimo.

    Puntland waa in aanay dabinkaas ku dhicin oo ay iyaduna Muuse Biixi xaajada ku gurriciso inta ay IGAD iyo beesha caalamka u muujiso gardarada maamul-fallaageedka Hargeysa si markaasi Hargeysa cuna qabateyn loogu soo rogo oo xogaagaa ay ku kibreen looga goosto.






WARARKA MAANTA

DAAWO VIDEO:Soodhaweyn Loo kala Hadhin Dhuuramareeb Madaxweyne Farmaajo.

January 17, 2018
Madaxweynaah Soomaaliya waxaa socdaalkiisa ku wehliya Madaxweynaah Galmudug,wasiiro,xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale. Halkani Riix Daawo Video Soodhaweynta Madaxweynaha Waxaana ku soo ...

DAAAWO VIDEO:Itoobiya Oo Adis Sababa Ku Kulminaysa Puntland Iyo Soomaliland(VIDEO)

January 17, 2018

DAAWO;-Jiidaha gobolka sool oo Ay kusoo Qulqulayaan Ciidamada Puntland Iyo Weerar Ka dhan Ah somaliland Wararkii Ugu dambeeyay

January 16, 2018
Dhowaan ayay Ahayd kadib markii Ay ciidamada maamulka Somaliland  ay la Wareegeen Gacan kuhaynta magaalada Tukaraq oo katirsan ...

DAAWO VIDEO:Puntland”Soomaliland Shabaab Oo kalaan Ula Dagaalamaynaa”

January 16, 2018

DAAWO VIDEO:Soomaliland”Laascaanood Iyo Garoowe Mid Ayaa Qaxi Doona”

January 16, 2018
Maamulka Soomaliland Ayaa Mar kale ka Hadlay dagaalka Xiisada  Tukaraq waxayna Sheegeen Inay Mid Uun Qaxi Doonaan Laascaanood ...