Wednesday, January 17th, 2018
.

DAAWO SAWIRADA:Madaxweyne Farmaajo Oo Dhex Socdaalay Magaalada Boosaaso.

,
Published on January 13, 2018 by   ·   3 Comments

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay hoggaanka dhaqanka iyo Ganacsatada Gobolka.

Madaxweynaha ayaa kala hadlay ganacsatada kaalinta ay ku leeyihiin horumarka dalka, caqabadaha ku xeeran ganacsiga iyo qorsheyaasha ku aaddan qaabeynta iyo horumarinta fursadaha ganacsi ee dalka.

Hormuudka ganacsatada ee uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa soo bandhigay sida ay uga go’antahay in ay kaalin mug leh ka qaataan qorsheyaasha lagu hormarinayo dalka, iyagoona xaqiijiyey in ay markasta garab taaganyihiin dowladdooda si looga gudbo waqtiyadii muragada badnaa ee soomaray shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey ganacsatada Soomaaliya kaalinta qiimaha badan ee ay ka qaateen samata bixinta dalka muddadii bur burka, waxa uuna ugu baaqay in ay sii laba laabaan dadaalkooda si loo xaqiijiyo hiigsiga ku saleysan Soomaaliya nabad ah, dadkeeduna nolol wanaagsan ay heystaan.

.

Readers Comments (3)

  1. Somali says:

    Kkkkkkkk kkkkkkkkkk kkkkkkkk kkkkkkkkkk kk WAA IGU SAWIR,HALKAAY NABADU TALAA SHALAY AYEY AHAAYD MARKII LAGU DILAY SARKAALKII IYO NINKII GANACSADAHA AHAA KKKKKK IGU SAWIR,

  2. Ali says:

    soomaalinimada iyo dawladnimada waan jecelnahay

  3. Atoore says:

    ASC.
    In Sha Allaah waxaan rajeynayaa in soomaaliya oo dhan ay saas ammaan u wada noqoto oo ay soomaliweeyn is dhex mushaaxdo oo qofwalba meeshuu doono u muraadsado baqdin la’aan.Saasay sharaftu ku jirtaa.
    Wax badan baa Ina Farmaajo loo geeyey cayda iyo xumaanta puntlaan iyo reer puntlaanba.Maantayse taasi beenawday.In Sha Allaah booqashada uu Ina farmaajo ku yimid gobalada soomalinimada ogol waxaa ku xigi doona in uu booqdo waqooyiga soomaaliya shido la’aan.In uu Ina farmaajo waqooyi booqdana dan baa ugu jirta reer waqooyi.






WARARKA MAANTA

DAAWO VIDEO:Soodhaweyn Loo kala Hadhin Dhuuramareeb Madaxweyne Farmaajo.

January 17, 2018
Madaxweynaah Soomaaliya waxaa socdaalkiisa ku wehliya Madaxweynaah Galmudug,wasiiro,xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale. Halkani Riix Daawo Video Soodhaweynta Madaxweynaha Waxaana ku soo ...

DAAAWO VIDEO:Itoobiya Oo Adis Sababa Ku Kulminaysa Puntland Iyo Soomaliland(VIDEO)

January 17, 2018

DAAWO;-Jiidaha gobolka sool oo Ay kusoo Qulqulayaan Ciidamada Puntland Iyo Weerar Ka dhan Ah somaliland Wararkii Ugu dambeeyay

January 16, 2018
Dhowaan ayay Ahayd kadib markii Ay ciidamada maamulka Somaliland  ay la Wareegeen Gacan kuhaynta magaalada Tukaraq oo katirsan ...

DAAWO VIDEO:Puntland”Soomaliland Shabaab Oo kalaan Ula Dagaalamaynaa”

January 16, 2018

DAAWO VIDEO:Soomaliland”Laascaanood Iyo Garoowe Mid Ayaa Qaxi Doona”

January 16, 2018
Maamulka Soomaliland Ayaa Mar kale ka Hadlay dagaalka Xiisada  Tukaraq waxayna Sheegeen Inay Mid Uun Qaxi Doonaan Laascaanood ...