Wednesday, January 17th, 2018
.

3 Qoodb Oo Muhim U Ah Shirka Iisimada Dhulbahante Ee la Iclaamiyey?

,
Published on January 12, 2018 by   ·   2 Comments

Iisimada  Beesha Dhulbahante Ayaa Go’aan Midaysan kasoo saaray Shir ka Dhacay Deegaanka Buuro-Wadal,waxana Qodobada Shirkaasi Kasoo baxay ka Mid Ahaa Qaban Qaabada Shirka Midnimo Oo Dhamaan Wax Garadka Beesha Ka Qeyb galayaan.

Buuro-wadal Waa halkii Uu ka Bilaamay Shirkii Aas Aaska Khaatumo Oo Ugu danbeyntii  Ka Dhacay magaalada taleex,waxana Shirkii ugu Horeeyey Ee Buuro wadal Uu Mideeyey Dhamaan Bulshada  Dhulbahante Iyagoo Tusaale Looga Soo qaadanayo dadkii tagey taleex Oo Ahaa dadkii Ugu Badna Magaalada Qaadey.

Kadib Shirkii iisimada Buuro wadal,waxa Dhacay Shirkii Aas Aaska Khaatumo Ee taleex waxana Kasoo Qeyb galay rag Sioyaasin Ahaa Oo Iyagu Dantooda Gaarka wata,Iyagoo Afduubay Iisimadi Oo gaadhey Heer Qaar iskaga baxaan Shirka Madama Ay  Arkeen waxa Ana u Cuntamayn.

waxaa Lagu Yidhi Loo joojin Maayo Iyagoona Guud Ahaanba Gacanta Ka Baxday taladii iisimada Oo ku Wareegtey Rag Sioyaasin Oo ka Kala Socdey  Puntland,Somaliland Iyo Dowladii faderalka Ahayd,Dhamaantoodana Waxa Ay ka Midaysnaayeen Inay Sadkooda Iyo Awoododa Ku Helaan .

Mudo yar Kadibna Waxa Madaxa isla Galay Oo is Arkay ragii is Diidanaa Ee Siyaasinta Ahaa ,iyagoona Mid kasta Doonayey Inuu Reerka U raro halka Isaga Ay Ula Muuqatey”Waxa Guud Ahaan Meesha ka Baxay Doorkii iisimada  Maamulkii la Dhisay,Awoodoodiina Waxa laga Dhigay waxaan jirin”

Maanta maxaa La Gud Boon Iisimada?

Waa In laga Mamnuuca Siyaasinta Dhamanatooda Shirkaasi.

Waa In iisimada Laga Dhigaa  Xubnaha fulinta Dhamaantooda

Waa In Beel kasta Laga Dhaariyaa 100 Oday Inay Midnimada Beesha Ku Shaqeynayaan

Hadii la Sameeyo sadexdaasi Oo Qodob Oo ugu Muhimsan tahay Inuusan Nin Siyaasi Shirkaasi waxba Ku yeelan Ee Gudiga Fulintu Noqdaa Iisimada Oo Dhamaan Isim kasta Xilka Loo magacabay Logula Xisaab Tamayo waxa Hubaal Ah Inay Yaraanayana danaha Siyaasada Gaarka Ah.

.

Readers Comments (2)

  1. LIBAAXA MUDUG says:

    AHAHA

    IN LA DHAARIYAA
    WAR HEEDHE MA DHAAR BAY KALA JECEL YIHIIN?
    MA KULA TAHAY IN RABI IYO RASUUL IYO MAALINTA QOYAAMO AY U TIRSAN TAHAY.
    MALAHAYGA INTA BAALAL YARE GACANTA GALIYAAN BAY WAXOODII XILKA LAHAA MEESHOODII KASII WALAAQANAYAAN

  2. Ahmed says:

    Alakh. Imika ayuunbaa loo yaabaa Iidoorkii. Kkkk Kol hadey afartii koofad baclayaal ay labona sidoodii calaacaleen, labona asaasaq dartiis calyada iyo dhareerka iskugu daree. Kkkkk

    Anigu waxa aan ka helay oon aad iyo aad uga makhsuuday odayga ugu weyn meesha dhan ee hadalkiisu isku dhex yaacsan yahay, ee islaamihii ku dhiiri gelinaya inay wax shiidaan ee maatidii iska Soo horeysiinaya. Kkkkkkkkkklkkkkkk






WARARKA MAANTA

DAAWO VIDEO:Soodhaweyn Loo kala Hadhin Dhuuramareeb Madaxweyne Farmaajo.

January 17, 2018
Madaxweynaah Soomaaliya waxaa socdaalkiisa ku wehliya Madaxweynaah Galmudug,wasiiro,xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale. Halkani Riix Daawo Video Soodhaweynta Madaxweynaha Waxaana ku soo ...

DAAAWO VIDEO:Itoobiya Oo Adis Sababa Ku Kulminaysa Puntland Iyo Soomaliland(VIDEO)

January 17, 2018

DAAWO;-Jiidaha gobolka sool oo Ay kusoo Qulqulayaan Ciidamada Puntland Iyo Weerar Ka dhan Ah somaliland Wararkii Ugu dambeeyay

January 16, 2018
Dhowaan ayay Ahayd kadib markii Ay ciidamada maamulka Somaliland  ay la Wareegeen Gacan kuhaynta magaalada Tukaraq oo katirsan ...

DAAWO VIDEO:Puntland”Soomaliland Shabaab Oo kalaan Ula Dagaalamaynaa”

January 16, 2018

DAAWO VIDEO:Soomaliland”Laascaanood Iyo Garoowe Mid Ayaa Qaxi Doona”

January 16, 2018
Maamulka Soomaliland Ayaa Mar kale ka Hadlay dagaalka Xiisada  Tukaraq waxayna Sheegeen Inay Mid Uun Qaxi Doonaan Laascaanood ...