Tuesday, January 16th, 2018
.

Wasaaradda amniga “Waxaan cafis u sameyn doonaa siyaasiinta Mucaaradka ah ee Dowladda ka soo horjeeda”.

,
Published on January 11, 2018 by   ·   1 Comment

C/casiis Cali ibraahim ” Xildhibaan” oo maanta shir jiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay cafis u sameyn doonto siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah Dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Afayeenka Wasaaradda Amniga in  mas’uuliyiinta amniga ee Hay’adaha Dowladda isku afgartayn in la siiyo cafis siyaasiin mucaarad ah oo Dowladda ka soo horjeeda,hadii ay mar dambe u laabtaan falal la xariira qaran Dumis-nimo ay Dowladda talaabo ka qaadi doonto.

Sidoo kale wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan jirin cid ka sareysa sharciga, sidaas darteedna ay Dowladda sharciga la tiigsan doonto dadka ku mashquulsan Duminta Dowladda.

Wasaaradda amniga Soomaaliya ma aysan cadeynin cidda ay cafiska u sameyn doonaan ee qal qal giliyay Siyaasadda Soomaaliya, balse hadalkaan ayaa u muuqda mid ku socda Siyaasiinta Soomaaliya ee mucaaradka ah, gaar ahaan C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Waxaa jira Siyaasiyiin isugu jiray kuwo xilka iyo kuwo horay u soo qabtay oo mucaarad ku ah Dowladda uu hogaamiyo Maxamed C/llaahi Farmaajo,kuwaasoo dhaliilsan sida hogaanka dalka ay wax u wadaan.

.

Readers Comments (1)

  1. Somali says:

    KKK kuwaas ayaan sowladnimo laga sugayaa iaka daa wax kala’e iyagii ayaan is igaayn siraato ayuu yariisoow lahaa arinka mucaaradka maxkamad ayaa ka socota hadane waa kaasaa kkkkkk maxaad cafinaaydaan ma nin markii hore aad qalad ku weerarteen oo hadane aad qalad ku xirteen oo qalad aad ku sii daaydeen oo aad qalad ku haaysataan ayaa hadane qalad ku cafinaaydaan,war meesha boorsooyinkiina ka soo urursada,kilaabyahay,






WARARKA MAANTA

DAAAWO VIDEO:Itoobiya Oo Adis Sababa Ku Kulminaysa Puntland Iyo Soomaliland(VIDEO)

January 17, 2018

DAAWO;-Jiidaha gobolka sool oo Ay kusoo Qulqulayaan Ciidamada Puntland Iyo Weerar Ka dhan Ah somaliland Wararkii Ugu dambeeyay

January 16, 2018
Dhowaan ayay Ahayd kadib markii Ay ciidamada maamulka Somaliland  ay la Wareegeen Gacan kuhaynta magaalada Tukaraq oo katirsan ...

DAAWO VIDEO:Puntland”Soomaliland Shabaab Oo kalaan Ula Dagaalamaynaa”

January 16, 2018

DAAWO VIDEO:Soomaliland”Laascaanood Iyo Garoowe Mid Ayaa Qaxi Doona”

January 16, 2018
Maamulka Soomaliland Ayaa Mar kale ka Hadlay dagaalka Xiisada  Tukaraq waxayna Sheegeen Inay Mid Uun Qaxi Doonaan Laascaanood ...

DEG DEG: Madaxweyne Farmaajo & Wafdi uu hogaaminayo oo goordhow gaaray Dh/mareeb

January 16, 2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo safar dhanka dhulka ah kaga soo ambabaxay magaalada Cadaado ...