Tuesday, January 16th, 2018
.

TOP+DHAGEYSO: Senator Faroole “ Soomaaliya Waxa Ay Nabad Ka Jirtaa Oo Kaliya Puntland Iyo Somaliland”

,
Published on January 11, 2018 by   ·   2 Comments

Madaxweynihii Hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxmuud Faroole oo maanta Shir Jaraa,id ku qabtay mgaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa waxa uu si cara leh kaga hadlay dagaalkii maalin ka hor ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool waxa uuna sheegay in taasi dhibaato badan fara badan ay horseedayso waxa uuna ku baaqay in lajoojiyo.

Faroole Waxa uu soo hadal qaaday hadal uu madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas xalay uu jeediyay kaas oo uu kaga hadlayay Dagaalka ka qarxay Tukaraq waxa uuna Dr Gaas Tilmaamay In Somaliland ay taageero siinayso Daacishta ku dhuumaaleesanaysa gobolada Puntland Faroole ayaana Hadalkaas ku tilmaamay Mid xanaf leh oo colaad ka dhex abuuri kara Puntland Iyo Somaliland.

Isaga oo sii hadlaya Mr Faroole ayaa waxa uu soo hadal qaaday in safarka Madxweynaha JFS uu ku joogo Deeganada Maamulka Puntland waxa uuna xusay in marnaba uusan salka ku hayn Safarka Madaxweynaha dagaalkas udhexeeya Somaliland Iyo Puntland.

Dhanka Kale Waxa uu baaq ujeediyay Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Muuse Biixi waxa uuna ujeediyay in mustqbalka Laba Maamul ay kawa hadlaan Colaadana la dhamees tiro xalkuna uu ku jiro in lawada hadlo ciidankana lakala qaado.

.

Readers Comments (2)

  1. Somali says:

    Midkaan afka balaadhan waa asaasaqay ee cafimaad ha loogu duceeyo,

  2. Ayaan says:

    Argagixo waa somaliya waa runti konfur nabadeeda waa ka soo horjeda somalilad






WARARKA MAANTA

DAAAWO VIDEO:Itoobiya Oo Adis Sababa Ku Kulminaysa Puntland Iyo Soomaliland(VIDEO)

January 17, 2018

DAAWO;-Jiidaha gobolka sool oo Ay kusoo Qulqulayaan Ciidamada Puntland Iyo Weerar Ka dhan Ah somaliland Wararkii Ugu dambeeyay

January 16, 2018
Dhowaan ayay Ahayd kadib markii Ay ciidamada maamulka Somaliland  ay la Wareegeen Gacan kuhaynta magaalada Tukaraq oo katirsan ...

DAAWO VIDEO:Puntland”Soomaliland Shabaab Oo kalaan Ula Dagaalamaynaa”

January 16, 2018

DAAWO VIDEO:Soomaliland”Laascaanood Iyo Garoowe Mid Ayaa Qaxi Doona”

January 16, 2018
Maamulka Soomaliland Ayaa Mar kale ka Hadlay dagaalka Xiisada  Tukaraq waxayna Sheegeen Inay Mid Uun Qaxi Doonaan Laascaanood ...

DEG DEG: Madaxweyne Farmaajo & Wafdi uu hogaaminayo oo goordhow gaaray Dh/mareeb

January 16, 2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo safar dhanka dhulka ah kaga soo ambabaxay magaalada Cadaado ...