Wednesday, January 17th, 2018
.

Madaxweyne Farmaajo Oo Safar Ku Maray Buuraha Galgala Iyo Buuraha Shabaab Lagu Ogaa.

,
Published on January 11, 2018 by   ·   5 Comments

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galay safarkiisii ugu dheeraa ee dhul Soomaaliya kamid ah uu ku maro inta uu madaxweynaha ahaa.

Wuxuu gaari ku socday qiyaastii 440km oo ah dhulka u dhaxeeya Garowe iyo Boosaaso. Ammaanka madaxweynaha waxaa sugaya ciidamada dowlad goboleedka Puntland iyo ilaalo gaar ah oo Muqdisho kala safaray.

Maleeshiyaad hubaysan ka tirsanaa Al-shabaab ayay fariisin u tahay buuraha Galgala oo qiyaastii 80 Kiiloomitir Boosaaso u jira.

Dhulka uu farmaajo maray waa qarfaha iyo buuraha ah ee caanka ku ah beeyada iyo xijiga ee Bari, dhul geedka uu aad ugu yaryahay balse lagu sheegay kaydka kheyraadka dabiiciga ah oo aanan wali lasoo faganin.

Qeybaha kale ee Soomaaliya, xaalado ammaan dartood ayaanan madaxweynaha u suurtogalinin in uu socdaal xagga dhulka ku tago magaalooyinka dalka marka laga reebo Afgooye oo caasimadda u jirta 30km oo kaliya.

Buuraha Galgala waxaa marar badan ka dhacay dagaallo dhexmaray ciidama maamul goboleedka Puntland iyo kooxo hubeysan, balse kolonyada madaxweynaha kalama aysan kulmin wax caqabad ah.

Ammaanka buuraha Golis oo ka sokeeya Boosaaso ayaa si wayn loo adkeeyay, ciidamo ayaa Ku suganaa heraaraha waddada, sida ay sheegeeyn saxafiyiinta la safraya madaxweyne Farmaajo.

Kooxaha safarka madaxweynaha khattarta ku ahaa kuma koobnayn ururka la baxay dowladda Islaamka oo kaliya ee waxaa iyana meel Puntland ka mid ah jooga kooxo lala xiriirinayo ururka Al-Shabaab.

Amaanka ayaa aad loo adkeeyay inta udhaxeeysa Bosaaso iyo Tuulada kala bayr oo ah dhul buuraley ah. kooxda alshabaab ayaa meelo ka mida fariisimo Ku leh sida la sheegay. “ciidamo badan ayaa waddada jooga waxayna ku hubeeysnyihin gadiidka dagaalka”, ayuu yiri saxafi ka mid ah safarka wafdiga madaxweyne Farmaajo.

Bishii Maarso ee sannadkii la soo dhaafay ayaa koox dagaalyahanno ah oo ka badnaa 1000 ay doon ku gaareen deegaanka Garacad ee gobolka Mudug. Kooxdaasi waxay ka tirsanaayeen ururka Al-shabaab.

Waxay halkaasi kula dagaallameen ciidammada Punland, dagaalkii ugu adkaana wuxuu ka dhacay togga Suuj.

In ka badan 70 kamid ah dagaalyahannadaas ayaa la dilay tira kalana gacanta ayaa lagu dhigay. Dhacdadaas ayaa muujisay khatarta Alshabaab ee deegaankaas.

Intaasna kuma aysan istaagin, Buuraleyda Golis iyo Galgala waxaa dhowr goor ka dhacay dagaal dhexmaray ciidammada Puntland iyo kooxo hubeysan.

Balse safarka Madaxweyne Farmaajo lama uusan kulmin wax caqabad ah, taas oo calaamad u noqon karta in amniga goobaha qaar uu soo hagaagayo, ama waxaa suuragal ah in “kooxaha hubeysan aysan dooneyn in dagaal culus ay kala kulmaan ilaalada madaxweynaha.

Korneel Shariif Xuseen Rooboow oo ka faallooda arrimaha ammaanka oo BBC la hadlay ayaa mujiiyay jiritaanka khatarta kooxda daacish ee ah in ay weerrari karto kolonyada madaxweynaha.

“Inkasta oo Puntland ay digtoon tahay, ammaankana ay aad u adkeysay, haddana marka laga hadlayo aagga Galgala wax walba ayaa laga fili karaa sidaas darteed waxaa ila qunneyd in uu madaxweynuhu diyaarad u qaato Boosaaso” ayuu yiri Rooboow.

.

Readers Comments (5)

  1. sagal nasir says:

    reer argaagixiso isa soo booqday maxaa ku jaban waa isla ayagii,oo marna buuraha isla galo marna is xasuuqo argagixiso cawir iyo hitler farmaanjo kulankoda macno ma leh.

  2. axmed says:

    Waxba kama jiraan waxa aad sheegeyso, Galgala shabaab saldhigya run ah kuma laha, waa rag maleeshiya ah ee hargeysa laga soo diro, ee laba laba u socda, mana sameyn karaa dagaal fool ka fool, iyagaa baqaya. Diyaarad muxuu ku falayaa Farmaajio , sidaanaa u fiican, dhulka quruxda uu eego.

  3. LIBAAXA MUDUG says:

    ninkaan isaga ah inta jeer oo colaad noo muujiyey ma tiro yara. saad carabowday bog kale inuu diiday dowlada puntland , taasi ani shido iilama muuqan balse waxaa darayd vitoed isagoo ku sameeyey barnaamijyo horumarineed oo kusoo aadanaa puntland.
    waxay doontoba ha ahaatee inaan iska cafino oo xalay dhalay laga soo qaado baa ila quman

  4. LIBAAXA MUDUG says:

    hayeeshee atooroow ogoow nabadoo aad loo jeclaado waxay ku dhaxal iyo dheefsiisaa dacar iyo hoog.

    waxaad ogaanaysaa waxa maanta gaalkacyo ka taagani inay tahay saan.

    nabada illaa heer baa fiican in la qabatimo
    otherwise it makes you to depend on it excessively.
    once it does, it gonna take you hostage!
    marka waxaa fiican system of balance and checks.

  5. Atoore says:

    ASC.
    Taasaa muujinaysa in ay puntlaan tahay meel nabadeed.Mahaddaasna waxaa iska leh Allaah (swt) iyo dadka reer puntlaan oo ah dad yaqaan nabada iyo wanaagu waxay yahiin.Maantana Ina farmaajo wuu garwaaqsaday in ay puntlaan tahay meel ogol xukunkiisa oo ay ku dheertahay soomaalinimadu.






WARARKA MAANTA

DAAWO VIDEO:Soodhaweyn Loo kala Hadhin Dhuuramareeb Madaxweyne Farmaajo.

January 17, 2018
Madaxweynaah Soomaaliya waxaa socdaalkiisa ku wehliya Madaxweynaah Galmudug,wasiiro,xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale. Halkani Riix Daawo Video Soodhaweynta Madaxweynaha Waxaana ku soo ...

DAAAWO VIDEO:Itoobiya Oo Adis Sababa Ku Kulminaysa Puntland Iyo Soomaliland(VIDEO)

January 17, 2018

DAAWO;-Jiidaha gobolka sool oo Ay kusoo Qulqulayaan Ciidamada Puntland Iyo Weerar Ka dhan Ah somaliland Wararkii Ugu dambeeyay

January 16, 2018
Dhowaan ayay Ahayd kadib markii Ay ciidamada maamulka Somaliland  ay la Wareegeen Gacan kuhaynta magaalada Tukaraq oo katirsan ...

DAAWO VIDEO:Puntland”Soomaliland Shabaab Oo kalaan Ula Dagaalamaynaa”

January 16, 2018

DAAWO VIDEO:Soomaliland”Laascaanood Iyo Garoowe Mid Ayaa Qaxi Doona”

January 16, 2018
Maamulka Soomaliland Ayaa Mar kale ka Hadlay dagaalka Xiisada  Tukaraq waxayna Sheegeen Inay Mid Uun Qaxi Doonaan Laascaanood ...