Tuesday, January 16th, 2018
.

DAAWO VEDIO; Golaha Wasiirada XFS oo Arrimo Xasaasi ah maanta ka shiray & shaqaalo Mushaarka laga joojinayo

,
Published on January 11, 2018 by   ·   No Comments

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta looga hadlay qodobo dhowr ah,waxaana ka mid ahaa waxyaabaha la isku soo qaaday qorshe iyo tira koob uu Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha horgeeyay golaha wasiirrada.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/Raxmaan Cumar Cismaan Yariisow, oo shir jaraa’id qabtay kaddib kulanka Golaha wasiirrada ayaa u sheegay Warbaahinta in Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha uu maanta golaha wasiirrada horgeeyay liiska shaqaalaha rayidka ah ee dowladda,tiradooda,tayadooda iyo shaqada ay qabtaan.

Waxaa uu sheegay in Shaqaalaha u diiwaangeshan Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ay ka badanyihiin 5,000 oo shaqaale ah,waxaana uu xusay in hadda dowladda ay mushaarka ka joojineyso shaqaale diiwaangeshan oo aan shaqeyn kuwaas oo uu sheegay in ay mushaar ka qaataan dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/Raxmaan Ducaale Beyle ayaa dhamaadkii Bishii June ee Sanadkii hore sheegay in laga billaabo 1da July 2017 dowladda ay joojineyso mushaarka la siiyo shaqaalaha ka shaqeeya meelo kale una diiwaangeshan dowladda.

Waxaana uu Dadkaas ku tilmaamay in ay dhibaato ku yihiin hannaanka  sugnaanta Misaaniyadda dowladda sidaas darteedna dabagal lagu sameynayo.

.

Readers Comments (0)






WARARKA MAANTA

DAAAWO VIDEO:Itoobiya Oo Adis Sababa Ku Kulminaysa Puntland Iyo Soomaliland(VIDEO)

January 17, 2018

DAAWO;-Jiidaha gobolka sool oo Ay kusoo Qulqulayaan Ciidamada Puntland Iyo Weerar Ka dhan Ah somaliland Wararkii Ugu dambeeyay

January 16, 2018
Dhowaan ayay Ahayd kadib markii Ay ciidamada maamulka Somaliland  ay la Wareegeen Gacan kuhaynta magaalada Tukaraq oo katirsan ...

DAAWO VIDEO:Puntland”Soomaliland Shabaab Oo kalaan Ula Dagaalamaynaa”

January 16, 2018

DAAWO VIDEO:Soomaliland”Laascaanood Iyo Garoowe Mid Ayaa Qaxi Doona”

January 16, 2018
Maamulka Soomaliland Ayaa Mar kale ka Hadlay dagaalka Xiisada  Tukaraq waxayna Sheegeen Inay Mid Uun Qaxi Doonaan Laascaanood ...

DEG DEG: Madaxweyne Farmaajo & Wafdi uu hogaaminayo oo goordhow gaaray Dh/mareeb

January 16, 2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo safar dhanka dhulka ah kaga soo ambabaxay magaalada Cadaado ...