Tuesday, January 16th, 2018
.

Maadxweyne Gaas Oo sheegay in soomaaliland ay Duulaan ku soo Qaaday Puntland.

,
Published on January 10, 2018 by   ·   1 Comment

Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa ka hadlay xiisada u dhaxeysa Maamulka Puntland iyo Somaliland, taasi oo dhowaan soo xoogeysatay, kadib markii Ciidamo ka kala tirsan labada maamul ay ku dagaalamaneen degaanka Tukaraq.

Gaas ayaa sheegay 8-dii bishan Ciidamo laga soo abaabulay magaalada Hargeysa in ay duulaan ku soo qaadeen degaanka Tukaraq oo ka tirsan Gobolka Sool, wuxuuna sheegay dagaalka inuu ku soo aaday xilli booqasho uu Puntland ku joogo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C.llaahi Farmaajo.

Wuxuu sheegay Madaxweyne (Gaas) in Puntland iyo shacabkeeda ay ku filan yihiin difaaca dhulkooda, wuxuuna shacabka ku sugan gudaha iyo dibadda ee Puntland ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan difaaca dhulkooda.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay duulaanka Somaliland inuu garab iyo gaashaan u yahay Argagixisada, isaga oo sheegay in Puntland ay culeyska saartay hormarka iyo dib u dhiska dalka.

Ugu dambeyntii madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali (Gaas) ayaa Dowladda Federaalka, Beesha Caalamka, Ummadda Soomaaliyeed ogeysiiyay in maamulka Somaliland uu masuul ka noqon doono cawaaqib xumada ka dhalata xiisada Tukaraq.

.

Readers Comments (1)

  1. Somali says:

    Bal fiiriya naftaan caqliga digaagada leh,war adigaa duulay oo hadane lagu soo karbaashay,war wuxu naf adakaa oo been badanaa,kkkkk duli duli dhalay,






WARARKA MAANTA

DAAAWO VIDEO:Itoobiya Oo Adis Sababa Ku Kulminaysa Puntland Iyo Soomaliland(VIDEO)

January 17, 2018

DAAWO;-Jiidaha gobolka sool oo Ay kusoo Qulqulayaan Ciidamada Puntland Iyo Weerar Ka dhan Ah somaliland Wararkii Ugu dambeeyay

January 16, 2018
Dhowaan ayay Ahayd kadib markii Ay ciidamada maamulka Somaliland  ay la Wareegeen Gacan kuhaynta magaalada Tukaraq oo katirsan ...

DAAWO VIDEO:Puntland”Soomaliland Shabaab Oo kalaan Ula Dagaalamaynaa”

January 16, 2018

DAAWO VIDEO:Soomaliland”Laascaanood Iyo Garoowe Mid Ayaa Qaxi Doona”

January 16, 2018
Maamulka Soomaliland Ayaa Mar kale ka Hadlay dagaalka Xiisada  Tukaraq waxayna Sheegeen Inay Mid Uun Qaxi Doonaan Laascaanood ...

DEG DEG: Madaxweyne Farmaajo & Wafdi uu hogaaminayo oo goordhow gaaray Dh/mareeb

January 16, 2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo safar dhanka dhulka ah kaga soo ambabaxay magaalada Cadaado ...