Tuesday, January 16th, 2018
.

DEG DEG: Farmaajo oo Gaaray Qardho & Shacabka oo Banaanka Magaalada kaga horyimid

,
Published on January 10, 2018 by   ·   No Comments

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Qardho, iyadoo si weyn loosoo dhaweeyay.

Masuuliyiinta Magaalada Qardho iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa wafdiga Madaxweynaha kaga hortagay magaalada banaankeeda si ay u soo dhaweeyaan, waxaana dhamaan wajiyadooda ka muuqday dareen farxadeed ay u qabaan in Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo la qaadan doona Masuuliyiinta,Waxgaradka iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada Qardho ,isagoo kala hadli doona Arrimo badan oo ku saabsan horumarka Bulshada iyo sidii wadajir loogu wada shaqeyn lahaa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in deegaano kale oo ka tirsan Puntland iyo Galmudug uu booqdo maalmaha soo socda waana booqashadii ugu horeysay Madaxweynaha Soomaaliya uu tago deegaanadaasi tan iyo markii la doortay.

.

Readers Comments (0)






WARARKA MAANTA

DAAAWO VIDEO:Itoobiya Oo Adis Sababa Ku Kulminaysa Puntland Iyo Soomaliland(VIDEO)

January 17, 2018

DAAWO;-Jiidaha gobolka sool oo Ay kusoo Qulqulayaan Ciidamada Puntland Iyo Weerar Ka dhan Ah somaliland Wararkii Ugu dambeeyay

January 16, 2018
Dhowaan ayay Ahayd kadib markii Ay ciidamada maamulka Somaliland  ay la Wareegeen Gacan kuhaynta magaalada Tukaraq oo katirsan ...

DAAWO VIDEO:Puntland”Soomaliland Shabaab Oo kalaan Ula Dagaalamaynaa”

January 16, 2018

DAAWO VIDEO:Soomaliland”Laascaanood Iyo Garoowe Mid Ayaa Qaxi Doona”

January 16, 2018
Maamulka Soomaliland Ayaa Mar kale ka Hadlay dagaalka Xiisada  Tukaraq waxayna Sheegeen Inay Mid Uun Qaxi Doonaan Laascaanood ...

DEG DEG: Madaxweyne Farmaajo & Wafdi uu hogaaminayo oo goordhow gaaray Dh/mareeb

January 16, 2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo safar dhanka dhulka ah kaga soo ambabaxay magaalada Cadaado ...