Tuesday, January 16th, 2018
.

Ciidamada Puntland & Somaliland oo Dhaq dhaqaaq ciidan ka wada Deegaanka Tukaraq & Xiisad culus oo jirta

,
Published on January 10, 2018 by   ·   No Comments

Wararka ka imaanaya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo dhawaan ay ku dagaalameen ciidamo kala taabacsan Maamulada Puntland iyo Soomaaliland ayaa sheegaya in maanta deegaankaas uu ka jiro dhaq dhaqaaq ciidan oo ay wadaan dhinacyadii halkaasi isku haayay.

Warar aan heleyno ayaa tilmaamaya in Ciidamada soomaaliland ee ku sugan deegaankaas Tukaraq ay saakay bilaabeen dhaq-dhaqaaq ka duwan midkii shalay ka jiray deegaankaasi.

Dhanka ciidamada Puntland marka la eego Waxaa jira ciidamo wata gaadiidka dagaalka oo ku sii jeeda Deegaankaasi, inkastoo xaalada ay dagan tahay saaki hadana Waxaa jira cabsi soo wajaheysa dadka deegaanka oo ka baqanaya dagaalka markale halakas ka qarxa.

Madaxweynha Maamulka Puntland C.wali Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay xiisadaan u dhaxeysa Puntlan iyo Soomaaliland ayaa sheegay 8-dii bishan Ciidamo laga soo abaabulay magaalada Hargeysa in ay duulaan ku soo qaadeen degaanka Tukaraq oo ka tirsan Gobolka Sool, wuxuuna sheegay dagaalka inuu ku soo aaday xilli booqasho uu Puntland ku joogo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C.llaahi Farmaajo.

Wuxuu sheegay Madaxweyne (Gaas) in Puntland iyo shacabkeeda ay ku filan yihiin difaaca dhulkooda, wuxuuna shacabka ku sugan gudaha iyo dibadda ee Puntland ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan difaaca dhulkooda.

.

Readers Comments (0)






WARARKA MAANTA

DAAAWO VIDEO:Itoobiya Oo Adis Sababa Ku Kulminaysa Puntland Iyo Soomaliland(VIDEO)

January 17, 2018

DAAWO;-Jiidaha gobolka sool oo Ay kusoo Qulqulayaan Ciidamada Puntland Iyo Weerar Ka dhan Ah somaliland Wararkii Ugu dambeeyay

January 16, 2018
Dhowaan ayay Ahayd kadib markii Ay ciidamada maamulka Somaliland  ay la Wareegeen Gacan kuhaynta magaalada Tukaraq oo katirsan ...

DAAWO VIDEO:Puntland”Soomaliland Shabaab Oo kalaan Ula Dagaalamaynaa”

January 16, 2018

DAAWO VIDEO:Soomaliland”Laascaanood Iyo Garoowe Mid Ayaa Qaxi Doona”

January 16, 2018
Maamulka Soomaliland Ayaa Mar kale ka Hadlay dagaalka Xiisada  Tukaraq waxayna Sheegeen Inay Mid Uun Qaxi Doonaan Laascaanood ...

DEG DEG: Madaxweyne Farmaajo & Wafdi uu hogaaminayo oo goordhow gaaray Dh/mareeb

January 16, 2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo safar dhanka dhulka ah kaga soo ambabaxay magaalada Cadaado ...