Monday, December 11th, 2017
.

DAAWO VIDEO:FALANQEYN Dagaalkii 3 Aad Ee Dunida Ma Bilaaban Karaa Qudus Xiisadeeda.

Published on December 8, 2017 by   ·   4 Comments

Kadib Markii Uu Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump Ku Dhawaaqay Inuu Magaalada Qudus U Aqoon san yahay Caasimadda Israil waxa Go’aankaasi ka Jawaabey Hogaamiyaasha Caalamka Oo Intooda Badani Kasoo Horjeestey Go’aankaasi.

 

HALKANI RIIX DAAWO FALANQEYN

Madaxda Caalamka Ee Canbaareyey Go’aankani waxa Ka Mid Ah,Madaxda faransiiska,Britian,Russia,Australia,Midowga Yurub,Turkiga Iyo Sucuudi Arbiya Oo Dhamaantooda Sheegay Inuu yahay Go’aankani Mid Xasilooni daro U Horseedi Doona Bariga Iyo waliba Caalamka.

 

Arintani Oo U Muuqanaysa Isgarabsi Bilaamay,hadana Madaxda codka Awooda Ku leh Golaha Amaanka Qaradamada Madoobe Ayaa Meel Fog iska Taagey Inuu Go’aanka Donald Trump Yahay Mid Shaqsi Gaar Uu Gaadhey Isagu Meelna Uga Dhacaya wada Hadalada Nabada Ee Bariga Dhexe.

 

Madaxweynaha Turkiga Rajab d. Erdugaan Ayaa Iclaamiyey Shir Hogaamiyaasha Islaamka Iskugu imaan Doonaan Magaalada Ankara Ee dalka Turkiga Si Go’aanka Jawaab cad Uga Soo saraan Hogaamiyaasha Islaamka Iyagoo ku Midoobaya waxa Uu Ugu Yeedhay cadowgooda.

 

Shirkani Turkiga Ayaa Noqon Doona Mid Midayn Doona Hogaamiyaasha Oo Ku kala Qeyb sanaa Arinta Qadar Ee Khaliijku Godoomiyeen Sanadkani badhtamahiisa,waxana Wada tagi Doona Madaxda Sucuudiga Iyo Qadar Oo Is Hor fadhisanaya,Waxana Durba Qadar Iyo Sucuudiga Si isku Mid Ah U Canbaareeyeen Donald Trump Inuu Qudus U Aqoon sado caasimada Israil.

 

waxa La Aamin san yahay Inuu madaxweynaha Turkiga Garab Saxiibnimo ka Heli Doono Dalka Ruushka OO ka Mid Ah Awoodaha Ugu Waweyn caalamka Codka Awoodana ku leh Qaramada Madoobe Iyadoo La Hadal hayo Inuu Madaxweyne Erdugaan Booqan Doono Ruushka..

 

Iran Iyo Sucuudiga Oo Hada Ah Awoodaha Dhibaatada Ugu Weyn Ee kala Qeyb sanaanta wadamada Bariga Dhexe Keenay Ayaa Iyaguna Si isku Mid Ah U canbaareyey Go’aankani,Iran Waxa Xirir Xoogan Oo waliba La Aamin san yahay Dhanka Hubka Inay Ka Hesho Kuuriyada waqooyi ,Iyadoona Kuuriyada Waqooyi Iyo maraykanka Xirirkooda Uu marayo halkii ugu Adkaa Abid Iyo Hanjabaad Maalin kasta taagan.

 

Wararka Diblumaasiyada Ayaa Sheegaya Kuuriyada Waqooyi Heli Doonto Fursada Ugu Weyn Oo kaga Hor Imaan Doonto Go’aanka Madaxweynaha Maraykanka Uu Qudus Ugu Aqoon saday caasimada Israail..

 

Dagaalkii Sadexaad Ee Aduunka Miyuu Ka Dhalan Karaa Xiisada Bariga Dhexe.

 

Waxa Hubaal Ah Inay Arinta Maraykanku ku Kaliyeysan Doono Isla Markaasina Noqon Doono cadaadis Si gaar U Fuuli Doona Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ,inkasta Oo laga Filayn Inuu Ka Laaban Doono maraykanku Go’aankaasi.

 

Waxa Maraykanku Uu ku waayi Doona Saxiibo badan Oo Uu Doonayey Inay Noqdaan Awooda Uu Ku Fuliyo Amaarada ,waxana Ka Mid Ah Sucuudiga Oo La Aamin san yahay Inuu Maraykanku Doonayey Awooda Bariga Dhexe Inay Gacanta U gasho Si Uu Uga Takhaluso Iran .

 

marka Laga Tago maraykanka ,Wadamada Codka Fiitowga Ayaa Ku Dadaalaya Inaysan Xiisada Bariga Dhexe Noqon Goob Dagaal Weyni Uu ka Bilowdo,waxana Reer Galbeedka Laftiisa Ku kala Jabi Doonaan Go’aankani.
Waxa Hubaal Ah In Iran Iyo kuuriyada Waqooyi Hub Ku daabuli Doonaan Bariga Dhexe Si Uu u fashilmo Go’aanka Maraykanku Dhanka kalana Uu Iyaga Culayska Uga Yaraado.

 

.

Nagala Soo Xiriir

Marqaannews@gmail.com

Readers Comments (4)

  1. khalaf madoobe says:

    annaga reer gaalkacyo waxaa wax waliba nooga wayn oo xitaa dagaalkii 3aad oo caalamka ka qarxa nooga daran GAAS IYO DOWLADIISA LIIDATA EE ITAALKA DARAN.

    MEEL WALIBA DADKAYAGII WAA BAYLAH .
    DAGAAL 3AAD waa yeelkadiis maxaa naga galay anaka.

    war yaa illaahay yaqaana oo na dhaafiya ninkaan, maanta magaalada gaalkacyo meeshii ugu xumayd abid bay maraysaa.
    beesha cumar maxamuud waxaa labo dible iyo gardaduub ku jabayey ninkaas iyo dawladiisa dhiciska ah. ma is daafici karaan oo ma is daryeeli karaan, tasn oo ay ugu wacan tahay ninkaan oo rag isaga la mida oo ducufo ah meel kasta geestay. waxaa ugu danbaysay mudo 3 week hortood in beesha cumar maxamuud goaansatay inay si qasaba ula wareegaan suuqa magaalada gaalkacyo. arintaasna waxaa hor istaagay ninka uusoo magacawday gaas ee gudoonka gobolka mudug.
    wax noo eg caawa allaale oo aan garanayno maleh

  2. khalaf madoobe says:

    garan aanu mayno aanu

  3. Cismaan Cawad says:

    @Khalaf,

    Thanks once again. Xaqiiqadoo lama inkiraan ah ayaa jirta oo waxaa weeye in ay Soomaaliya iyo Soomaali-weyn ba Daaroodku, gaar ahaan na Hartigu weligood ba u ahaan jireen astaanta qarannimo iyo gabboodka iyo gaashaanka falsafadda Soomaalinimo iyo Islaamnimo.

    Waa sababta ay qabiilada ku caan baxay in ay falsafaddaasi teer iyo gumeysigii lid ku yihiin xoog iyo xeelad ba u adeegsadeen in ay Daaroodka kala dhambalaan oo ay Hartiga na qumaati u kala faquuqaan. Waa ayna ku guuleysteen xaqiiqdii.

    Waxaa se hubanti ah in inta ay Daaroodku iyo gaar ahaan Hartigu sha’nigoodu kala dhantaalan yahay aanay Soomaaliya iyana abid qarannimo hanan doonin.

  4. Waayeel says:

    “Khalaf ceebeysow” ina gaas gaalkacyo kaliya madaxweyne uma ahan ee xisaabta kudarso. Hadaad cid canaanaysid orodoo mayka canaano.c/laahi yusuf buu ahaa ninkii gaalkacyo gorgortanka galiyey,cade ayaa ka danbeeyey oo tabtaan ayey uqasnayd
    Faroole xilligiisii ayeyba ugu darneyd oo 200boqol oo indha garad ah ayaa lagu dilay. Qabiilbaa kula dirirayee ama iska celi ama isku dhiib. Ileyn ninka rag ahi guul ama guuldaro midbuu qaataaye.gaalkacyo rag la’aan ama hub la’aan ma haysee wadne ha loo iibiyo.
    C/wali ragguu iska celin lahaa ee dadkaas metelay nabadbaan rabnaa ayey yiraahdeen lkn waxaa nabada diidan waa mooriyaantodii,adigu mooriyaan maheli kartaa aan sharcigu qaban? Mayaan umalayn.
    Adeer if you can’t beat them join them. Madax website laga xag xagto waxba masoo kordhinayso. Wbt






WARARKA MAANTA

Daawo Muuqaal: Askarigii dilay Wasiir Siraaji iyo Arin Cuusb oo Maanta Ka Soo Baxdey Kiiskii Lagu Dilay Cabaas Siraaji…

December 11, 2017

DEG DEG: Golaha Shacabka oo si kulul uga hadlay Xiisadda ka taagan M/Qudus

December 11, 2017
Xildhibaanada Baarlamaanka Golaha Shacabka ee Soomaaliya oo hadda kulan ku leh magaalada Muqdisho ayaa si kulul ugu hadlay ...

DAAWO SAWIRADA: Xafladda daahfurka Qaamuuska Doorashooyinka oo ka socota Muqdisho

December 11, 2017
Maagalada Muqdisho waxaa ka socota Xaflad  lagu daahfurayo qaamuuska doorashooyinka iyo istiraatiijiyadda 5ta Sano ee soo socota. Munaasabaddaan ayaa ...

XOG: Farmaajo oo Amray inaan la dilin Hogaamiyaha ugu sareeya Al shabaab oo isagoo nool lasoo qabto

December 11, 2017
Warar hoose oo la helayo  ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu kulan Albaabada u xiran ...

XOG: Maxaa kala qabsaday R/wasaare Kheyre & Wasiiro ka cabsi qaba in xilalka laga qaado?

December 11, 2017
Warar hoose oo ay heshay Warbaahinta ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Wasiirada xukuumada Soomaaliya ay kulan ...

WAREYSO XASAASI AH+DHAGEYSO: Saameyn intee la Eg ayaa Shacabka ka soo gaarta dagaalada Ciidamada DF ku dhexmara Muqdisho? Maxaase soo noq noqa?

December 11, 2017
Saddexdii Maalmood ee la soo dhaafay waxaa dagaalo u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay ...

DAAWO VEDIO: Ciidamo ugu badnaa XDS oo la dejiyay inta u dhaxeysa Afgooye & Ceelasha Biyaha & Abaanduulaha oo Xog muhiim ah bixiyay+(Maxaa soo kordhay?)

December 11, 2017
Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la dejiyay inta u dhaxeyso deegaanka Ceelasha Biyaha iyo degmada ...

DAAWO VEDIO: Guddoomiye Jawaari oo Fariin Cajiib ah u diray in ka badan 500-dhalinyaro Soomaaliyeed oo hal meel isugu timid+(MUUQAAL)

December 11, 2017
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay in aysan ogolaan ...

WAR CUSUB+DHAGEYSO: Halkuu marayaa dhameystirka qorshaha isku dhafka Ciidamada ?

December 11, 2017
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa iyo safiirka Dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Aadan ...

DHAGEYSO: Wasiiro ka tirsan Somaliland oo Xanibaad la saaray & Xog ku saabsan Qorshaha ka danbeeya+(AKHRISO)

December 11, 2017
Madaxtooyada Somaliland ayaa waxa ay faah faahin ka bixisay warar saacadihii ugu dambeeyay oo soo baxay, kuwaasi oo ...