Monday, December 11th, 2017
.

TOP+DHAGEYSO: Sidee Shacabka Dhuusa-mareeb u arkaan Heshiiska Galmudug iyo Ahlu suna ku gaareen Muqdisho?

Published on December 7, 2017 by   ·   1 Comment

Shacabka ku dhaqan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa soo dhoweeyay heshiiskii shalay ay magaalada Muqdisho  ku gaareen Maamulka Galmudug iyo Ahlusuna Waljamaca.

Shacabka ayaa sheegay in Heshiiskaan uu dhabaha u xaarayo maamul dhameystiran oo awood u leh hanashada  guud ahaan deegaanada Galmudug.

Mid ka mid ah shacabka ku dhaqan Dhuusamareeb oo la hadlay Warbaahinta ayaa Yiri” Haddii aan nahay shacabka Dhuusamareeb waxaan soo dhoweyneynaa heshiiskii shalay lagu gaaray magaalada Muqdisho,waxaana u mahad celineynaa Dowladda Federaalka Soomaaliya,Walaalaha Jabuuti iyo Urur Goboleedka IGAD,waxaana Alle ka baryeynaa inuu noqdo Heshiiskaasi mid guuleysta”,

Sidoo kale,mid ka mid ah Haweenka Dhuusa-mareeb ayaa ku tilmaantay Heshiiska Ahlu sun iyo Galmudug mid meesha ka saaraya khilaafkii dhanka maamulka ah ee ka jiray deegaanada Galmudug,waxayna dhinacyada Heshiiska galay ugu baaqday iney siday tahay u dhaqan geliyaan.

Magaalada Dhuusamareb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ahna Caasimada Maamulka Gal-mudug ayaa laga dareemayaa diyaar garow ku aadan wafdiga ku soo wajahan, maadaama la xaliyey Qilaafkii Siyaasadeed ee Muddo soo jiitamayey.

Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Maamulka Gobollada dhexe ee Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa shalay heshiis taariikhi ah oo ay ku midoobayaan  ku kala saxiixday xarunta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxda Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljamaaca oo ku heshiiyey 14 qodob ayaa ku boggaadiyey Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalkii dheeraa ee ay ku bixisay xallinta khilaafka u dhexeeyey, iyagoona muujiyeey sida ay uga go’an tahay ka-mira-dhalinta dadaalkaasi.

 

.

Nagala Soo Xiriir

Marqaannews@gmail.com

Readers Comments (1)

  1. Atoore says:

    ASC.
    Shacabka Dhuusamareeb iyo shacabka soomaali oo dhan Insha Allaah waxaan u baahanahay nabad iyo ammaan.Insha Allaah haddii uu shacabaku helo nabad gelyo sida badan ayagaa isdabira oo ku wada mashquula hawlahooda.Laakiin markii aysan nabadi jirin noloshii baa ciriiri galaysa.Haddii ay nolasha iyo ammaanku xumaadaana wax walba way xumaanayaan oo xaataa roobkaa la waayaa.Waayo Ilaahay (swt) waxuu u ga-gaaraa ama uu jecel yahay ummadaha is ammaan siiya oo ka leexda xumaanta tii karaankood ah.






WARARKA MAANTA

Daawo Muuqaal: Askarigii dilay Wasiir Siraaji iyo Arin Cuusb oo Maanta Ka Soo Baxdey Kiiskii Lagu Dilay Cabaas Siraaji…

December 11, 2017

DEG DEG: Golaha Shacabka oo si kulul uga hadlay Xiisadda ka taagan M/Qudus

December 11, 2017
Xildhibaanada Baarlamaanka Golaha Shacabka ee Soomaaliya oo hadda kulan ku leh magaalada Muqdisho ayaa si kulul ugu hadlay ...

DAAWO SAWIRADA: Xafladda daahfurka Qaamuuska Doorashooyinka oo ka socota Muqdisho

December 11, 2017
Maagalada Muqdisho waxaa ka socota Xaflad  lagu daahfurayo qaamuuska doorashooyinka iyo istiraatiijiyadda 5ta Sano ee soo socota. Munaasabaddaan ayaa ...

XOG: Farmaajo oo Amray inaan la dilin Hogaamiyaha ugu sareeya Al shabaab oo isagoo nool lasoo qabto

December 11, 2017
Warar hoose oo la helayo  ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu kulan Albaabada u xiran ...

XOG: Maxaa kala qabsaday R/wasaare Kheyre & Wasiiro ka cabsi qaba in xilalka laga qaado?

December 11, 2017
Warar hoose oo ay heshay Warbaahinta ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Wasiirada xukuumada Soomaaliya ay kulan ...

WAREYSO XASAASI AH+DHAGEYSO: Saameyn intee la Eg ayaa Shacabka ka soo gaarta dagaalada Ciidamada DF ku dhexmara Muqdisho? Maxaase soo noq noqa?

December 11, 2017
Saddexdii Maalmood ee la soo dhaafay waxaa dagaalo u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay ...

DAAWO VEDIO: Ciidamo ugu badnaa XDS oo la dejiyay inta u dhaxeysa Afgooye & Ceelasha Biyaha & Abaanduulaha oo Xog muhiim ah bixiyay+(Maxaa soo kordhay?)

December 11, 2017
Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la dejiyay inta u dhaxeyso deegaanka Ceelasha Biyaha iyo degmada ...

DAAWO VEDIO: Guddoomiye Jawaari oo Fariin Cajiib ah u diray in ka badan 500-dhalinyaro Soomaaliyeed oo hal meel isugu timid+(MUUQAAL)

December 11, 2017
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay in aysan ogolaan ...

WAR CUSUB+DHAGEYSO: Halkuu marayaa dhameystirka qorshaha isku dhafka Ciidamada ?

December 11, 2017
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa iyo safiirka Dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Aadan ...

DHAGEYSO: Wasiiro ka tirsan Somaliland oo Xanibaad la saaray & Xog ku saabsan Qorshaha ka danbeeya+(AKHRISO)

December 11, 2017
Madaxtooyada Somaliland ayaa waxa ay faah faahin ka bixisay warar saacadihii ugu dambeeyay oo soo baxay, kuwaasi oo ...