Monday, December 11th, 2017
.

DAAWO VIDEO:DEG DEG Sucuudiga Oo Diyaarad Militeri Ka Dejisey Muqdisho .

Published on December 7, 2017 by   ·   3 Comments

Diyaarad sidday deeq dawo ah oo dowladda Sucuudigu ay ugu deeqday Soomaaliya ayaa soo gaadhay magaalada Muqdisho,taasi oo dowladda Soomaaliya lagu wareejiyay si loogu adeego bulshada.

Waxaa sidoo kale diyaaraddaasi saarnaa qaar kamid ah dad Soomaaliyeed oo dhaawacyo qabay kuwaasi oo muddo 6 bilood ah lagu daweynayay dalka Sucuudiga kadib markii ay ku dhaawcmeen qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho muddo laga joogo dhowr bilood.

Halkani Riix Video Muuqaal

Maxamed Cabdalla Almaajid oo ka mid ahaa wafdigii ka socoday dalka Sucuudiga oo si gaar ah ula hadlay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay deeqdaasi dawada ah.

“Anagoo tixraacayna amarkii uu bixiyaya Malik Salmaan,ee Sucuudiya iyo Naa’ibkiisa in shacabka Soomaaliyeed la gaarsiyo gar gaarka ay u baahan yihiin,waxaa maanta timid diyaarad sida gar gaar dawo ah oo loogu talagalay in lagu caawiyo shacabka Soomaaliyeed,berina waxaa imaandoonta ilaa 3 diyaaradood oo gar gaar ah,”Xamdda Cabdalla.

Wasiir kuxigeenka Wasaardda gargaarka Xukuumadda Soomaaliya ahna kusimaha Wasiirka  Cilmi Cumar Ceynsanye ayaa uga mahadceliyay dowladda Sucuudiga sida ay u garab taagan tahay Soomaaliya.

“Waxaan halkani ku soo dhaweynaynaa wafdi ka socda Maliku Salmaan alkhayriyah,Waxaan uga mahadcelinaynaa dowladda Sucuudiga,gar gaarkan ay ina soo gaarsiisay,waxaan leenahay ku soo dhawaada dalkiina labaad,sidoo kale waxaan uga mahadcelinaynaa sida ay isaga xilsaareen gar gaarka caafimaad oo ay u fidiyeen dad Soomaaliyeed oo dhaawacyo qabay kuwaasi oo lagu soo daweeyey, sida Yuusuf Cabdi iyo Maxamed Yuusuf, oo 6b bilood ka ay ku dhaawacmeen qarax Muqdisho ka dhacay,” Ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Gargaarka.

Tan iyo markii uu dhacay qarixii 14kii Oct-waxaa sii kordhayay gurmad kaladuwan oo ka kala imaanaya wadamada Caalamka,Sucuudiga ayaa kamid ah wadamada sida aadka ah u taageera Soomaaliya, gaar ahaan dhanka gargaarka.

.

Nagala Soo Xiriir

Marqaannews@gmail.com

Readers Comments (3)

  1. Atoore says:

    ASC.
    Gar-Gaar waan kan Allaah (swt) uu bixiyo.Dawlada Sacuudigana way ku mahadsan tahay deeqaha ay keentay xamar iyo kuwa ay soo wadaba.Maadaama uu Sacuudigu qani yahay hadda ka hor baa looga baahna in uu caawiyo adduunka musliminta ee wada dhibaataysan.Dadka soomaaliyeed dawlada iyo shacabka sacuudiga waxay ka tirsanayaan mashaakilo badan oo aysan marna ilaawi doonin dadka soomaaliyeed.Dad maangaab ah oo soomaali ah baa laga sheegay in ay yiraahdeen Diintii Islaamka waxaan uga baxnay reer sacuudi dartood.In ay dad muslimiin ahaa ka baxaan diinta Isalaamka waxaa keenay sharcidara ay xadaysay dawlada sacuudi carabiya oo ay tiri dadka an sacuudiga ahayn waa la addoonsan karaa ama way la lahaan karaa sacuudiyiintu.

  2. Cismaan Cawad says:

    Sacuudiga iyo Khaalijka Carabtu qani ha ahaadeen laakiin dalkeena Soomaaliya ayaa ka hodonsan marka kheyraadka lagu baahay dhab ahaan loo dhaahdo illayn anaga uun baa ka dhoohan ee.

    Anigu haddii aan madaxda Soomaaliya ka mid ahay inta khubaro aqoonyahanno ah 6 bilood qol ku xareeyo ayaan dalka u dajin lahaa qorshe qaran oo horumarineed ee 20 sanadood ah ku salaysan barnaamijyada isugu jira waxsoosaarka kala geddisan, warshadeynta, sare u qaadidda ganacsiyada daakhiliga iyo caalamiga, kobcinta dhaqaalaha iyo hantida qaran, aqooneynta shacabka ee xirfadaha iyo teknoloojiyadda iyo casriyeynta iyo baahinta dhammaan kaabayaasha dhaqaale.

    Markaa ka dib ayaan inta waddamada caalamka ee maalgashiga la diyaarka ah miis la fadhiisto DHIGGOODA ahaan heshiisyo aynu ku shiraakeysannahay ka saxiixan lahaa. GACMA HOORSI ula ma tageen ee QAYRKOOD ahaan ayaan wax ula maalan lahaa.

  3. Dablariday says:

    House of Saud, waa halka laga dumiyay Somalia, welina laga duminayo…Saudi Arabia waa cadawga ugu weyn ee Soomaali leedahay maanta ….DFS waxaan kula talin lahaa “Waa baahanahay bakhti looma cunee ogaada”!!…






WARARKA MAANTA

Daawo Muuqaal: Askarigii dilay Wasiir Siraaji iyo Arin Cuusb oo Maanta Ka Soo Baxdey Kiiskii Lagu Dilay Cabaas Siraaji…

December 11, 2017

DEG DEG: Golaha Shacabka oo si kulul uga hadlay Xiisadda ka taagan M/Qudus

December 11, 2017
Xildhibaanada Baarlamaanka Golaha Shacabka ee Soomaaliya oo hadda kulan ku leh magaalada Muqdisho ayaa si kulul ugu hadlay ...

DAAWO SAWIRADA: Xafladda daahfurka Qaamuuska Doorashooyinka oo ka socota Muqdisho

December 11, 2017
Maagalada Muqdisho waxaa ka socota Xaflad  lagu daahfurayo qaamuuska doorashooyinka iyo istiraatiijiyadda 5ta Sano ee soo socota. Munaasabaddaan ayaa ...

XOG: Farmaajo oo Amray inaan la dilin Hogaamiyaha ugu sareeya Al shabaab oo isagoo nool lasoo qabto

December 11, 2017
Warar hoose oo la helayo  ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu kulan Albaabada u xiran ...

XOG: Maxaa kala qabsaday R/wasaare Kheyre & Wasiiro ka cabsi qaba in xilalka laga qaado?

December 11, 2017
Warar hoose oo ay heshay Warbaahinta ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Wasiirada xukuumada Soomaaliya ay kulan ...

WAREYSO XASAASI AH+DHAGEYSO: Saameyn intee la Eg ayaa Shacabka ka soo gaarta dagaalada Ciidamada DF ku dhexmara Muqdisho? Maxaase soo noq noqa?

December 11, 2017
Saddexdii Maalmood ee la soo dhaafay waxaa dagaalo u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay ...

DAAWO VEDIO: Ciidamo ugu badnaa XDS oo la dejiyay inta u dhaxeysa Afgooye & Ceelasha Biyaha & Abaanduulaha oo Xog muhiim ah bixiyay+(Maxaa soo kordhay?)

December 11, 2017
Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la dejiyay inta u dhaxeyso deegaanka Ceelasha Biyaha iyo degmada ...

DAAWO VEDIO: Guddoomiye Jawaari oo Fariin Cajiib ah u diray in ka badan 500-dhalinyaro Soomaaliyeed oo hal meel isugu timid+(MUUQAAL)

December 11, 2017
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay in aysan ogolaan ...

WAR CUSUB+DHAGEYSO: Halkuu marayaa dhameystirka qorshaha isku dhafka Ciidamada ?

December 11, 2017
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa iyo safiirka Dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Aadan ...

DHAGEYSO: Wasiiro ka tirsan Somaliland oo Xanibaad la saaray & Xog ku saabsan Qorshaha ka danbeeya+(AKHRISO)

December 11, 2017
Madaxtooyada Somaliland ayaa waxa ay faah faahin ka bixisay warar saacadihii ugu dambeeyay oo soo baxay, kuwaasi oo ...