Monday, December 11th, 2017
.

DAAWO VIDEO DEG DEG:Madaxweynaha Khaatumo Cagolule”Muuse Biixi Waa Gacan Ku Dhigle,Cali Khaliif Cidina Kuma MataliN hargaysa”

Published on December 7, 2017 by   ·   28 Comments

Madaxwayne ku xigeenkii hore ee khaatumo Cabdalle Cagolule, oo hadana Garab ka tirsan Khaatumo u doorteen  Madaxwayne oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka hadlay arimo kala duwan,  oo Khuseeya Deegeenada Khaatumo iyo Somaliland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Cabdalle Cagolule ayaa wuxuu sheegay in hadalkii Gudoomiyaha Guurtida Somaliland  Saleebaan Maxamuud aadan uu u Muuqdo mid sax ah, Isagoo sheegay inuu Hargeisa tagay Madaxwaynihii khaatumo Cali Khaliif oo keliya oo cidna aan matalin.

Dhinaca kale wuxuu siwayn eedayn dusha uga tuuray Madaxwaynaha cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi isagoo sheegay inuu ku sun tanyahay taariikh madow.

“Muuse Biixi  Waa Gacan ku dhiigle bartay sida wax loo dilo, Balse aan Aqoonin sida wax loo Hogaamiyo iyo sida umad loo dhaqo ee Nabad looga shaqeeyo, oo ku Caanbaxay Dhagar Sokeeye iyo Anigoo wax dili kara Duco Qaadan maayo,  Hadii aanu nahay Gobolada SSC kama aanu Qayb galin doorashada uu kusoo baxay “ayuu yidhi Cabdalle Cagolule.

.

Nagala Soo Xiriir

Marqaannews@gmail.com

Readers Comments (28)

  1. Cismaan Cawad says:

    Geyigani wadciga dhabta ah ee ka jira iyo qaddiyadahan is wada diiddan ee geesaha la isu wada daray waa kaaf iyo kala dheeri.

    Geyigan dadka ku wada nooli si walba ayay ugu siman yihiin oo ay baahiyada iyo duruufaha nololeed ee ka wada haystaa na uga siman yihiin. Danooyinka gaarka ah iyo dareenka qabiiliga ah ee geyiga la isugu harddiyayaa midkood na danta guud iyo aayaha dadka wadaagaayi ka tarjumi maayaan.

    Inta khayaalka iyo khiyaamada kheyrlaaweyaasha geyigan kharbudaya dheg loo dhigayo masiir badhaadhe iyo barwaaqo leh laga kabban maayo oo waa lagu wada hungoobaya.

  2. axmed says:

    Madaxweyne Cagalule, waaa halgamaaga Koowaad ee Khaatumo. taas waa la qirey. madana Muse waxa uu yahey buu sheegey. Galeyrna warkiis iska daa. Farmaajio Mooshin halaga keeno Haduu markaan khaatumo aqoonsan waayo. Puntland iyo Somaliland midna ma sheegan karo , waa in ay israacaan.

  3. Cismaan Cawad says:

    @axmed,

    Fahamka qaldan ee Soomaalida maanka kaga qufulani waa kan laga dheehan karo dareenka aad kor ku muujisay. Anigu ka hadli maayo wax ku saabsan ruux shakhsiyaddiisa iyo halyeynimadiisa ee waxaa aan nalka ku ifinayaa wadciga dhabta ah ee juuqraafiga iyo bulsha-weynta geyiyadan wadaagta ka tarjumaya sida aan qudhaydu qoraalkayga kore ku sharraxay.

    ‘Somaliland’-ta haddeer Hargeysa laga sheegto waa mid aad uga duwan oo kana fog Somaliland-tii asalka ahayd ee geyigan waa ka jirtay. Tani waa maamul beeleed ku dhisan qaddiyad qabiili ah ee uu asalkeedu salka ku hayo fikradda cunsuriyadda iyo hayb-takoorka Soomaalida inteeda kale. Haddii ay Somaliland-tii asalka ahayd ee lagu wada dhannaa dib u curan doonto aad ayaynu u soo dhaweyn lahayn xaqiiqdii.

    Anigu halka aan ka boodsanahay waa dareenka aad hadalkaaga ku muujisay ee aad tidhi: (sii daalaco).

  4. Cismaan Cawad says:

    “Puntland iyo Somaliland midna ma sheegan karo , waa in ay israacaan.”

    Sheegashadan baas ee lala mariin habaabay weeye halka ay sarartu ka qudhuntay. Waa dareen u fasirmaya in bulsho dhan oo deegaankeeda ku sugan la asal iyo hayb iyo dhaqan guurinayo oo gebi ahaanteed ba la zuulinayo. Sheegashadu macneheedu waa sidaas, waana fikir aad iyo aad u qaldan ee geyiyadan ku noqday caqabadda ugu xun ee dadka ku wada nooli kaga gudban midnimo iyo wada jir ay noloshooda ku wacneystaan.

    Puntland deegaanada Dhulbahante ma “sheegan” karto waayo iyada ayaa beelaha isku baheystay iyo deegaanadooda ba ka unkan. Puntland waa beelahan iyo dhulkooda, iyagu na waa Puntland. Ma bahal baa isagu is liqi kara?

  5. khalaf madoobe says:

    yo cisman
    I figure out that you genuinely own axmad. so relentless and powerful enough to list axmad and his likes under the list of your prey.i wondered a day b4 yesterday why axmed all of suddenly to got blown away and started to set him self in the mud. any time axmed outlines any type dialogue with MR CAWAD, axmad becomes “underdog” bigtime

  6. khalaf madoobe says:

    cisman
    sababta axmad la barooranayo maaha inuu hawiye u naxayo, falaakiin waxaa cabsi galinaysa in ani oo majeerteenah iyo cawad oo isna kasoo jeeda beelaha harti aan isgaashaanbuuraysano. arintaani waxay keenaysaa baqdin iyo salal saaida. waayo iidoor wuxuu ogyahay hadii beelaha harti midoobaan oo sidii waagii cabdulaahi yuusuf ay isku duubmaan inaan fadhi u oolin iidoor. qaylada axmad afka furtay waxay markhaati u tahay in siyaasada iidoor ay dhawaan wiiqmi doonto kol hadii faroole kusoo wajahan yahay puntland, halkaanoo looga fadhiyo inuu mideeyo beelaha harti deetana subax iidoor afka ciida loo galiyo.
    maxaa anaga naga galay iisdoor

  7. Cismaan Cawad says:

    @Khalaf,

    Thank you for telling the truth as it is. As everyone who was following our exchanges can bear witness, Ahmed lost his marbles and resorted to personal attacks and insults whereas I stuck to the facts and presented my case in a civilised and dignified manner.

    Khalaf, the inescapable reality is that truth always hurts those pursuing falsehood since they find it unbearable for exposing their own fallacies and fantasies which they want to convince themselves and others to be true.

    My philosophy is Pan-Somalism. My passionate campaign is driven by the inextuingishable desire to one day unite our Somali people under one flag. However, the very roadmap to that ultimate goal is dotted with other local milestones and realities which are equally vital to the end game.

  8. khalaf madoobe says:

    “to got blown away” i mean got blown away

  9. khalaf madoobe says:

    well said by cisman

  10. khalaf madoobe says:

    axmadna dee waligiisba ha iska baroorto, maxaan u qaban karaa waa hal iidoora

  11. Cismaan Cawad says:

    @Khalaf,

    Thanks once again. Xaqiiqadoo lama inkiraan ah ayaa jirta oo waxaa weeye in ay Soomaaliya iyo Soomaali-weyn ba Daaroodku, gaar ahaan na Hartigu weligood ba u ahaan jireen astaanta qarannimo iyo gabboodka iyo gaashaanka falsafadda Soomaalinimo iyo Islaamnimo.

    Waa sababta ay qabiilada ku caan baxay in ay falsafaddaasi teer iyo gumeysigii lid ku yihiin xoog iyo xeelad ba u adeegsaday in ay Daaroodka kala dhambalaan oo ay Hartiga na qumaati u kala faquuqaan. Waa ayna ku guuleysteen xaqiiqdii.

    Waxaa se hubanti ah in inta ay Daaroodku iyo gaar ahaan Hartigu sha’nigoodu kala dhantaalan yahay aanay Soomaaliya iyana abid qarannimo hanan doonin.

  12. khalaf madoobe says:

    axmad meeshii ka carar, guri ba’y.
    kii hawiye ee jaalkiis ahaana somali/hibo maanta waa uso bixi waayey. qoorta iyo xeradaba maxaan dhahaa.

    isagaa nasoo dalbaday, rag harti ah oo meel ka reemaya isagaa faraha lasoo galay .
    libaax meel raq u taalo, waligiis kama fogaado-meel agteeda ah buu lac libin iyo ladnaan yiraahdaa.
    hadaba axmadoow moog danbe hadaad rabto inaad meeshaan fikrado ka dhiibato aniga iyo cismaan ka fogoow hadal iyo howraaro uga badin mayside. war maxaa kuu diiday inaad doondoonato atoore-isagaad ka adkaan lahayde. ama mingis tume ama gabadh hartiyeed. waad iskasoo habaabaysaa, waase waxaad ka dheeftaa

  13. Cismaan Cawad says:

    @Khalaf,

    “rag harti ah oo meel ka reemaya isagaa faraha lasoo galay”

    KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK
    KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK
    KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK

    QUOTE OF THE YEAR!

  14. khalaf madoobe says:

    hadee waa runtay cismaanoow. inta nasoo doontay buu markii doodii kululaatay inta adkaysan waayey cagaha wax ka dayey. labada nin ee meeshaan laga baqaa waa adi iyo aniga. friimahaan iswaydaarsanayney 3dii maalmood ee ugu danbaysay baa waxaa akhriyey nin oday ah oo kasoo jeeda magaalada laaaska, wuu akhriyaa bogaan oo wuu ku taxan yahay balse fikrado nin ka dhiibta maaha.. meel gole noo ah oo aan ku balwayno buu atoore ka yahay. oon cidina ka daba hadlin. waligay waxaan aaminsanaa in ninkaasi yahay nin iidoornomo qaaday balse maalintii shalay ahayd baan waxaan la yaabay ficiladuu muujiyey.wuxuu igu yiri “ninka waad isku bahaysateen oo saasaad uga adkaateen”
    war cismaan iidoor waxaa cabsi ku haysa beelaha harti oo gacmaha is qabsada. war waligay cismaanow waxaan halkaan ka sheegi jiray saas bay ahayd

  15. Ahmed says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Meeshan waad iskugu marxabeyseen. Walaahi. Si wanaagsan waliba. Si wanaagsan baad iskugu shushubateen.

    KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK

  16. Ahmed says:

    Horta Khalaf mid baan leeyahay.

    Khalafow waad faan badatay. Laakiinse Faroole hore ayuu u joogay oo juuq u odhan waayay. Haduu soo noqdona juuq kama filayo.

    Kolkaas maanta barxadu idinka ayay idiin banaaneyde waa inoo mar kale oo la wada joogo oonan dano lagu kala maqneyn.

  17. Barwaaqo says:

    Dawladda aanu noqonay miyey ka xun yihiin?
    Doorashadaan Sool iyo Sanaag ku qabtay miyey ledi waayeen? Mujaahidka winey miyey ku hafteen?
    Aduunkaa na amaanay ee Somalidda fayoobi ka mid tahay miyey inkireen? Dad bay meeli bugtaa!

    Idaha madaxa madow iyo inta aan aan ciro(gray hair) wali yeelan baa yaabtay!

    Heedhe duulku fawn badanaa!

  18. Barwaaqo says:

    Musharaxiinta golaha degaanka ee soo socota waxa musharaxii ugu horeeyey soo bandhigay Warsangeli

    https://m.youtube.com/watch?v=3tmdKb5aPwY

  19. Cismaan Cawad says:

    @Barwaaqo,

    Ina-abti, dhambaalkan kore ee vidoega ahi dabcan aniga iyo Suldaan Dab La Ridey ayaad hawada inoo soo dhigtay oo waan kaaga mahad celinayaa. Hase ahaato ee, shakhsi iyo labo iyagu danahooda gaarka ah u rooraya waxba ka beddeli mayso xaqiiqada siyaasadeed ee dhab ahaan geyigeenan uga jirta.

    Sida aan marar badan ku nuuxnuuxsaday geyigani xaalad aan macquulsanayn ee aan midho-dhal lahaan doonin ayaa ka hadda ka jirta. Somalilandta hadda Hargeysa lagu dhoodhoobayo ma aha Somalilandtii asalka ahayd ee tolweynaha geyiga wadaagaayi ay si kal iyo laab ah ugu baheysnaayeen. Tani waa maamul beeleed magaca Isaaq lagu wato aanay Isaaqu ba ku wada dhammayn mise aaminsanayn sida xaqiiqada ahi.

    Waa maamul ku dhisan qaddiyad dhalanteed ah ee salka ku haysa sadbursi Isaaqa u khaas ah ee ay se beelaha intooda kale marti iyo raaciyad ugu yihiin. Isaaq baa talada masiiriga iyo hoggaanka ba is ka leh. Intooda kale waa uga marti si kasta oo hawraarta loo maldaho mise ciyaar-maskaxeed caammada loo adeegsado.

    Somalilandtii asalka ahayd ee lagu wada dhammaa oo loona wada sinnaa uun baa geyigan xal dhab ah u noqon doona. Isu dawladeyn mayno ee waa aynu wada dawladeysanaynaa.

  20. Barwaaqo says:

    Osman
    Abtigeydhalyoow dhaga hadalkayga sidaad u yaqaan! Qoraalkayga kale Dhabayacaduuku socdaa sidaad u fahantay.
    Osman hadalkaagan I co-signed

    “Somalilandtii asalka ahayd ee lagu wada dhammaa oo loona wada sinnaa uun baa geyigan xal dhab ah u noqon doona. Isu dawladeyn mayno ee waa aynu wada dawladeysanaynaa”

  21. Ahmed says:

    “Somalilandtii asalka ahayd ee lagu wada dhammaa oo loona wada sinnaa uun baa geyigan xal dhab ah u noqon doona. Isu dawladeyn mayno ee waa aynu wada dawladeysanaynaa.”

    Waa hadal asal ah oo dhab ah. Marka gunta loo daadego. Somalilandna waa ta ay rabto.

    Dawladan cusub wax yaabaha ugu muhiimsan ee looga fadhiyaa waa isku soo hoynta Somaliland oo dhan. Heshiish kama danbeys ahna lala gaadho Dhulbahantaha iyo Warsangeliga dhamaantood iyaga oo isku duuban. Inta Somaliland aaminsan imika iyo inta ka biyo diidsanba. Taasoo ku danbeyn doonta in sida Khaatumo rabtay Dastuurka la furo oo wax cad oo la’isku ogyahay lagu dhigo. Sidaasna loo wada dawladeysto. Gogoshaas ama miiskaas qofwalbaaba ta uu doonayo ha’ugu yeedhee marka la’iskugu yimaado wixii kasoo baxa ee umadu ku heshiiso cidii u hogaansami weyda ee weli meel kale sii qooraansata ayaa sharwale iyo nabad diid ah.

  22. Dab La Ridey says:

    Marka hore Salaanti Suldaan Cismaan Cawad ”Royal Family”

    Marka Xiga Jabuuti waxaan ku soo Maqlay hadalo iga Qoslisiiyey

    ” Hunu Hunu Hadal Ma aha ”
    ” Somalilandna Dawlad Ma AHA ”

    @ Marqo Barwaaqo

    Salaan sharaf Madame Barwaaqo long time no see.

    Inaabti Garxejis waa loo tashaday waxaana u tashaday habarjeclo iyo habar awal ee maxaa Talo ah Inaabti.

  23. Barwaaqo says:

    Dab la riday iga gudoon salaan sharaf badan, Inaabti sheekadaas waa la dhameeyey oo waa lagu cimro qaatay in aanay mar dambe dhicin,Horaa loo soconayaa,Waxaan leenahay Somaliland First.

  24. Cismaan Cawad says:

    @Barwaaqo & Suldaan Dab La Ridey,

    Masiibada ku habsatay tolweynihii reer Somaliland isla ahaan jiray ayaa ah mid ay sababeen qaddiyado qiimaha iyo qaayaha ay Somalilandnimadu lahayd aad uga han yar iyo geyigaas dhan oo danooyin khaas ah loo afduubtay oo masiirkiisii dhammaa na loo ilduufsaday.

    Waxaa aanu shaki ku jirin haddii ay Somalilandnimadii dhabta ahayd dib u soo noolaan ahayd in ay Soomaaliya oo dhammi judhii inta ay judhii ba cakirnaantan ka baxdo toos u aslixi lahayd. Soomaalida woqooyiga dalka (Bai & Galbeed ba) iyaga ayaa Soomaaliya furaheeda gacanta ku haya, laakiin waxaa ay dhibaatadu ka jirtaa iyagii baa inta ay haamo qabiil isku dhex juffeen furahoodii dibadda kaga tagay.

  25. Somali says:

    Kkkkkk DAMEER MADOOBOOW aniGU waxaan Ahay nin misaan leh,mana rabo in aan meeshii la arko in aan dhubuq ISKA soo iraah sida adigoo kale,oo aaminsan fikirka qaldan ee ah miirqaan anaguu moo fur an yahay,miirqaan waa mareeg Cid walaba u furan,mana jecli in aan markastaahi doqonta u jawaabo,WAXA u raayo,kkkkkk

  26. Somali says:

    KKK DAMEER MADOOBE maxaa iga galay CAGA LULE IYO umadaan aad u malaaydo HAAD GEED WAAYAY,kkkk ninkaan hada aad leedihiin CAGA LULE,barito halaGA eego cali qaliif agahiisa,kkkk waa dad u bartay in aay cad Yar oo hunguri ah loo tuuro,kkkkkkk gagagggagagaggagagaggagag






WARARKA MAANTA

Daawo Muuqaal: Askarigii dilay Wasiir Siraaji iyo Arin Cuusb oo Maanta Ka Soo Baxdey Kiiskii Lagu Dilay Cabaas Siraaji…

December 11, 2017

DEG DEG: Golaha Shacabka oo si kulul uga hadlay Xiisadda ka taagan M/Qudus

December 11, 2017
Xildhibaanada Baarlamaanka Golaha Shacabka ee Soomaaliya oo hadda kulan ku leh magaalada Muqdisho ayaa si kulul ugu hadlay ...

DAAWO SAWIRADA: Xafladda daahfurka Qaamuuska Doorashooyinka oo ka socota Muqdisho

December 11, 2017
Maagalada Muqdisho waxaa ka socota Xaflad  lagu daahfurayo qaamuuska doorashooyinka iyo istiraatiijiyadda 5ta Sano ee soo socota. Munaasabaddaan ayaa ...

XOG: Farmaajo oo Amray inaan la dilin Hogaamiyaha ugu sareeya Al shabaab oo isagoo nool lasoo qabto

December 11, 2017
Warar hoose oo la helayo  ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu kulan Albaabada u xiran ...

XOG: Maxaa kala qabsaday R/wasaare Kheyre & Wasiiro ka cabsi qaba in xilalka laga qaado?

December 11, 2017
Warar hoose oo ay heshay Warbaahinta ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Wasiirada xukuumada Soomaaliya ay kulan ...

WAREYSO XASAASI AH+DHAGEYSO: Saameyn intee la Eg ayaa Shacabka ka soo gaarta dagaalada Ciidamada DF ku dhexmara Muqdisho? Maxaase soo noq noqa?

December 11, 2017
Saddexdii Maalmood ee la soo dhaafay waxaa dagaalo u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay ...

DAAWO VEDIO: Ciidamo ugu badnaa XDS oo la dejiyay inta u dhaxeysa Afgooye & Ceelasha Biyaha & Abaanduulaha oo Xog muhiim ah bixiyay+(Maxaa soo kordhay?)

December 11, 2017
Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la dejiyay inta u dhaxeyso deegaanka Ceelasha Biyaha iyo degmada ...

DAAWO VEDIO: Guddoomiye Jawaari oo Fariin Cajiib ah u diray in ka badan 500-dhalinyaro Soomaaliyeed oo hal meel isugu timid+(MUUQAAL)

December 11, 2017
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay in aysan ogolaan ...

WAR CUSUB+DHAGEYSO: Halkuu marayaa dhameystirka qorshaha isku dhafka Ciidamada ?

December 11, 2017
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa iyo safiirka Dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Aadan ...

DHAGEYSO: Wasiiro ka tirsan Somaliland oo Xanibaad la saaray & Xog ku saabsan Qorshaha ka danbeeya+(AKHRISO)

December 11, 2017
Madaxtooyada Somaliland ayaa waxa ay faah faahin ka bixisay warar saacadihii ugu dambeeyay oo soo baxay, kuwaasi oo ...