Monday, December 11th, 2017
.

DHAGEYSO+SAWIRO; Sarkaal Boolis Oo Qarax Lagu Dilay Gaalkacyo Iyo Shabaab Oo Sheegtay

Published on December 6, 2017 by   ·   1 Comment

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax markii hore lagu dhaawacay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliiska Puntland balse markii dambe la sheegay in uu dhaawicii soo gaaray uu u geeriyooday.

Sarkaalkaas lagu dilay qaraxaas ayaa waxaa lagu magacaabi jiray  Cali Ibraahim Cali ( Cali Magafe ), dhaawac ahaana  loogu qaaday Isbitaalka guud ee gobolka Mudug ayaa ugu dambeyn u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.

Ciidamada Booliiska Puntland ayaa sameeyay baritaano ku aadan dadkii ka dambeeyay qaraxaas wallow aysan ku guuleysan in ay soo qabtaan.

Taliyaha qaybta Booliska gobolka Mudug Puntland Aadan Nuur Qaal  oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ciidamadu wadaan baaritaano la xiriira sidii lagu ogaan lahaa halka qaraxa looga soo xiray Gaariga taliyaha.

Al-Shabaab ayaa War ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxa ay ku sheegen in qaraxaasi ay iyagu ka dambeeyeen isla markaana ay ku dileen taliye ka tirsan Ciidamada Booliiska Puntland.

.

Nagala Soo Xiriir

Marqaannews@gmail.com

Readers Comments (1)

  1. Axmed muuse says:

    GALMUDUG AYAA KA DAMBAYSA TAASU WAA XAIIQO.WAXAA HISHIIS WADA GALAYALSHAYAADIIN IYO GALNUS TAASOO BOQOLKIIBA BOQOL XAQIIQAA TAASOO MARQAATIGADEEDU TAHAY XIRITAANKII AY XIRTAY GADIIDKA KA IMAANAYAYA KOONFURTA MUDDO SHAN BBILOODA OO WAX GADIIDA UUGA SOOGUDBIN DHANKA BARACLAY WAX DHIBA MA DHICIN SIDA QARAX IYO DILALKA QORSHAYSAN ARINTAASU WAXAY MAR LABAAD SHARAXAADAYDA U TAHAY IN GALMUDUG IYO ALSHABAAB HISHIIS KU YIHIIN CADAAWADDA XUN EE AY U QABAAN MAAMULKA NABAD JACAYLKAA EE PUNTLAND.WAXAA HADABA DADKA SIXRAN EE REER GAALKACYOOD EE WAQOOYIGA INAY HURDADA KA KACAAN ISLA MARKAANA KA HORTAGAAN QORSHAHA XASUUQAA EE DADKOODA LAGU HAYO HALKA XAAFADDA BARAXLEY AMMAAN TAHAY.WAXAAD OGAATAAN IN GALMUDUG OO KAASHANAYA URUR DIIMOODKOODA ALSHABAAN QORSHAHOODU YAHAY INAY LAWAREEGAAN GAALKACYO TAASOO XAQIIQAA.HADDABA WAXAAD OGAATAAN HADAAD GAALKACYO KA QAXDAAN IN BURTINLE IYO GAROOWE AY KU XIGAAN ISLA MARKAANA CADAWGA GALSHABAAB AYSAN IDINKA HARAYNIN.MEELAAN NABAD MA DHALAYSA TAALO LAGAMA RAADIYO NABAD. WAA IN LALA JIHAADAA SI ISKU MIDA GALSHABAAB HADDII KALE GAALKACYO DHANKA WAQOOYI SIDAASAA LA’IDIN XASUUQIN KADIBNA GAALKACYO ULA WAREEGIN GALSHABAAB…WBT






WARARKA MAANTA

Daawo Muuqaal: Askarigii dilay Wasiir Siraaji iyo Arin Cuusb oo Maanta Ka Soo Baxdey Kiiskii Lagu Dilay Cabaas Siraaji…

December 11, 2017

DEG DEG: Golaha Shacabka oo si kulul uga hadlay Xiisadda ka taagan M/Qudus

December 11, 2017
Xildhibaanada Baarlamaanka Golaha Shacabka ee Soomaaliya oo hadda kulan ku leh magaalada Muqdisho ayaa si kulul ugu hadlay ...

DAAWO SAWIRADA: Xafladda daahfurka Qaamuuska Doorashooyinka oo ka socota Muqdisho

December 11, 2017
Maagalada Muqdisho waxaa ka socota Xaflad  lagu daahfurayo qaamuuska doorashooyinka iyo istiraatiijiyadda 5ta Sano ee soo socota. Munaasabaddaan ayaa ...

XOG: Farmaajo oo Amray inaan la dilin Hogaamiyaha ugu sareeya Al shabaab oo isagoo nool lasoo qabto

December 11, 2017
Warar hoose oo la helayo  ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu kulan Albaabada u xiran ...

XOG: Maxaa kala qabsaday R/wasaare Kheyre & Wasiiro ka cabsi qaba in xilalka laga qaado?

December 11, 2017
Warar hoose oo ay heshay Warbaahinta ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Wasiirada xukuumada Soomaaliya ay kulan ...

WAREYSO XASAASI AH+DHAGEYSO: Saameyn intee la Eg ayaa Shacabka ka soo gaarta dagaalada Ciidamada DF ku dhexmara Muqdisho? Maxaase soo noq noqa?

December 11, 2017
Saddexdii Maalmood ee la soo dhaafay waxaa dagaalo u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay ...

DAAWO VEDIO: Ciidamo ugu badnaa XDS oo la dejiyay inta u dhaxeysa Afgooye & Ceelasha Biyaha & Abaanduulaha oo Xog muhiim ah bixiyay+(Maxaa soo kordhay?)

December 11, 2017
Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la dejiyay inta u dhaxeyso deegaanka Ceelasha Biyaha iyo degmada ...

DAAWO VEDIO: Guddoomiye Jawaari oo Fariin Cajiib ah u diray in ka badan 500-dhalinyaro Soomaaliyeed oo hal meel isugu timid+(MUUQAAL)

December 11, 2017
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay in aysan ogolaan ...

WAR CUSUB+DHAGEYSO: Halkuu marayaa dhameystirka qorshaha isku dhafka Ciidamada ?

December 11, 2017
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa iyo safiirka Dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Aadan ...

DHAGEYSO: Wasiiro ka tirsan Somaliland oo Xanibaad la saaray & Xog ku saabsan Qorshaha ka danbeeya+(AKHRISO)

December 11, 2017
Madaxtooyada Somaliland ayaa waxa ay faah faahin ka bixisay warar saacadihii ugu dambeeyay oo soo baxay, kuwaasi oo ...