Monday, December 11th, 2017
.

DAAWO VIDEO:DEG DEG Sheekh M.Shaakir Oo Wasiir Koowaad Loo Magacabay Galmudug,Farmaajo Dhamaystiray.

Published on December 6, 2017 by   ·   2 Comments

Munaasabadda dhameytirka saxiixa Heshiiskii ay isku afgarteen Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca, ayaa hadda ka socda Xarunta Madaxtooyadda Qaranka ee Magaaladda Muqdisho, iyaddoo ay goob joog ka yihiin Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdi Faarax Juxa oo hishiiska ay gaaren labada dhinac qeyb ka saxiixay iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Cumar Yariisoow, ayaa Wakaaladda Wararka qaranka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in hishiiska ay wada gaareen Galmudug iyo Ahlusunna uu ku qoran yahay in Sheekh Maxamed Shaakir uu noqonayo Wasiirka koowaad ee Galmudug, islamarkaana uu shir guddoomin doonno shirka Golaha Wasiiradda Maamulka Galmudug.

“Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), Maxamed Cabdi Shaakir, ayaa heshiiska wada saxiixday, iyadoo Wasiirka Arrimaha Gudaha uu la saxiixay, Heshiiska waxaa ku qoran in Shaakir uu noqonayo Wasiirka koowaad ee Galmudug oo uu shir guddoominayo Golaha Wasiirada Galmudug” ayuu yiri wasiir Yariisoow

Halkani Riix Video Muqaal Heshiiska

.

Nagala Soo Xiriir

Marqaannews@gmail.com

Readers Comments (2)

  1. Dab La Ridey says:

    Socodkeenii Dheeraa silic iyo maryaadki horta maxaa ka soo Baxay ?
    Rag iyo Dumar wada Sabeenaye Kee Sareeya Ceebti ?

    Heshiika Mooryaanta iljeex lagu heshiisiinaayo horta Ma Meel Marayaa ?

  2. Atoore says:

    ASC.
    In la wada heshiiyo oo dagaalada bilaa macnaha ah la iskadayo waa muhiim.Laakiin way adagtahay in ay sahal ku heshiiyaan saddxeda reer ee ku hardamaya magaca galmudug.Meelaha uu khilaafku ka taagan yahay waxaa ka mida in ay beesha Cayr rabto magaalo madaxdu in ay noqoto magaalada Dhuuso mareeb.Sidoo kalena beesha Sulaymaan waxay doonaysaan in aan sina looga rari karin caasimada magaalada Cadaado.Sacadna waxuu isu haystaa in uu kuligood madax u yahay oo ay beesha sacad xaq u leedahay in ay markastaba yeelato madaxweynaha.






WARARKA MAANTA

Daawo Muuqaal: Askarigii dilay Wasiir Siraaji iyo Arin Cuusb oo Maanta Ka Soo Baxdey Kiiskii Lagu Dilay Cabaas Siraaji…

December 11, 2017

DEG DEG: Golaha Shacabka oo si kulul uga hadlay Xiisadda ka taagan M/Qudus

December 11, 2017
Xildhibaanada Baarlamaanka Golaha Shacabka ee Soomaaliya oo hadda kulan ku leh magaalada Muqdisho ayaa si kulul ugu hadlay ...

DAAWO SAWIRADA: Xafladda daahfurka Qaamuuska Doorashooyinka oo ka socota Muqdisho

December 11, 2017
Maagalada Muqdisho waxaa ka socota Xaflad  lagu daahfurayo qaamuuska doorashooyinka iyo istiraatiijiyadda 5ta Sano ee soo socota. Munaasabaddaan ayaa ...

XOG: Farmaajo oo Amray inaan la dilin Hogaamiyaha ugu sareeya Al shabaab oo isagoo nool lasoo qabto

December 11, 2017
Warar hoose oo la helayo  ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu kulan Albaabada u xiran ...

XOG: Maxaa kala qabsaday R/wasaare Kheyre & Wasiiro ka cabsi qaba in xilalka laga qaado?

December 11, 2017
Warar hoose oo ay heshay Warbaahinta ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Wasiirada xukuumada Soomaaliya ay kulan ...

WAREYSO XASAASI AH+DHAGEYSO: Saameyn intee la Eg ayaa Shacabka ka soo gaarta dagaalada Ciidamada DF ku dhexmara Muqdisho? Maxaase soo noq noqa?

December 11, 2017
Saddexdii Maalmood ee la soo dhaafay waxaa dagaalo u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay ...

DAAWO VEDIO: Ciidamo ugu badnaa XDS oo la dejiyay inta u dhaxeysa Afgooye & Ceelasha Biyaha & Abaanduulaha oo Xog muhiim ah bixiyay+(Maxaa soo kordhay?)

December 11, 2017
Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la dejiyay inta u dhaxeyso deegaanka Ceelasha Biyaha iyo degmada ...

DAAWO VEDIO: Guddoomiye Jawaari oo Fariin Cajiib ah u diray in ka badan 500-dhalinyaro Soomaaliyeed oo hal meel isugu timid+(MUUQAAL)

December 11, 2017
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay in aysan ogolaan ...

WAR CUSUB+DHAGEYSO: Halkuu marayaa dhameystirka qorshaha isku dhafka Ciidamada ?

December 11, 2017
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa iyo safiirka Dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Aadan ...

DHAGEYSO: Wasiiro ka tirsan Somaliland oo Xanibaad la saaray & Xog ku saabsan Qorshaha ka danbeeya+(AKHRISO)

December 11, 2017
Madaxtooyada Somaliland ayaa waxa ay faah faahin ka bixisay warar saacadihii ugu dambeeyay oo soo baxay, kuwaasi oo ...