Monday, December 11th, 2017
.

DAAWO VIDEO:DEG DEG Cali Khaliif Oo Shaaciyey Xilalka Saami Qeybsiga Ku Helayaan.

Published on December 6, 2017 by   ·   21 Comments

cali Khaliif galaydh Ayaa Markii ugu horeyey waxa Uu ka Hadlay Awood Qeybsiga Maamulka Soomaliland uu la Galay Iyo waxa Uu ka Rabey.

 

Halkani Riix Video Muuqaalka

.

Nagala Soo Xiriir

Marqaannews@gmail.com

Readers Comments (21)

  1. Cismaan Cawad says:

    @Ahmed SNM,

    Boggii Faysal Cali Waraabe ee aad xalay ku dul bukootay ayaan goor dhawayd arkay. Waxii cabaad, cartaw, haaraam, habaar, caay, aflagaaddo iyo xanaaq kaa soo burqaday aad baan runtii ugu raaxeystay oo ugu mamsuuday. Sababta ma taqaannaa?

    Waxaa weeyaan in aan xaqiiqdii meel halis ah kaa damqay oo runta aan sheego xamili kari wayday. Ilaa 6 jawaabood oo isku daba xiga ayaad qaab daraandoori ah sidaas iigu soo hurguftay ilaa ay farihii ba ku qiiqeen. Anigu na qosol baan rakaaday waayo nimaan ka adkaaday ee ciidda rafanaya ayaad iigu muuqatay.

    Tan ku saabsan waxii aan Khalaf Madoobe ka idhi ee aad ujeeddeeda baal martay iyana haddii aan kaa shaafiyo waxaa aan kaa leeyahay abidkaa ma dhaahi doontid siyaabaha xariifsan ee aan dadka wax uga dhuro. Ha igu khafiifin fadlan.

  2. Cismaan Cawad says:

    Cali Bile hamuungorgorkii siyaasadeed iyo damicii ka qaalib noqday ayaa ku barfay oo runtii baa taabatay. Waxa uu Isaaqa mar ba gidaar dabadii iyo mus yar ka soo dhex caayo aakhirkii isagii baa iskii Isaaqa isu soo dhiibay oo hambada afka u dhigtay.

    Cali waa caaq is nacay ee uu caqligiisu gadhoodhay. Dastuurka iyo maamulka Hargeysa waxaa leh oo ciddii isu doo dhiibtaa ay uga marti ahaanaysaa beesha Isaaq. Isaaq baa dhiig u soo qubay, xoolo iyo dadaal badani kaga baxeen oo una soo halgamay qaddiyadda iyaga u khaaska ah ee ay ‘Somaliland’ ku salaysan tahay. Cid allaale iyo ciddii kale ee isu soo dhiibtaa waxaa ay Isaaqa u noqonaysaa raaciyad maamulkooda ku hoos nool. Wax saami qaybsi iyo awood qaybsi la yidhaahdaayi ma jiraan oo Hargeysa iyo Burco laga ma oggolaan doono. Doqon iyo nacas uun bay xaqiiqadaasu seeggan tahay.

  3. sOmalilander says:

    Gacantaada oodan gooyn karin waa la dhunkadaa.WBT!

    GOD BLESS SOMALILAND✌

  4. Atoore says:

    ASC.
    Oday Cali Khaliif isagu jagadee buu helay?
    Masee Cali waa markhaati oo jagaba ma uu rabo?Mase dhicikartaa in uu Cali isku haysto labo jago oo kala ah madaxweynaha Khaatumo iyo wasiir hargeeysa reer hargeeysa ah?

  5. Dab La Ridey says:

    Cali Khaliif ictiraafkii uu usoo wadey SNM tolow xaggu la maray ?

    Mise Gaadhigi sidey ictiraafka ayaa Jabay ?

  6. Ahmed says:

    Cismaan daalinaysa

    Walaahi waad is kashiftay ee orod oo cadho iyo cool u go. Bal nasakhnimada aad noola imanayso eeg. Nin intuu isaga America jooga oo bed qaba taw yidhi oo dhiig Soomaaliyeed Soo daadiyay ayaad adiguna xushmeysay ood weliba mujaahidnimo ku qortay. Waan ka dhurayay kuye. Usheeg waxaas caamada was kaa maqasha. Qolof Madoobe waxa uu yidhi waxa aan u adkeysan waayay Muqdisho oo xarfaneysa oo Hawiye looga tegay kolkaasaan ciidan beeleed Cabdillaahi yey u dagaala ku biiray. Najis. Kolkaasaan adna faraxday ood qowlalada ka dhareerisay. Waayo waxaad u riyaaqday nin yidhi anoo MJ ah ayaan ilaa sanad dhiig Hawiye Soo qubayay. Daalinimada iyo munaafaqnimaad isku cadeysay walaahi. Kulahaa waan ka dhurayay. Waar intii yareyd ee guntiga kuu gunudneyd xalay ayaad Soo hurguftay. Lagu baray.

  7. Ahmed says:

    Cismaanow hadaad tahay qof nadiif ka ah caadifad waxa aad dareemi laheyd yakhyakhsiino iyo cadho aad ka qabto nin maanta ku faanaya dhiig Soomaaliyeed ayaan so daadiyay. Laakiinse waad ku sii faraxday oo sacabaad u tuntay. Waxa laga dhuraa ninkaad waxa uu leeyahay ku raacsan tahay. Waxaa la dhegeystaa ninka waxa meel dhexdhexaad ah dhiga. Laakiinse marka uu nin ka talaabo dawga sidii uu baras leeyahay ayaa farta loogu fiiqaa la’iskana fogeeyaa. Soo dhaweyshadada aad soo dhaweysatay iyo riyaaqa aad u riyaaqday waxa ay cid walba tustay sida aad ugu raali uga tahay dhiigaas uu soo daadiyay. Shame on you buddy.

  8. Cismaan Cawad says:

    @Ahmed SNM,

    Allaah Kariim! Adigii gacan-ku-dhiigleyaasha sida Muuse Biixi mujaahidiin ku faaninayay baa maanta “shariif” iskaga kaaya dhigaya! Oo gormaad isa soo daahirisay oo aad ka soo xajiday?

    Haweenka sidooda ha u yooyootamin ee ama si raganimo leh ragga iskaga dhici ama iska aamu, aamusnaanta ayaa sidan kuu dhaanta ee. Waa iga talo. Anigu ma caaytamo ee dood ayaan hadalkayga kaga bogtaa.

  9. Cismaan Cawad says:

    @Ahmed SNM,

    Maxaad tidhi?

    “…Cismaanow hadaad tahay qof nadiif ka ah caadifad waxa aad dareemi laheyd yakhyakhsiino iyo cadho aad ka qabto nin maanta ku faanaya dhiig Soomaaliyeed ayaan so daadiyay….”

    Adigu marka hore xujjada ku horree oo waxaa aad halkan ka qirtaa in uu Muuse Biixiga aad cabsan tahay ee aad Habar Awalnimada ugu qaraabakiilayso yahay DHIIGYACAB iyo GACAN-KU-DHIIGLE ay dunidu wada ogsoontahay. Bal carr NAFTAADA ka billaw haddii ay daacad kaa tahay. Come on!

  10. Cismaan Cawad says:

    @Ahmed SNM,

    Ku mee dee???

  11. Cismaan Cawad says:

    @Ahmed SNM,

    Is ka dhuumo sidaadii saaxiib oo hadhaw mashquul baan ahaa iyo riwaayado rakhiis ah qiil iyo maraanmarsiinyo ka yeelo.

    Runta iyo xaqu aad ayay u qadhaan yihiin oo keligaa na ma aha inta aan oggolayn. Qaar badan oo Puntland magaceeda ku hadla ayaan runta iyo xaqa oggolayn. Hase ahaato ee anigu cid aan runta iyo xaqa ooga baydhayaa ma ay jirto habaar na la igu kari waa.

    Aynu ilbaxda sidooda xaqiiqooyinka kaga doodno, kii doodda looga adkaado na nin rag ah sidiisa dakharka soo gaaray ha ugu adkeysto.

  12. Ahmed says:

    Muuse Biixi, Sillaanyo. Lixle iyo ragas kale oo badan ee Adeerkaa Afwyne iyo Faqashtii is xambaarsaneyd dadka ka dul kiciyay.

    Halka ay Moorgan iyo Afweyne Gacan Ku dhiigleyaal dadka cuni jiray ay ka yahiin, Ragaas aan dhusha kusoo dhabay iyo in kale oo badan oo Halgankaas Xoreyn kasoo qeyb qaatay waxa ay kala yihiin Mujaahidiin iyo Munaafiqiin. Mujaahidiintu waa ragaas SNM ka tirsanaa ee nafta usoo horay inay Daalimiinta ka dul qaadaan dadkooda. Munaafiqiintuna waa kuwii dhabada lacabsiiyay ee qaarna qurbaha ku dhinteen iyaga oo Qaxooti ah qaarkaloo badanina geeri halkaas ku sugayaan.

    Saas cad u ogow in raga aad ka daba yuusaysaa ay u yihiin niman wadankooda sharaf ku taxtaxaashaya. Dadkooduna qiimahaas weyn uGu hayaan.

    Laakiinse waxa liid ah adigan u sacabo tumaya mid C/Yusuf usoo dagaalamay. Qabiil u raacay oo weliba dhiig Soomaaliyeed uu soo qubay halkan nooga faanaya.

    Orod oo is qari waxba kuma hadleyside. Nadal. Waan ka dhurayay ku lahaa. Dee waan u sacabinayay na dheh oo si raganimo ah u cadeyso inaad ku faraxsantahy dhiigaas Hawiye ee uu Qalfoof madoobe ku faanayo.

  13. Cismaan Cawad says:

    @Ahmed SNM,

    Dabiinkii aan kuu dhigay waa adigaa sida caadada kuu ahayd dalaq yidhi oo afkaaga isku kashifay.

    Kula sii yooyootami maayo laakiin nacasnimada aad ku caan baxday waxaa laga dheen karaa in aad ilma-adeerradaa “mujaahidiin” ku tilmaantay oo dadka kale na halgamaagooda aad kitaab iyo tusbax u soo qaadatay oo aad gacan-ku-dhiiglenimo ku xukuntay. Munaafaqaddu dhabta ahi waa tan ee la soco.

    Gormaa ayaad se Hawiye qareen u noqotay? Mise mukurkii irirnimo ee bakhti nooleyska ahaa ayaad inoo jilaysaa?

    ONE MAN’S TERRORIST IS ANOTHER MAN’S FREEDOM FIGHTER. THAT’S THE REALITY DUDE.

  14. khalaf madoobe says:

    JAALE MR CAWAD CISMAAN
    wAR heedhe cismaan maxaa daaray ninka?
    war xagee ka taabatay ninka LOLL
    BA’AYEEYDA YEERAYSA MAXAY TAHAY CISMAAN.
    CISMAAN NINKA ILAA HEERKAAS HA LA GAARIN.
    war wuu bakhtinayaa.
    oohinyu laxda ka wayn. hadaad moodey cismaanoor baroorta yeeraysa inay tahay inuu u ooyayo hawiye ogoow maaha saas, fariimihii aan qoray baa waxay soo xasuusiyeen haarihii iyo hurgumooyinkii iidoor loo gaystay. hada waxaad ogaanaysaa aamus inuusan jirin.
    cismaanoow ka nax miskiinka iidoor

  15. khalaf madoobe says:

    one mn’s terrorist is another’s hero
    afkaaga caano lagu qabay.
    cawad cisman

  16. khalaf madoobe says:

    AXMAD
    WAXAAN QOORAANSADAY HADA FARIIMIHII ADI IYO HALYEEY CAWAD CISMAAN AAD IS WAYDAARSATEEN. waxaan la yaabay sida cismaan kuu dulmaray oo aadan af iyo adinba ugu babac dhigi karin balse iga hoo aniga mowqifkayga.

    1-waxaad sheegtay oo qiratay hadii iidoor lasoo faduuliyo inaad diyaar u tahay inaad daafacdo oo u dagaalanto reerkaaga.
    RITE THERE
    AXMADOOW IDIGII BAA II MARKHAATI FURAY waayo waxaad halmaantay in soomaali wayn inta meel isugu tagtay dooratay jilbe wayne yuusuf deetana hawiye yiri ma doonaa.
    halkaas soow kuma banaanaanayso in soomali wayn midaynteeda loo dagaalamo oo la iska qabto xoogaa mooryaana oo isbaaro u dhigatay soomaali wayn. tan kale the unity of the nation is an obligation on the shoulders of whom so ever elected

  17. khalaf madoobe says:

    hadaba sidaas baan ku aaday xamar si loo mideeyo dalkeena oo dawlo loo helo. wixii yaraa oo laga dhaxlay ruug cadaagii jilbowayne weeyaan waxaa maanta la maalayo. hadaba lasoco rag baa u dhintay halka rag kalana ay usoo dagaalameen that cause(qadiyadaas)
    dadkaas sheegyay ee dhiigyacabada ahi waa kuwa inta hawiye guryahooda ugu taga gawraca anigana walaanan saas samayn. laakiin hadii iyagii inta soo baxaan yiraahdaan daarood xoow naga soo jiraa markaas saas dagaal ku dhoco qof waliba alle buu lasoo hor istaagayaa danbigiisa laakiin aakhiro cidna lagu qaadi maayo dhiig muslim waayo yaa dulman yaase la dulmiyey. yaa shidada bilaabay yaase laga fariisan waayeey waxaasoo dhan baa aakhiro lasoo faagayaa, arimaanina marka la joogo khaldaamoow USC dont have good reputation. dadka guryohoodii bay xoog ku qaateen, sida ku cad fariinta uu ka tagay ninka wata magaca HIBO balse aan ogahay inuu yahay saaxiibkaa iyo jaalkaa mr soomaali.
    friintaas waxay ahayd lafoole iyo lafo daarood. war nimanka usc xitaa dad nool bay cuneen waa hadaad logic raac tahay. laakiin adi khaldaanoow cidii daarood disha waa kuu halyeey. maxaadse uga hadli wayday xasuuqii hawiye gaystay? yaa haatan baroortaada dhagaysanaya.

    gabagabadii hadaad barooranayso makuu sheegaa mid kaaga fiican-u barooro eedoorkii lagu xasuuqay carro iidoor hawiye waa kaa dheer yahaye

  18. Ahmed says:

    Khalaf Madoobow imika dib ha u guranin. Waxa aad tidhi waxa aan ka samri waayay xamar oo xarfanaysa oo Hawiye looga tegay. Aargoosasho ayaad u tagtay meesha. Raganimadaad taas ku qiratay iskaga adkeyso.

    Mida kale ee Hawiye wixii uu geystay meesha maad soo geli jirin kolkaan si wanaagsan u sheegay wixii ay 1990gii galeen. Waxa ay sameeyeena waxa uu ahaa wixii uGu gunsanaa ee ay dad sameeyaan. Waxa ay dileen dad shacab ah oo ay qolo ahaan u dileen. Seediyadood, Abtiyaashood, jaarkoodii, xitaa inamo yaryar ayaa ka fakan waayay. Waxaasna waa fawaxashnimo iyo damiir li’i aanan binaadanimada meelna kaga jirin. Adigan aargoosiga aad u tagtay halkas fawaxash nimadas ayuun buu la mid yahay.

    Dhanka kale Iidoor wixii ku dhacay iyo waxaan ku dhicinba soo dhaaf. Maantana Somaliland dhulkeedu faraheeda ayuu ku jiraa oo ay nabad ku joogtaa, wax walbana taas ayaanu ku iloobeynaa. Baroor iyo cadho iyo ciil iyo wax kale meeshaas ka banaani ma jirto. Maalinta xadkaas aad noosoo dhaaftaan uunbaa sheekadeenu imanaysaa.

  19. Ahmed says:

    Cismaan

    Mar walba oo adiga oo faraha wasak kula jira lagugu qabto oo tooshka lagugu ifiyo waxa aad lasoo boodaa SNM. SNM wexeedii wey soo dhacsatay, maantana dhulkeedii ayay nabad ku hadh sanaysaa. Laakiinse adigu weli waxa aad usii sacabo tumaysaa dhagar ilaa iyo imika la gelayo.

    Noocaagaas oo kale dabin iima dhigi karo. SNM god kaama saarayso marwalba. Mar haday dabaadii feydantahay maxay maanta kuugu taalaa.

    Maanta waxa aad mujaahid ku sheegtay Khalaf Madoobe oo aargoosi halkaas tegay. Isagu wuu qirtay oo Muqdisho oo xarfanaysa in Hawiye looga tago wey ii cuntami weyday ayuu yidhi. Adiguna sacabka ayaa foolxumadaas u tumayay iska dheh. Nin baa Illaahay kaa dhigaye intaad sidii mas madaxa laga tumay isku daba meereysaneyso.

  20. Cismaan Cawad says:

    @Ahmed SNM,

    Ama ila dood ama ha ila qabsanin. Sheeko carruureedkii la idin ku xuuxin jiray iyo barabagaankii been-abuurka ahaa ee la idin ku maan habaabiyay ayaad inta run moodday mar kasta meeshan la shir tagtaa. Adeeroow meeshani dad aqoon iyo caqli leh ee uu xiskoodu taam yahay oo taariikhda sida sacabbadooda u yaqaanna ayaa jooga.

    SNM koox qabiil leeyahay ayay ahayd. Dawlad ayay ka gadoodsanayd ayay dagaal kula jirtay ee walaa Daarood walaa Soomaali kale dagaal kama dhexeynin. Beentaas la idin ku maan habaabiyay taariikhdu ma xusayso oo marag kama aha. Haddii ay Isaaqu deegaanadooda nabad ku joogaan waa sida loo baahan yahay, laakiin ogoobey sababta ay ammaanka ugu joogaan waxaa weeye in aanay jirin cid Soomaaliyeed ee duulaan ku ahi. Wax aan jirin ee dano gaar ah la idiin ku gudanayo ayaa la idin ku xuuxiyay yar iyo weyn ba oo hooskiinii baad sas iyo cabsi ka qabtaan.

    Sidaas oo ay tahay caqli xumada idin ka tustay in aad Soomaalida kale ee aad geyiga kula nooshihiin si xariifsan u gumeysataan ayuun baynu anagu na idiin bidhaaminaynaa ee runta iyo xaqa ha ka halcanina. Isu dawladeyn mayno ee dad siman sidooda ayaynu ama u wada dawladeysanaynaa ama se ku kala ammaan galaynaa. Ama cuuc lee ama caac lee weligaa ba.

  21. Jama says:

    KKKK
    War odaygii Cismaan Cawad Caruurtii SNM buu mid washamsi ku qaaday!!! War Cismaanow reerkaasi faan aan meel jirin iyo mujaahid meel uu ku jihaaday aan la garanayn baa madax martay oo waxba ma galaan ee ha ku daalin!! Waa ONE-WAY.
    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk






WARARKA MAANTA

Daawo Muuqaal: Askarigii dilay Wasiir Siraaji iyo Arin Cuusb oo Maanta Ka Soo Baxdey Kiiskii Lagu Dilay Cabaas Siraaji…

December 11, 2017

DEG DEG: Golaha Shacabka oo si kulul uga hadlay Xiisadda ka taagan M/Qudus

December 11, 2017
Xildhibaanada Baarlamaanka Golaha Shacabka ee Soomaaliya oo hadda kulan ku leh magaalada Muqdisho ayaa si kulul ugu hadlay ...

DAAWO SAWIRADA: Xafladda daahfurka Qaamuuska Doorashooyinka oo ka socota Muqdisho

December 11, 2017
Maagalada Muqdisho waxaa ka socota Xaflad  lagu daahfurayo qaamuuska doorashooyinka iyo istiraatiijiyadda 5ta Sano ee soo socota. Munaasabaddaan ayaa ...

XOG: Farmaajo oo Amray inaan la dilin Hogaamiyaha ugu sareeya Al shabaab oo isagoo nool lasoo qabto

December 11, 2017
Warar hoose oo la helayo  ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu kulan Albaabada u xiran ...

XOG: Maxaa kala qabsaday R/wasaare Kheyre & Wasiiro ka cabsi qaba in xilalka laga qaado?

December 11, 2017
Warar hoose oo ay heshay Warbaahinta ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Wasiirada xukuumada Soomaaliya ay kulan ...

WAREYSO XASAASI AH+DHAGEYSO: Saameyn intee la Eg ayaa Shacabka ka soo gaarta dagaalada Ciidamada DF ku dhexmara Muqdisho? Maxaase soo noq noqa?

December 11, 2017
Saddexdii Maalmood ee la soo dhaafay waxaa dagaalo u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay ...

DAAWO VEDIO: Ciidamo ugu badnaa XDS oo la dejiyay inta u dhaxeysa Afgooye & Ceelasha Biyaha & Abaanduulaha oo Xog muhiim ah bixiyay+(Maxaa soo kordhay?)

December 11, 2017
Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la dejiyay inta u dhaxeyso deegaanka Ceelasha Biyaha iyo degmada ...

DAAWO VEDIO: Guddoomiye Jawaari oo Fariin Cajiib ah u diray in ka badan 500-dhalinyaro Soomaaliyeed oo hal meel isugu timid+(MUUQAAL)

December 11, 2017
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay in aysan ogolaan ...

WAR CUSUB+DHAGEYSO: Halkuu marayaa dhameystirka qorshaha isku dhafka Ciidamada ?

December 11, 2017
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa iyo safiirka Dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Aadan ...

DHAGEYSO: Wasiiro ka tirsan Somaliland oo Xanibaad la saaray & Xog ku saabsan Qorshaha ka danbeeya+(AKHRISO)

December 11, 2017
Madaxtooyada Somaliland ayaa waxa ay faah faahin ka bixisay warar saacadihii ugu dambeeyay oo soo baxay, kuwaasi oo ...