Monday, December 11th, 2017
.

Akhriso Liiska Wasiirada iyo Wasiir ku xigeenada ay saameyn doonto Iskushaandheynta R/wasaare Kheyre

Published on December 6, 2017 by   ·   2 Comments

Waxa jira xog leh kalsooni weyn oo sheegeysa in isku shaandheyn lagu sameynayo dhowaan Golaha Wasiirada Xukuumadda uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo heer gebogebo ah maraysa , sida ay xaqiijiyeen Ilo-xogeed kala duwan waxaa jiri doona isbdel fudud oo lagu sameynayo golaha xukuumadda, iyada oo ujeedku yahay si aysan ugu baahan ansxinta Baarlamaanka,  sida uu ogolyahay xeer hoosaadku waa in uu bedeli karo ugu badnaan 25%

Isku Shaandheyntan ayaa waxaa suuragal ah in lagu dhawaaqo  iyada oo loo bandhigey ayna aqbaleen qaar kamid ah Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada oo Muqdisho uga qeyb galay shirka Amniga Qaranka, iyaga  oo kulamo kala gooni-gooni ah la qaatey Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha si gaar ah Madaxweynayaasha Maamul Goboleedka Koofur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Xogta ku saabsan isku-shaandheynta ayaa waxa ay sheegaysaa in la bedeli doono Wasiiro ay ka mid yihiin:-

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dibuheshiinta

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka

Wasiirka Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha

Sidoo kale waxa la buuxinayaa xilalkii ay banneeyeen Wasiiradii is casiley iyo Wasiirkii xilka laga qaadey:-

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo ka hortaga Musiibooyinka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta

Qorshaha Cusub waxa Kamid ah:-

In la kordhiyo tirada Xildhibaanada ku jira Golaha Wasiirada

In la bedelo Wasiirada uu khilaafka dhinaca shaqada ah kala dhexeeyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre

In Wasiirada ku guul-dareystay in ay taageero siyaasadeed ka helaan xildhibanaada Beeshooda ay ku bixi doonaan isku shaandheynta Golaha Wasiirada

In shaxda cusub ay ka tarjunto is faham ay gaareen Maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe Sep 2017; si gaar ah maamulada Puntland iyo Koofur Galbeed) oo si weyn u suluugsan Xubnaha ku metela dowlada dhexe

In Looga hortago Mooshin la filan karo xiliga ay fasaxa ka soo noqdaan xildhibaanada BFS bartamaha BishaFebruary 2018

Ma jiro doonaan xubno ka mid ah mucaaradka muuqda ee dowladda

Ma jiri doonaan wax isbedel ah oo lagu samayn doono Wasiirada ka soo jeeda beelaha Hawiye marka laga reebo Wasiirka wasaaradda Caafimaadka

Wasiiro Kuxigeenadda

Waxaa jira isbedel kooban oo lagu samayn doono sida in la kordhiyo tirada Xildhibaanada iyo in la kala wareejiyo Wasiir Ku-xigeenada Khilaafka kala dhexeeyo Wasiirada ay la shaqeeyaan.

Wasiirru dowlayaasha Cusub

Sidoo kale Isbedelka Wasiiru-dowlayaasha waxaa qeyb ka noqon doona in lagu kordhiyo laba Wasiiru-Dowle oo la isku waafaqey in ay noqdaan sidan:-

Wasiirul Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Bii’ada iyo Deegaanka

Wasiirul Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Xiriirka Golayaasha.

XIGASHO MUSTAQBALRADIO

.

Nagala Soo Xiriir

Marqaannews@gmail.com

Readers Comments (2)

  1. axmed says:

    Waraabahaan, waa in asaga la tuuraa. dhibka asagaa wada.

  2. Atoore says:

    ASC.
    Xaggee bay xukumaan nimanka la leeyahay waxbay kala badalayaan?Magaalada xamar inta badan iyo marar badan Shabaab iyo kooxo hubaysan baa ka taliya.Tan kale wasiirada iyo xildhibanada la sheegaa maxay qabtaan oo ay shaqooyinkoodu yahiin?War meesha mushaarooyin bilaasha baa lagu qaataa ee maamul macne leh ma jiro.






WARARKA MAANTA

Daawo Muuqaal: Askarigii dilay Wasiir Siraaji iyo Arin Cuusb oo Maanta Ka Soo Baxdey Kiiskii Lagu Dilay Cabaas Siraaji…

December 11, 2017

DEG DEG: Golaha Shacabka oo si kulul uga hadlay Xiisadda ka taagan M/Qudus

December 11, 2017
Xildhibaanada Baarlamaanka Golaha Shacabka ee Soomaaliya oo hadda kulan ku leh magaalada Muqdisho ayaa si kulul ugu hadlay ...

DAAWO SAWIRADA: Xafladda daahfurka Qaamuuska Doorashooyinka oo ka socota Muqdisho

December 11, 2017
Maagalada Muqdisho waxaa ka socota Xaflad  lagu daahfurayo qaamuuska doorashooyinka iyo istiraatiijiyadda 5ta Sano ee soo socota. Munaasabaddaan ayaa ...

XOG: Farmaajo oo Amray inaan la dilin Hogaamiyaha ugu sareeya Al shabaab oo isagoo nool lasoo qabto

December 11, 2017
Warar hoose oo la helayo  ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu kulan Albaabada u xiran ...

XOG: Maxaa kala qabsaday R/wasaare Kheyre & Wasiiro ka cabsi qaba in xilalka laga qaado?

December 11, 2017
Warar hoose oo ay heshay Warbaahinta ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Wasiirada xukuumada Soomaaliya ay kulan ...

WAREYSO XASAASI AH+DHAGEYSO: Saameyn intee la Eg ayaa Shacabka ka soo gaarta dagaalada Ciidamada DF ku dhexmara Muqdisho? Maxaase soo noq noqa?

December 11, 2017
Saddexdii Maalmood ee la soo dhaafay waxaa dagaalo u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay ...

DAAWO VEDIO: Ciidamo ugu badnaa XDS oo la dejiyay inta u dhaxeysa Afgooye & Ceelasha Biyaha & Abaanduulaha oo Xog muhiim ah bixiyay+(Maxaa soo kordhay?)

December 11, 2017
Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la dejiyay inta u dhaxeyso deegaanka Ceelasha Biyaha iyo degmada ...

DAAWO VEDIO: Guddoomiye Jawaari oo Fariin Cajiib ah u diray in ka badan 500-dhalinyaro Soomaaliyeed oo hal meel isugu timid+(MUUQAAL)

December 11, 2017
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay in aysan ogolaan ...

WAR CUSUB+DHAGEYSO: Halkuu marayaa dhameystirka qorshaha isku dhafka Ciidamada ?

December 11, 2017
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa iyo safiirka Dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Aadan ...

DHAGEYSO: Wasiiro ka tirsan Somaliland oo Xanibaad la saaray & Xog ku saabsan Qorshaha ka danbeeya+(AKHRISO)

December 11, 2017
Madaxtooyada Somaliland ayaa waxa ay faah faahin ka bixisay warar saacadihii ugu dambeeyay oo soo baxay, kuwaasi oo ...