Tuesday, November 21st, 2017
.

Wararkii ugu dambeeyay kulanka Baarlamaanka iyo Xildhibaanada oo bilaabay dooda Qalbi Dhagax

Published on September 13, 2017 by   ·   3 Comments

Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya aya aka socda xarunta Golaha Shacabka,waxaana shir Gudoominaya Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Jawaari.

 

Agendaha kulanka ayaa maanta ah ayaa ka doodista Go’aankii Xukuumadda Soomaaliya ka qaadatay Dhiibistii C/kariim Sheikh Muuse Qalbi dhagax ay Dowladda Soomaaliya ku wareejisay Itoobiya.

 

Kulanka oo jawi degan ku furmay ayaa waxaa soo xaadirtay Illaa 157 Xildhibaan kulanka oo Liiska Xildhibaanada lagu qoray ,waxaana durba Xildibaanada ay abaareen Agendaha oo ah ka doodista Arinta Qalbi dhagax.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa Xildhibaan walba siinaya waqti uu aragtiidiisa uga dhiibto, iyadoo mid mid loogu yeerayo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dood dheer ka dib Xildhibaanada isla amanta ay go’aan ka gaaraan Kiiska Sarkaalka ONLF ee C/kariim Qalbi dhagax,waxayna Xildhibanaada ay yihiin kuwo si aad u ah ugu kala aragti duwan Kiiska Qalbi dhagax.

Dhinaca kale Xukuumadda Soomaaliya ayaa Baarlamaanka u gudbisay illaa 15 Hindise sharciyeed oo ay horay u soo ansixiyeen Golaha Wasiirada, hase ahaatee waxaa laga hormaray ajandaha ka doodista arrinta Qalbi Dhagax.

.

Nagala Soo Xiriir

Marqaannews@gmail.com

Readers Comments (3)

  1. Dab La Ridey says:

    Qashinkan lagu sheego Barlamaan ee lagu soo Ururiyey Qabiil iyo Qudhun oo Calooshooda u shaqaysta waa in shacabku ku Kacaa oo u sheegaa in dawlad jirta aan La Ridi Karin. Shacabka Muqdisho wey ka soo daaleen dawlad la’aan iyo Mooryaan Qori sidata iyo Nin Dadka isku Dira. Maanta shacabka Muqdisho waxay Ogaadeen in dantoodu ku jirto Dawlad. Tan kheyre mid dhaanta soo mari mayso sababta oo ah waa nin Daacad ka ah shaqadiisa iyo Talaabaduu qaadayo.

    Arinka Qalbi dhagax oo Mooryaan gacan ku dhiigle ah wadanka looma Burburin karo.

  2. Ali Mohamed says:

    To: Dab La Ridey

    Marka hore waan ku salaamay. Marka xiga afxumadi laguu yaqiin ha ku darsanin Jaahilnimo la socoto caadifad qabyaaladeed.

    Afar sano la soo dhaafay ayaan af xumadaadi iyo af xaarkaadi u adkeysaneynay.

    Waxaan ognahay oo kale Af Xaarnimadaada in eey la socoto Qabiil jecleysi iyo Naceeb aad u qabto qabiilka la yiraah Hawiye.

    Ayadoo sidaas ah ayaan marwalbo kula doodi jirnay oo isku dayeenay in wax kaa baddalno laakiin weey suuroobi weydsay laakiin Nacasnimaddaada maanta oo Madaxweyne la dhigay nin Daarood ah ayaad rabtaa in aad iska dhigtid nin isbadalay oo dowladda jecel iyo Qaranka Soomaaliya.

    Shalay Baarlamaanka ayaad la jirtay adigoo ka soo horjeeday Dawladda sababtoo ah naceeb aad u haysay Madaxweynaha Dowladda ama Dalka.

    Maanta Baarlamaanka ayaad ka soo horjeedaa waxaana iska dhigeysaa qof Dowladnimada jecel adigoo rabto in aad difaacdid Madaxweynaha maanta joogo.

    Qof maangaab ah adiga uguma horeysid oo waa lagaa horeeyay laakiin waxaad kuwii hore uga geddisantahay waxaad isu haysataa in an lagu garinin oo durbaanka aad garaaceysid la dhageesanaayo. KKKKKKKK

    Waddanka siduusu waxuu leeyahay Baarlamaan iyo Madaxda waddanka markaas hogaamiso.

    Hadii Madaxda sidii la faray waddanka ku hogaaminin waxaa meesha soo galaayo in Baarlamaanka arrita wax ka qabto.

    Baarlamaanku wa waxa saxaayo Dowladda markaas jirta. Marka Xumaatada marka hore waxeey ka imaaneysaa Dowladda hadii Dowladda wax wanaagsan sameen laheed Baarlamaanka ma soo galeen.

    Laakiin hadii Dowladda wax ku ciyaarto waxaa qasab noqoneyso in uu Baarlamaanka arrinta soo galo.

    Marka hadii eey Dowladda wax ku dheesho Baarlamaankana iska jiifto meeshaan Qaranka ayaa ku baaba’ayo.

    Ee fadlan Dowladda howsheeda weey wadataa ee Baarlamankana u daa in uu howlshiisana wato.

    Dowladda waxaa xukumo hal qof waana biniaadam in uu qaldamo.

    Laakiin Baarlaanka waa 275 qof go’aankoodana ma qaldami karo.

    Adigana cayda iyo qabyaaladda in aad iska dhaaftid caqli la imoo hadii aadan haynin isk aamus indhaha wax ka baro.

  3. Ali Mohamed says:

    Dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyay in Go’aanka ay gaareen Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya la horgeeyo shir madaxeedka IGAD si loo ansixiyo,waxayna Dowladda Itoobiya ku qancisay Soomaaliya iney soo jeedi ka dhexsameyso shirka IGAD si loo Ayido go’aanka Golaha Wasiirada ee Jabhadda ONLF loogu aqoonsaday Urur Argagixiso.

    Sida wararka aan ku heleyno,DowladahaSoomaaliya,Jabuuti,Itoobiya ayaa loo badinayaa iney Aqoonsan doonaan Jabhada UONLF iney Urur Argagixiso yihiin,balse,dalalka Suudaan,Uganda iyo Tanzaaniya ayaa la saadaalinayaa iney ka hor imaan doonaan go’aanka Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen.

    Aqoonyahano ayaa saadaalinaya in Haddii ay suurta gasho in ONLF argagixiso loo aqoonsado la soo qaban doono xubno badan oo Ururka taageera oo ku sugan dalalka caalamka kuwaasi oo hadda damaanad buuxda heysta.

    Dowladda uu hogaamiyo Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa noqotay Dowladdii ugu horeysay oo Soomaali ah oo Urur Argagixiso u aqoonsada Jabhadda Xoreynta Ogaadeyniya oo dagaal kula jirta Itoobiya.

    Waxayna Arintaan ka danbeysa markii Dowladda Soomaaliya Itoobiya u gacan gelisay C/kariin Sheikh Muuse Qalbi dhagax ah oo ah Sarkaal ka tirsan Ururka ONLF.

    Soomaaliya ayaa qeyb ka ah dalalka Xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD,waxaana hadda socda qorshe IGAD looga dhaadhicinayo in Ayido go’aankii Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ay ka qaadatay Ururka ONLF.






WARARKA MAANTA

DAAWO VIDEO:Wasiir Beyle Oo Shaaciyey Inuu Jiro Khilaaf Isaga Iyo RW Khayre,Lacago la Lun saday Arimo kale.

November 21, 2017
Wasiirka Maaliyadda XFS Md C/raxmaan Ducaale ayaa maanta Baarlamaanka JFS horgeeyay Miisaaniyadda Dowladda ee 2018 ka oo dhawaan ...

DAAWO VIDEO:Deg Deg Komishinka Doorashada Oo ku Dhawaqay Natiijada S/land Xiligay Shaacinayaan.

November 21, 2017
Komsihinka Doorasahadda Soomaaliland Ayaa Shaaciyey Xiligay ku Dhawaaqayaan natiijada Doorasahada Soomaliland oo mudo laga Sugayey Cida Ku guulaysatey,Shir ...

Deg Deg Daawo;- Musharax Ciro Oo Gabi Ahaanba Qaadacay Doorashadii Somaliland Ka Dhacdey

November 20, 2017
Murashaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro ayaa shaaca ka qaaday qaladaad badan oo xisbigiisu ka tirsanayo guddida doorashooyinka somaliland ...

DEG DEG DAAWO:-Mudaharaado Lagaga Soo Horjeedo C/Wali Gaas Iyo DP World Ayaa Kadhacay Magaalada Bosaso

November 20, 2017
HALKAN RIIX OO DAAWO MUDAHARAADKA

DAG DAG: Goorma ayaa lagu dhawaaqayaa Doorashada Somaliland+Wararkii u danbeeyay…

November 20, 2017

SAWIRO; RW Kheyre oo Xafiiskiisa ku qaabilay Sheikh Shariif & Arimo Xasaasi ah oo ay ka wada hadleen

November 20, 2017
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa manta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweyinii hore ...

DEGDEG: Uhuru Kenyatta Oo La Shaaciyey Inuu Ku Guuleystay Madaxtinimadda Dalkaasi & waqtiga la xalaaleynayo oo la iclaamiyay

November 20, 2017
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Kenya, David Maraga ayaa goor dhow ku dhawaaqay inuu Madaxweyne Uhuru Kenyatta ku guuleystay Doorashadii Ku-celiska ...

Wasiir Bayle Oo Golaha Shacabka Horgeynaya Miisaaniyadda Dowladda Ee 2018

November 20, 2017
Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta oo Isniin ah wuxuu xidhibaannada golaha ...

Shabaab oo soo bandhigay askar ay sheegeen inay ka goosteen Jubbaland+(SAWIRRO)

November 20, 2017
Ururka Shabaab ayaa Degmada Jilib ee xarunta Gobolka Jubbada Dhexe waxa ay ku soo bandhigeen saddex askari oo ...

DHAGEYSO; Shacabka Muqdisho oo amarkii ugu cuslaa la dul dhigay & Iney Hantidooda ku lumiyaan..

November 20, 2017
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed  Xuseen Xasan Cusmaan oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa amar kasoo saaray boob ...