Marqaan News Agency » DEG DEG: Wariye caan ah oo goordhow ku geeriyooday Muqdisho

DEG DEG: Wariye caan ah oo goordhow ku geeriyooday Muqdisho

Alle ha u Naxariistee waxaa Xalay Isbitaalka Digfer ee Magaalada Muqdisho ku Geeriyooday Wariye Cabdullahi Cismaan Macalim oo ka mid ahaa Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Sabtidii la soo dhaafay ka dhacay Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Cabdullahi Cismaan Macalim oo ka Howlgali jiray TV-ga Jubbaland Xafiiskiisa Magaalada Baledweyne ayaa Dhaawac Culus uu ka soo gaaray Madaxa,waxaana uu ku Dhintay Gudaha Isbitaalka Digfer ee Maagalada Muqdisho sida ay noo Xaqiijiyeen Saxafiyiin  ka tirsan Tv-ga Jubbaland.

Dhaawaca soo gaaray Wariye C/llaahi Cismaan Macalim oo aad u cuslaa ayaa wax looga qaban waayay dhowr cisbitaal oo la geeyay,waxayna dhaqaatiirta ay sheegeen inuu dhaawiciisa uu culus yahay loona baahan yahay caafimaad dibada ah.

Illaahey ha u Naxariisto Walaalkeen Samir iyo iimaana Alle ha ka siiyo Ehelka iyo Qaraabadii uu ka baxay”Inaa Lilaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun.

 . . .

Nagala Soo Xiriir

Marqaannews@gmail.com

   . .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *