Marqaan News Agency » DEG DEG: Diyaarado dagaal oo goordhow duqeeyay deegaanka Kuunya barow & Qasaaro la soo sheegayo

DEG DEG: Diyaarado dagaal oo goordhow duqeeyay deegaanka Kuunya barow & Qasaaro la soo sheegayo

Wararka naga soo gaarayo Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku waramaya in diyaarado dagaal ay goordhow duqeyn xoogan ka geysteen deegaanka Kuunya-barow ee Gobolkaasi.

Wariye ku sugan Gobolka Shabeellaha ayaa soo sheegaya in Duqeynta lala beegsaday Fariisin Al-Shabaab ay ku sugnaayeen oo ka tirsan deegaanka Kuunya-barow ee Gobolka Shabeelaha,balse ma uusan sheegin haddii ay jiraan khasaaro ka dhashay duqeyntaasi.

Lama oga halka laga leeyahay diyaraadaha Duqeynta geystay,balse waxaa isa soo taraya weerarada dhanka cirka ah ee Al-Shabaabka Shabeellaha hoose lala beegsado.

Waxaana Saraakiil muhiim u ahaa Al-Shabaab ay ku waayeen duqeyn Mareynkanka uu ka geystay Gobolkaasi.

 . . .

Nagala Soo Xiriir

Marqaannews@gmail.com

   . .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *