Marqaan News Agency » DAAWO VIDEO:Xildhibaanada BF oo maanta go’aan cad ka gaaraya Arinta Qalbi dhagax

DAAWO VIDEO:Xildhibaanada BF oo maanta go’aan cad ka gaaraya Arinta Qalbi dhagax

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah waxa ay yeelan doonaan kulan ajandihiisa uu yahay kiiska Saraalka ONLF ee C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax).

Xildhibaan Maxamuud C/laahi Axmed (Abuukaate) oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa Warbaahinta u sheegay in xildhibaanada loo soo diray fariin qoraaleed loogu sheegayo in uu jiro kulan, kaasi oo qodobada looga hadlayo ay ka mid yihiin arrinta (Qalbi-dhagax).

Sidoo kale wuxuu sheegay Xildhibaan (Abuukaate) in ay weli ku adkeysanayaan la xisaabtanka Xukuumada iyo sababta ay u qaadatay go’aanka.

HALKAAN RIIX SI AAD U DHAGEYSATO CODKA

Kulanka maanta ay yeelanayaan xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxa uu yahay mid xasaasi ah, maadaama Mudanayaasha Baarlamaanka ay ku kala qeybsameen arinta C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax), muran fara badana ay abuurtay.

Sabtidii ina dhaaftay kulan ay yeelan lahaayeen xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxa uu u baaqday kooram la’aan, taasi bedelkeeda qaar ka tirsan xildhibaanada ayaa Dowladda ku eedeeyay in ay ka dambeysay baaqashada kulanka.

Xildhibaanada Aqalka Sare ee dalka oo Isniintii kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa dib u dhigay ka hadalka Kiiska C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax), kadib markii Xildhibaanada qaar ay soo jeediyeen in Ajandaha laga saaro kulanka, halka Xildhibaanada qaarna ay ku adkeysteen in aanan laga saarin Ajandaha kulanka, taasi oo dhalisay buuq ka dhex dhashay xarunta Aqalka Sare ee dalka.

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo 6-dii bishan kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen (Qalbi-dhagax) inuu xiriir lahaa Al-shabaab, uuna yahay Argagixiso, sidaasina ay ugu wareejiyeen Itoobiya.

 . . .

Nagala Soo Xiriir

Marqaannews@gmail.com

   . .

2 Responses to DAAWO VIDEO:Xildhibaanada BF oo maanta go’aan cad ka gaaraya Arinta Qalbi dhagax

  1. mingistume soo Dag@ says:

    Debates” In Parliament Somalia Motion Of Votes of confidence in the Government F/S:@
    —————————————————————————————–
    BARLIAMENT DOES” YOUR MP REPRESENT” YOU .
    —————————————————-
    1)TOPICS”: Outrage As Somalia Government£ Transfers” Citizen To Ethiopia”.
    —————————————————————————————–
    NINA GUUL KUMA GAARO HILIB WALAALKIISE CADOW ETHIOPIA FARMAAJOW &KHAYRLAAWE.

  2. Dab La Ridey says:

    @ Khadar…………….Ugaaska 8 Million man

    Salaanti Suldaamadda Maakhir Ayaan hawada kuu soo Marinayaa Ugaas. aad baan kuugu mahadinaya salaanta aad isoo Dirtay ugaas.

    @ Boondheere……………..Malaaqa Qaranka

    Malaaq Marka hore waxaan kaaga tacsiyadeynayaa Geeridi ku timi Hooyo Macaan ilaahay janadda ha ka Waraabiyee iyo Adeerkaa oo labaduba Kenya ku Geeryoodeen.

    Malaaq ” hibo ” ayaa ii sheegtay Geerida Hooyo amigo jooga Djibouti, waadna maqashay in hibo at shil baabuur ku dhaawacantay. ilaahay waxaan uga baryayaa in uu caafimaad degdeg ah.

    Malaaq Hadaan ku soo Noqday London insha allah weynu is-arki doonaa markaad diyaar tahay.Waxaan kuu Rajeyey Caafimaad iyo Cimri dheer Malaaq.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *