Sunday, January 21st, 2018
.

Daawo Deg Deg:Banaanbaxyo Dowlada Lagu Tageerayo muqdisho ka socda iyo Barlamaanka Oo Cod xukumada kujira..

,
Published on September 13, 2017 by   ·   5 Comments

Dibad baxyadii ka socday magaalada Muqdisho ee lagu taageerayay Waxqabadka Xukaamada NABAD IYO NOLOL ayaa si nabad ah ugu soo dhamaaday Muqdisho.

Dibad baxyadaan oo meela kala duwan ka socday ayaaa dhamaan dadka isugu soo baxay waxa ay isugu jireen Bulshada qeybaheeda kala duwan, waxa ayna wateen baar ay ku qoranyihiin halku dhigya ay ku muujinayaan taageerada ay u hayaan dowladda Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay dalka gaarsiisay Horumarro la taaban karo tan iyo markii horaantii sanadkaan Madaxweyne loo Doortay Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, waxaana Horumaradaasi ay noqdeen Kuwa Bulshadu si aad ah ugu riyaaqday.

.

Readers Comments (5)

  1. boondheere says:

    DR ALI MOHAMED DETTO DR BOONDHEERE SCW
    SALAAN KA DIB WAA KU MAHADSANTAHAY TACSIDA ALLAHANA U NAXARIISTO HOOYO IYO ADEER WAANA DARIIQ QOFWALBA MARI DOONO ALLAH SXW DEBIGEYNA HA DHAAFO IYO MUSLIMIINTA OO DHAN .WAA KU SALAAMEY EEBOW XAGIINA WAXAAN RAJEYNAYAA INAAD OK TIHIIN WIXII SHAR AH ALLAHA IDINKA BADBAADIYO.WAA KU SALAAMAY MAR LABAAD.

  2. Ali Mohamed says:

    Dowladdaan oo maanta xukunka noo haysa ayadaa is dishay oo madaxa iska toogatay. Hadiiba eey dhacday in Ethiopia ku garab istaagtay IGAD si ONLF lagu aqoonsado argagaxiso.

    Tani Galbatay.

  3. Ali Mohamed says:

    Dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyay in Go’aanka ay gaareen Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya la horgeeyo shir madaxeedka IGAD si loo ansixiyo,waxayna Dowladda Itoobiya ku qancisay Soomaaliya iney soo jeedi ka dhexsameyso shirka IGAD si loo Ayido go’aanka Golaha Wasiirada ee Jabhadda ONLF loogu aqoonsaday Urur Argagixiso.

    Sida wararka aan ku heleyno,DowladahaSoomaaliya,Jabuuti,Itoobiya ayaa loo badinayaa iney Aqoonsan doonaan Jabhada UONLF iney Urur Argagixiso yihiin,balse,dalalka Suudaan,Uganda iyo Tanzaaniya ayaa la saadaalinayaa iney ka hor imaan doonaan go’aanka Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen.

    Aqoonyahano ayaa saadaalinaya in Haddii ay suurta gasho in ONLF argagixiso loo aqoonsado la soo qaban doono xubno badan oo Ururka taageera oo ku sugan dalalka caalamka kuwaasi oo hadda damaanad buuxda heysta.

    Dowladda uu hogaamiyo Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa noqotay Dowladdii ugu horeysay oo Soomaali ah oo Urur Argagixiso u aqoonsada Jabhadda Xoreynta Ogaadeyniya oo dagaal kula jirta Itoobiya.

    Waxayna Arintaan ka danbeysa markii Dowladda Soomaaliya Itoobiya u gacan gelisay C/kariin Sheikh Muuse Qalbi dhagax ah oo ah Sarkaal ka tirsan Ururka ONLF.

    Soomaaliya ayaa qeyb ka ah dalalka Xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD,waxaana hadda socda qorshe IGAD looga dhaadhicinayo in Ayido go’aankii Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ay ka qaadatay Ururka ONLF.

  4. Ali Mohamed says:

    TO: GOVERNOR OR NABADOON BOONDHEERE

    TACSI

    Innaa lillaahi wa innaa Ileyhi raajicuun

    Walaalkeey Boondheere waxaan halkaan kaaga tacsiyeynayaa geeridii ku timid Hooyo iyo Adeer.
    Walaal waxaan Ilaahay ka baryayaa in uu dambigooda dhaafo Hooyo, adeer iyo intii Muslimka ah oo horey u dhimmatay, Jaantul Firdowsana hooy abadiyaan uga dhigo. AAAAAAMMMMMIIIIIIIIINNNNNNNNN.

    Walaal waxaad raali ka noqotaa in aan tacsidaan kaala soo daahay sababtoo ah annigoo waqti dambe arkay fariintaan geerida ah meeshaan ii soo dhigtay.

    Walaal samir iyo iimaan Allaha kaa siiyo waxaan u hubaa in aad hooyo ka soo duceysatay tagi taanki aad u tagtay safarkaadi u dambeeyay maanta ayadaa kaa hoseysa ee duco iyo sadaqo badan u bixi.

    Xagga siyaasadda inta tacsida ayaan ku fasaxnay ka dib waa in aad qeybtaada ka qaadataa sababtoo ah hadii kale GEEL JIRE oo FACEBOOK helay ayaa meesha ku dur durinaayo.

  5. Dab La Ridey says:

    Somaliweyn Dawlad La’aan wey ka soo daashey,Mooryaantan Fadhiya Barlamaan ku sheega waxaa lagu keenay Qabiil iyo Qudhun wax Faaiido ah oo ay usoo wadaan somalida ma jirto. Prime Minister Kheyre waa Ninki uGu Nadiifsanaa oo uGu sharafta badnaa oo uGu wadanisanaa ee soo mara Xukunka.






WARARKA MAANTA

DAAWO SAWIRADA:Caleema Saarka Garaad C/rashiid cismaan Waraabedheere Oo Ka Dhacay Maanta Deegaanka Banyaal Oo Ka Tirsan Gobolka Cayn .

January 21, 2018

DAAWO VIDEO:Shacabka Tukaraq Oo kacdoon Soomaliland Ka Dhan Ah Bilaabay,Inaysan Aqbalayn.

January 20, 2018
Shacabka  Kunool degmada Tukaraq ee Gobolka Sool Ayaa Aragtidooda Ka Dhiibtey dagaalkii Tukaraq Iyo Duulaanka Soomaliland. waxay Sheegeen Inaysan ...

DAAWO VIDEO:VOA Oo Baahisey Khilaafka Thaabit Iyo RW Khayre Iyo Xilka Qaadista.

January 20, 2018

DAAWO VIDEO:Fanaanada Sacdiyo Siman Soodhaweyn Loo kala Hadhin Nairobi.

January 20, 2018

DEG DEG DAAWO:-Muuse Biixi Oo kahadlay Dagaalkii tukaraq Ee Puntland Iyo Somaliland Iyo Arimo Kale Badan..

January 20, 2018
Madaxwyanaha Somaliland Muuse Biixi oo Warbaahinta maanta kula hadlay magaalada Hargeisa ayaa ka hadlay Arimo kala duwan, oo ...