Friday, January 19th, 2018
.

Ciidamada Galmudug iyo Maleeshiyaad hubeysan oo iska hor imaad ku dhexmaray duleedka Cadaado

,
Published on September 13, 2017 by   ·   1 Comment

Wararka naga soo gaarayo magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah maamulka Galmudug ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulkaasi weerar qorsheysan ay ku qaadeen Maleeshiyaad isbaaro dhigtay duleedka magaalada Cadaado.

Iska hor imaad dhexmaray Ciidamada Galmudug iyo Maleeshiyaad isbaarada dhigtay ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhashay qasaaro isugu jira dhimasho inkastoo si dhab ah loo ogeyn tirada saxda ah eek u waxyeelowday rasaasta labada dhinac is dhaafsadeen.

Mudo 30-daqiiqo oo iska hor imaadka uu socday ayaa ciidamada Galmudug waxaa u suurta gashay iney kala eryaan maleeshiyaad,islamarkaana la wareegaan guud ahaan halka isbaarada taalay.

Inta la xaqiijiyay hal Askari ayaa ku dhaawacmay Weerarkaasi, waxaana ciidamada Galmudug ay cagta mariyeen Isbaarooyinkii badnaa ee yaallay duleedka Magaalada Cadaado.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa horay u sheegay in Galmudug aysan aqbali doonin in dadka Shacabka ay dhibaateeyaan Maleeshiyaad hubeysan.

 

 

.

Readers Comments (1)

  1. Dab La Ridey says:

    Saddex Waa isku Mid yaan la kala Saarin waxayna ku xidhan tahay Markaas cida at Mushaaharka ka Qaataan saddexdaasu waa

    1- Ciidamadda Galmudug
    2-Maleeshiyaat ama Mooryaanta Galmudug
    3-Ciidamadda dawladda ee Galmudug jooga.

    Saddexdaas waxaa soo Cadeeyey in at isku mid yihiin ”’ Somalia Peace Project Forum ”’ waxaana madax ka ah nin hawiye ah.






WARARKA MAANTA

DAAWO VIDEO:Madaxweyne Farmaajo ‘Safarkii Dhuusa mareeb Raaxo Ma Arage Kaliya xanuun ayaan ka qaaday “

January 18, 2018
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed cabdulahi farmaajo oo Magaalada Dhuusamareeb ka Jeediyey Qudbada Lagu Soo Xirayey  Heshiiska Galmudug Iyo Ahlusuna ...

DHAGAYSO DEG DEG :Madaxweyne Xaaf Oo Laga Mamnuucay Cadaado.

January 18, 2018
Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud waxaa caawa Kulan deg deg ah oo qaatay saacad iyo wax ka badan ...

DAAWO VIDEO:Cali Khaliif Yaa Laascaanood ku Soo Dhaweeyey 18 Sano ka dib Iyo Soodhaweyn la’aan.

January 18, 2018

DAAWO VIDEO:Banaan Baxyadii Cadaado Ee Shirka MD Farmaajo Dhuuramareeb Looga Soo Horjeedey

January 18, 2018
Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud maanta oo Khamiis ah ka dhacay Banaanbax looga soo horjeedo shirweynaha Galmudug iyo ...

DEG DEG: Beesha Habar Yoonis oo ku dhawaaqday inay isaga baxeen dagaalka Tukaraq iyo war culus oo hadda looga dhawaaqay Burco+Muuqaal

January 18, 2018