Marqaan News Agency » AKHRISO: Soomaaliya iyo Itoobiya oo u ololeynaya in IGAD u Aqoonsato Argagxiso Jabhadda ONLF

AKHRISO: Soomaaliya iyo Itoobiya oo u ololeynaya in IGAD u Aqoonsato Argagxiso Jabhadda ONLF

Dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyay in Go’aanka ay gaareen Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya la horgeeyo shir madaxeedka IGAD si loo ansixiyo,waxayna Dowladda Itoobiya ku qancisay Soomaaliya iney soo jeedi ka dhexsameyso shirka IGAD si loo Ayido go’aanka Golaha Wasiirada ee Jabhadda ONLF loogu aqoonsaday Urur Argagixiso.

Sida wararka aan ku heleyno,DowladahaSoomaaliya,Jabuuti,Itoobiya ayaa loo badinayaa iney Aqoonsan doonaan Jabhada UONLF iney Urur Argagixiso yihiin,balse,dalalka Suudaan,Uganda iyo Tanzaaniya ayaa la saadaalinayaa iney ka hor imaan doonaan go’aanka Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen.

Aqoonyahano ayaa saadaalinaya in Haddii ay suurta gasho in ONLF argagixiso loo aqoonsado la soo qaban doono xubno badan oo Ururka taageera oo ku sugan dalalka caalamka kuwaasi oo hadda damaanad buuxda heysta.

Dowladda uu hogaamiyo Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa noqotay Dowladdii ugu horeysay oo Soomaali ah oo Urur Argagixiso u aqoonsada Jabhadda Xoreynta Ogaadeyniya oo dagaal kula jirta Itoobiya.

Waxayna Arintaan ka danbeysa markii Dowladda Soomaaliya Itoobiya u gacan gelisay C/kariin Sheikh Muuse Qalbi dhagax ah oo ah Sarkaal ka tirsan Ururka ONLF.

Soomaaliya ayaa qeyb ka ah dalalka Xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD,waxaana hadda socda qorshe IGAD looga dhaadhicinayo in Ayido go’aankii Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ay ka qaadatay Ururka ONLF.

 

 . . .

Nagala Soo Xiriir

Marqaannews@gmail.com

   . .

One Response to AKHRISO: Soomaaliya iyo Itoobiya oo u ololeynaya in IGAD u Aqoonsato Argagxiso Jabhadda ONLF

  1. Ali Mohamed says:

    Uf , Uf Uf, Uf, UUUUUUUUFFFFFFFFFFFFFFF dowladdaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *