Marqaan News Agency » DAAWO VIDEO:Hubka Turkiga Ruushka Ka Iibsadey 80 Saldhig Bur Burin kara XOG BADAN

DAAWO VIDEO:Hubka Turkiga Ruushka Ka Iibsadey 80 Saldhig Bur Burin kara XOG BADAN

Wadamada xulufada ka ah Gaashaan Buurta  Nato ayaa waxa ay jawaab ka bixiyeen go’aanka muranka dhaliyay ay dowladda Turkiga heshiiska kula saxiixatay dalka Ruushka, si ay isugu hubayso hannaanka difaaca gantaallada Ruushka ee S-400, taas oo Nato ay ku tilmaantay inuusan la jaanqaadi karin qalabkeeda.

Balse Ruushka ayaa sheegay in hannaanka S-400 uu gaari karo 400km wuxuuna isku mar soo ridi karaa 80 bartilmaameed.

Halkani Riix Video Muqaalka

Wadamada Ruusha iyo Turkiga ayaa galay heshiis ku saabsan in ay kala iibsadaan hubka gantaalada, waxaana uu Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, uu sheegay in ay bixiyeen lacago hour dhac ah oo ku saabsan in ay hub kaga soo iibsadaan Moscow.

Lacagadah ku baxaya heshiiskani oo hub kala iibsiga ah ee u dhexeeya Ruushka iyo Turkiga ayaa gaaraysa ilaa 2.5 Billyen oo Dollar,balse waxaa arrintaasi durba saluug ka muujiyay Gaashaanbuurta Nato.

Waddanka Turkiga oo leh ciidammada labaad ee ugu ballaaran xulufada Nato, ayaa xiriir dhaw la sameystay Ruushka kaddib markii uu mugdi soo kala dhexgalay xiriirkii kala dhaxeeyay Mareykanka iyo Yurub.

 . . .

Nagala Soo Xiriir

Marqaannews@gmail.com

   . .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *