Marqaan News Agency » 13-Qof oo Soomaali ah oo lagu dilay dalka Itoobiya

13-Qof oo Soomaali ah oo lagu dilay dalka Itoobiya

Ugu yaraan 13 qof oo Soomaali ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerar Ciidamo ka tirsan dowlad degaanka Oramada ee dalka Itoobiya ay ku qaadeen degaanka Hawadaay oo ka tirsan dhulka Oromada Itoobiya.

Dadka Soomaalida ah ee halkaasi lagu dilay ayaa la sheegay in ay ahaayeen dad Ganacsato ah oo degaankaasi kunoolaa sanadyadii lasoo dhaafay.

Dadka degaanka ayaa sheegay in dilkaasi ay geysteen ciidamada Oramada ,islamarkaana ay ka xanaaqsanaayeen dad Oromo ah oo horay loogu dilay dhulka Soomaalida  ee ku yaalla dalka Itoobiya.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad degaanka Soomaalida ayaa xaqiijiyay  dilka 13 qof ee Soomaalida ah.

Sanadyadii lasoo dhaafay ayaa waxa jiray dagaallo u dhaxeeyay dowlad degaanada Soomaalida iyo Oramada ee dalka Itoobiya.

 

 . . .

Nagala Soo Xiriir

Marqaannews@gmail.com

   . .

3 Responses to 13-Qof oo Soomaali ah oo lagu dilay dalka Itoobiya

  1. Dab La Ridey says:

    Wax Alaale wixi Oromo joogta Somaliya waa in la soo ururiyaa oo laga dhoofiyaa somaliya oo loo gudbiyaa dhulki at ka yimaadeen.

    Barlamaan ku sheega mooryaanta ah ee muqdisho fadhiya ee aan aqoon wax aan ahay ”Motion” Bal wax ha ka yiraahdaan ama ha ka Dacwoodaan. Yaab anagaa aragnay!

  2. Ali Mohamed says:

    Kulli Fidno Geel waa Cabdi Ileey iyo Liyuu Booliis

    Soomaalida lagu laayo Ethiopia oo Oromada ah waxaa u sabab ah Cabdi Ileey iyo Liyuu Booliis

    Cabdi Ileey iyo Liyuuu Booliis waxeey u shaqeeyaan siyaasadda ee Tigreyga dheelaayaan oo ah in eey isku diraan Qowmiyadaha Ethiopia ka jiro sidii ayaga xukunkoodi u sii jiro.

    Waayahaan dambe waxaan maqleynay in Oramada iyo Amxaarada ku kacsan yahiin maamulka ee hogaaminayaan Tigreyga.

    Amxaarada waa la aamusiiyay oo waxaa aamusiyaay Gaalada reer Galbeedka laakiin waxaa wax laga qaban waayeye Muslimka Oromada.

    Marka waxaa soo baxday in Muslimka laysku dhammeeyo waxaana la yiri qowmiyadda Oramada iyo qowmiyadda Soomaalida madaxa ha layku geliyo.

    Sidaas daraadeed ayaa waxaa la fikiray in Cabdi Ileey iyo Liyuu Boliis la adeegsada laguna laayo Oromia.

    Waana dhacday in Liyuu Booliis weerar ku qaadeen qowmiyadda Oromiya.

    Haddana waxaan u jeednaa in qowmiyaddii Oromiya dagaal celis soo qaadeen oo dad Soomaaliyeed oo shicib ah la’laayey.

    Marka hooga meesha u ka bilawday siyaasad la’aanta ku habsatay Cabdi Ileey iyo wax ka hoos shaqeeyo.

  3. Ali Mohamed says:

    Yaanan Soomaalida Ethiopia iyo Oramada Ethiopia laysku dirin waad ogtahiin in eey Tigree ama Amxaaro faaido u tahay.

    Soomaaliyeey caqligiina ha shaqeeyo.

    Oromo oo Muslim ah ama yuunan ahaanin in eey Soomaali far isa saaraan ma aha sababtoo labada waxeey hoos yimaadaan hal gumeysi.

    Caqli, Caqli Caqli.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *