Marqaan News Agency » DAAWOUhuru Kenyatta oo ka hadlay Go’aanka Maxkamada Kenya Meesha Uga Saartay Guushii uu gaadhay

DAAWOUhuru Kenyatta oo ka hadlay Go’aanka Maxkamada Kenya Meesha Uga Saartay Guushii uu gaadhay

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in uu kasoo horjeedo go’aanka maxkamada Sare ee Kenya ay ku gaartay inay laasho guushii uu ka gaaray doorashadii dhacay bishii Augusto ee sanadkan, balse uu ixtiraamayo una hogaasami doono go’aanka.

“Maxkamadda sare go’aankeeda fikir ahaan ma taageersani, laakiinse waan xushmeynayaa,” ayuu yiri Madaxweyne Kenyatta oo ka jawaab celinayay go’aankii maxkamada sare ay ku laalay guushiisii doorashada.

Dhanka kale, Maxkamada sare ee Kenya ayaan eedeyn madaxweyne Uhuru Kenyatta, balse waxaa ay sheegtay in Guddiga Doorashada aysan u dhaqmin si waafaqsan xeerarka Doorasho Kenya.

Ugu dambeyn, deegaanno badan oo ay ka mid tahay Kisumu ayaa waxaa ka billowday damaashaadyo lagu soo dhaweynayo dib ugu laabashada doorashadii ka dhacay Kenya, taasoo uu ku guuleystay Uhuru Kenyatta.

DAAWO: HADALKA MADAXWEYNAHA KENYA UHURU KENYATTA;

 . . .

Nagala Soo Xiriir

Marqaannews@gmail.com

   . .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *