Sunday, January 21st, 2018
.

WAR CUSUB:Maxkamada Sare Ee Soomaaliya Oo Amartay In 8 Xildhibaan Doorashadooda Lagu Laabto.

,
Published on July 17, 2017 by   ·   No Comments

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la dhaqan geliyo go’aankii ka soo baxay Maxkamada Sare in lagu laabto 8 Kursi oo ka mid ah Kuraasta Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Waxa uu sheegay in aysan macquul ahayn in aan la dhaqan gelin oo aan la dhageysan go’aanada Muhiimka ah ee ka soo baxa Maxkamada Sare ee Dalka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Baarlamaanka laga doonayo in ay tixgeliyaan oo ay maqlaan go’aanka Maxkamada ay gaartay dibna doorasho loogu celiyo Kuraansta ay tilmaantay Maxkamada ee Cadaalad darada iyo Musuqa ku soo baxay.

“ Waxaan taageeraya go’aanka Maxkamada Sare ka soo baxay anaga ma dooneyno in aan u kala safano Xildhibaanada Baarlamaanka balse waxaa muhiim ah in laga shaqeeyo Cadaaladda oo dib doorasho Xalaal ah loogu  celiyo Kuraasta aan saxneyn ee Baarlamaanka ku jira “ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Qaranka”.

Waxa uu sheegay in Baarlamaanka laga doonayo hada in ay si shuruud la’aan ah ku fuliyaan go’aanka ka soo baxay Maxkamada Sare ee Dalka isla markaana ay sharciga ilaaliyaan.

.

Readers Comments (0)






WARARKA MAANTA

DAAWO SAWIRADA:Caleema Saarka Garaad C/rashiid cismaan Waraabedheere Oo Ka Dhacay Maanta Deegaanka Banyaal Oo Ka Tirsan Gobolka Cayn .

January 21, 2018

DAAWO VIDEO:Shacabka Tukaraq Oo kacdoon Soomaliland Ka Dhan Ah Bilaabay,Inaysan Aqbalayn.

January 20, 2018
Shacabka  Kunool degmada Tukaraq ee Gobolka Sool Ayaa Aragtidooda Ka Dhiibtey dagaalkii Tukaraq Iyo Duulaanka Soomaliland. waxay Sheegeen Inaysan ...

DAAWO VIDEO:VOA Oo Baahisey Khilaafka Thaabit Iyo RW Khayre Iyo Xilka Qaadista.

January 20, 2018

DAAWO VIDEO:Fanaanada Sacdiyo Siman Soodhaweyn Loo kala Hadhin Nairobi.

January 20, 2018

DEG DEG DAAWO:-Muuse Biixi Oo kahadlay Dagaalkii tukaraq Ee Puntland Iyo Somaliland Iyo Arimo Kale Badan..

January 20, 2018
Madaxwyanaha Somaliland Muuse Biixi oo Warbaahinta maanta kula hadlay magaalada Hargeisa ayaa ka hadlay Arimo kala duwan, oo ...