Marqaan News Agency » Koonfurta Soomaaliya Iyo Muqdisho Oo maanta Farxad U tahay !

Koonfurta Soomaaliya Iyo Muqdisho Oo maanta Farxad U tahay !

Waxaa goor dhow dib u soo laabtay Adeegii Internet-ka Fibre Optic oo muddo 22 cisho ka maqnaa Gobolada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Internet-ka ay bixiyaan shirkadaha Isgaarsiinta sida Somtel, Hormuud iyo Global ayaa goor dhow dib ugu shaqeeyay dad badan oo uu ka maqnaa tan iyo 25-kii bishii hore.

Mid ka mid ah Shaqaalaha Shirkadda ayaa u xaqiijiyay Warbaahinta inuu dib u soo laabtay Internet-ka 4G iyo Internet-ka kale ee guryaha la geliyo ee Fiilada ah.

Baraha bulshada ayaa dad badan waxay soo dhigeen Hambalyo ku aadan in Internet-kii uu dib u soo laabtay.

Xiriiro aan la sameynayo deegaanada u dhow dhow magaalada Muqdisho ayaa waxaa naloogu xaqiijiyay in Internet-ka u shaqeynayay, kaddib 20 cisho oo ka maqnaa.

Markab ku howlanaa cilad bixinta iyo sameynta xargihii Fibre Optic ee go’ay ayaa la sheegay inuu xalay soo afjaray saddex maalmood oo uu ku howlanaa.

Habeenkii ay taariikhda ku beegneyd 24 June ayaa Internet-ka ka go’ay Gobolada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, kaddib markii Markab ku soo xiranayay Dekeda la sheegay inuu jaray Xargihii Fibre Optic.

Mudadii 20-ka cisho ee uu go’naa Internetka waxaa ka dhashay khasaare kala duwan, iyadoo uu saameyn ballaaran ku yeeshay, ganacsiga, waxbarashada iyo adeegyada xawaaladeed ee dalka.

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay goor dhow war ka soo saarto Internet-ka hawada dib ugu soo laabtay.

 . . .

Nagala Soo Xiriir

Marqaannews@gmail.com

   . .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *