Tuesday, November 21st, 2017
.

WARBIXIN: Maxaad Ka Taqaanaa Deegaanadda Gobollada dhexe ee laga Isticmaalo Lacagta Itoobiya & Sababta?

Published on July 16, 2017 by   ·   2 Comments

Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug Maxamed Cali Cilmi ayaa xaqiijiyay in qeybo badan oo ka tirsan Gobolkaasi Galgaduud haatan ay ka bilowdeen Isticmaalka Lacagta Birta Ethiopia.

Arrintaan ayaa timid sida Guddoomiyuhu tilmaamay kadib markii Ganacsatada Gobolka Galgaduud ay hakiyeen Isticmaalka Lacagaha Shiling Soomaaliga.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud ayaa hoosta ka xariiqay in Isticmaalka Lacagaha Birta Ethiopia ay si tar tiib Tartiib ah ugu sii baaheysay Gobolka Galgaduud tan iyo markii Ciidamada Ethiopia ay soo galeen deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Galgaduud, waxaana Nasiib darro uu ku tilmaamay in qeybo dalka ka tirsan haatan Lacago dalal kale laga leeyahay laga isticmaalayo xilli Lacagihii dalkana aysan shaqeyneynin.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug Maxamed Cali Cilmi ayaa hoosta ka xariiqay in wax ka qabashada arrintaan looga fadhiyo dowladda Dhexe ee Soomaaliya oo iyadu Masuul ka ah Lacagta Dalka.

Waxaana uu cod dheer ku sheegay in Gobollada dhexe gebi ahaan aan laga isticmaaleyn Shiling Soomaaliga islamarkaana haatan lacagaha laga adeegsado yihiin Birta Ethiopia iyo Lacagaha Dollarka.

Isticmaalka Shiling Soomaaliga ayaa beryihii dambe gaabi ka ahaa Gobollada Hiiraan , Galgaduud iyo Mudug kadib markii Gobolladaasi ay soo galeen Lacago Been abuur ah oo loo ekeysiiyay Shiling Soomaaliga Saxda ah.

Dhibaatada ka taagan Isticmaalka Shiling Soomaaliga ee Gobollada Dhexe ayaa imaaneysa xilli uu socdo dabar go’a lacagaha Shilig Soomaaliga xilli uu ku fashilmay Bank-ga dhexe ee Soomaaliya wax ka qabashada dhibaatada lacageed ee camimtay guud ahaan Dalka.

Dowladda Dhexe ee dalka ayaan weli wax qorsho ah oo ay uga baaran dageyso dhibaatada lacageed aan soo saarin , waxaana laga wada dhur sugi doona sida ay uga jawaabto arrintaan cusub ee ku aadan in lacagaha dalalka dariska ay leeyihiin haatan laga isticmaalayo qeybo ka tirsan dalka.

.

Nagala Soo Xiriir

Marqaannews@gmail.com

Readers Comments (2)

  1. Khadar says:

    Kkkkkkkkkkk
    War tii somalia ahayd tolow yaa habaaray .

  2. ebyan. says:

    War tan kenyaatigana isticmaala hadaad rabtaan. Malaha kuwaani waa reer binu israailka soomaalida! Daarood dartiis ayey Allaah iyo caradiisa iyo cadaabkiisa ku ilaaween. War daarood maalintii horana waad gaadeen maantana walaahi wax kasta oo aad sameysaan ineydaan waxba ka qaadi karine aakhiradiina haku seeginina.






WARARKA MAANTA

DAAWO VIDEO:Wasiir Beyle Oo Shaaciyey Inuu Jiro Khilaaf Isaga Iyo RW Khayre,Lacago la Lun saday Arimo kale.

November 21, 2017
Wasiirka Maaliyadda XFS Md C/raxmaan Ducaale ayaa maanta Baarlamaanka JFS horgeeyay Miisaaniyadda Dowladda ee 2018 ka oo dhawaan ...

DAAWO VIDEO:Deg Deg Komishinka Doorashada Oo ku Dhawaqay Natiijada S/land Xiligay Shaacinayaan.

November 21, 2017
Komsihinka Doorasahadda Soomaaliland Ayaa Shaaciyey Xiligay ku Dhawaaqayaan natiijada Doorasahada Soomaliland oo mudo laga Sugayey Cida Ku guulaysatey,Shir ...

Deg Deg Daawo;- Musharax Ciro Oo Gabi Ahaanba Qaadacay Doorashadii Somaliland Ka Dhacdey

November 20, 2017
Murashaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro ayaa shaaca ka qaaday qaladaad badan oo xisbigiisu ka tirsanayo guddida doorashooyinka somaliland ...

DEG DEG DAAWO:-Mudaharaado Lagaga Soo Horjeedo C/Wali Gaas Iyo DP World Ayaa Kadhacay Magaalada Bosaso

November 20, 2017
HALKAN RIIX OO DAAWO MUDAHARAADKA

DAG DAG: Goorma ayaa lagu dhawaaqayaa Doorashada Somaliland+Wararkii u danbeeyay…

November 20, 2017

SAWIRO; RW Kheyre oo Xafiiskiisa ku qaabilay Sheikh Shariif & Arimo Xasaasi ah oo ay ka wada hadleen

November 20, 2017
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa manta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweyinii hore ...

DEGDEG: Uhuru Kenyatta Oo La Shaaciyey Inuu Ku Guuleystay Madaxtinimadda Dalkaasi & waqtiga la xalaaleynayo oo la iclaamiyay

November 20, 2017
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Kenya, David Maraga ayaa goor dhow ku dhawaaqay inuu Madaxweyne Uhuru Kenyatta ku guuleystay Doorashadii Ku-celiska ...

Wasiir Bayle Oo Golaha Shacabka Horgeynaya Miisaaniyadda Dowladda Ee 2018

November 20, 2017
Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta oo Isniin ah wuxuu xidhibaannada golaha ...

Shabaab oo soo bandhigay askar ay sheegeen inay ka goosteen Jubbaland+(SAWIRRO)

November 20, 2017
Ururka Shabaab ayaa Degmada Jilib ee xarunta Gobolka Jubbada Dhexe waxa ay ku soo bandhigeen saddex askari oo ...

DHAGEYSO; Shacabka Muqdisho oo amarkii ugu cuslaa la dul dhigay & Iney Hantidooda ku lumiyaan..

November 20, 2017
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed  Xuseen Xasan Cusmaan oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa amar kasoo saaray boob ...