Marqaan News Agency » NAXDIN: Warqado Hanjabaad ah oo lagu daadiyay Muqdisho & Amaro Culus oo ku qoran

NAXDIN: Warqado Hanjabaad ah oo lagu daadiyay Muqdisho & Amaro Culus oo ku qoran

Wararka naga soo gaaray dhowr degmo oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Shabaab ay warqado Hanjabaad ah ku daadiyeen.

Warqadaha ay maleeshiyada ku daadiyeen degmooyinka ayaa waxaa ku qornaa Hanjabaado ku socda Hoteelada iyo Xarumaha dowlada ee ku yaala degmooyinka.

Degmooyinka lagu daadiyay warqadaha maleeshiyada ayaa waxaa dadka deegaanka lagu wargaliyay inay isaga fogaadan Xarumaha dowlada iyo Hoteelada ay ag degan yihiin.

Degmooyinka Huriwaa, sida xaafadda suuqa xoolaha, Howlwadaag, qeybta suuqa Bakaaraha ayaa kamid ah goobaha lagu daadiyay warqadaha.

Dadka ku dhow dhow goobaha laga digay ayaa durba wajahay walaac dhank amaankooda, walow maleeshiyaadka Shabaab ay talaabada noocaasi ah ku qalqal galiyaan shacabka.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan arrintaani weli kusoo baraarugin Hay’adaha amaanka dowlada oo iyagu dagaal ba’an kula jira Shabaab.

 . . .

Nagala Soo Xiriir

Marqaannews@gmail.com

   . .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *