Tuesday, November 21st, 2017
.

Maamulka Soomaaliland oo xabsiga dhigay  dhalinyaro ku sii jeeday Bosaso.

Published on July 16, 2017 by   ·   9 Comments

Taliyaha Laanta Socdalka Gobolka Sanaag ee Soomaaliland Gashaanle Siciid Cige Maxamed ayaa sheegay in ciidanka laanta socdaalka ay gacanta ku dhigeen dhalinyaro ka soo tahriibtay gobolada Somaliland oo doonayay In ay u dhafaan magaalada boosaaso.

Taliyaha ayaa sheegay in  ciidanku gacan bir ah ku qaban doonaan cidkasta oo isku Dayday in ay tahriib kudhaafto gobolka,waxaana uu sheegay in ciidan ku filan gobolka oo ilaalin kara isku socodka ay ku sugan yihiin.

“Ciidanka Laanta socdaalka somaliland waxa uu maamulaa cidkasta oo waddanka sharci darro ku soogalaysa iyo cidkasta oo waddanka sharci darro ku joogta,waxaana ay ciidanku ka hawl galaan bariga sida xuduudaha,kaantarooladda iyo waliba Eriboodka,waxaanan u xilsaaranahay Sugida Soo Galootiga”, ayuu yiri Taliyaha Laanta Socdalka Gobolka Sanaag Gashaanle Siciid Cige Maxamed.

Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Sanaag ayaa ka warbixiyay saddexdii bilood ee ugudanbeeyay hawl-galadda ay ka bilaabeen gobolka tirade dadka tahriibaya ee ay soo qab-qabteen ,wuxuuna sheegay in dhowrkii maalin aynu soo dhaafnay la qab-qabtay dhalinyaro doonaysa in ay u gudbana dhanka Magaalada boosaaso ee Gobolka Bari si ay halkaas kaga sii Tahriibaan.

.

Nagala Soo Xiriir

Marqaannews@gmail.com

Readers Comments (9)

  1. sOmalilander says:

    Pintiland : hoygii budhcad badeeda iyo tahriibka weeyee.

  2. Cismaan Cawad says:

    * MAGACA IRIRNIMO AYAA SHAQEEYAY *

    Wasiir Beyle waa ku la jire kaa jira sida hadalkiisa laga dhugan karo. Marka runta sida ay tahay loo dhigo kuwa naceb baa judhii ba ka halcada oo ka cabaada. Waxaa jirta falsafad qeexeysa in haddii ilbaxda wanaagga xeerisaa ay kuwa canaasiirta ahi u tanaazulaan ay canaasiirtu taasi daciifnimo u fasirtaan.

    Iminka haddii canaasiirta SNM ee Hargeysa maamulata ay dawladdan Farmaajo uga dibciso kala kulmi mayso wax aan ka ahayn luggooyadii iyo khiyaamadii hore looga bartay ee Soomaaliya ka hakisay qarannimadii ay kal hore hanan lahayd. Dawladdani waa in ay caalamka bayaan ugu muujiso maamulkan SNM waxa uu yahay iyo in uu weli wato qaddiyaddii qarankii Soomaaliya lagu burburiyay ee aan casrigan meel ku lahayn.

  3. Cismaan Cawad says:

    * MAGACA IRIRNIMO AYAA SHAQEEYAY *

    Bal xaq darrada iyo caddaalad xumada meeshan ku mudan ila arka. Geyiga dhan iyo shacabka ku nool ayaa xaqoodii iyo saamigoodii waxaa duudsiiyay qawleysato kooban ee magaca ‘Somaliland’ ku qadhaabata. Qawleysatadani waxaa u gartay in ay geyigaas xaquuqdiisa duufsadaan dawladdii Xassan Shiikh ee oogu qaraabo kiishay magaca Irirnimo markii Turkiga iyo Brussels lagu shirayay.

    Sababtaas weeye tan uu Beyle leeyahay Somaliland miisaaniyadda federaalka lagu ma darin. Masiibada meeshan ku duugani waxaa weeye in dadka geyigaas ku darxumeysan ee xaquuqdoodii laga qadiyay ay giddigood yihiin beelaha Direed ee isla magaca haybtooda Irirnimo qawleysatada SNM waxoodii faraha looga saaray. Yaab!

  4. Cismaan Cawad says:

    * DINAAHA WASIIR BEYLE KA SOO YEEDHAY *

    Hadal aad loogu qoslo weeye marka uu Beyle leeyahay waa in marka hore tan “siyaasadda” looga hadlo “Somaliland” iyo Soomaaliya ahaan. Waxaa ka horreeya in la is wayddiiyo horta “Somaliland” waa maxay? Dal iyo dagal Geeska Afrika iyo caalamka ka jira ee laga aqoonsan yahay ma aha. Khariidadda dunida kuma taallo bar “Somaliland” loo yaqaano. Haddaba Beyloow, khayaalka aad ka dhex qarwayso iyo xaqiiqada dhabta ah ee ay dadku ku nool yihiin waa kaaf iyo kala dheeri, wasiir na waa lagugu sheegayaa. La iska ma dinaahiyo ee dadka sidooda ayaa qumaati loo hadlaa.

  5. sOmalilander says:

    Si fiiican u waalo, kkk car yaan idoor fuulinoo aan dhuusin !?

    Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    • Deeq says:

      Naagaha iidoorku ma istijoodaan oo kaadida isksma dhaqaan waxa shegay gaalkii jarmalka ee hargaysa cajiladaha kaduubayay naagaha iidoor ee geerashka iyo marqaanka hibada ulahaa.

  6. Ali says:

    Cisman cawad

    Ariniba waa arin ee waxay doontaba ha u muuqato iisaaniyada aan lagu darin Idoor, maloo fasiran karaa in xaalad aad cidhhidhi ah iney meeshaa ka socoto oo ciribadhadh aad u weyn oon waxba laga qaban karin waqtigan uu aad ooga socdo, lagactii doolarka ahaydna ay ka idlaatay Marwo Samsam, iminka Landerku wuxuu marayaa 950 kun boqolkii, maalin aad u dhowna maciishada lamaba gown karayo, hadaba hadii miisaaniyada lagu daro aad ayay dadka oodhan u saamaynaysaa arintaa.

    Waatan dhalain yaradii ooo shaqo la’aan aad u baahsani ku dhacday ay u wada baxsanayaan boosaaso iyo geyiga kale ee Soomaliya, xagii Wajaale ee barigii hore loo carari jirayna waa lasoo xidhay.

    Waxaa kale aan maalin dhoweyd su’aalay nin aanu saaxiib nahay oo reer ahargeysa ah oo aan ku idhi waar dadkii reer Isxaaq sow kuwan masaajjida ka buuxa oo soo wada islaamay, sow arin aad u wacan ma aha, ninkii wuxuu iigu jawaabay masaajida aad isleedahay way camiran tahay waa dadkii shaqa-waagu ku dhacay oo meel kale oo la fadhiisto waa la waayay, meheraduhuna hadaadan wax ka iibsanayn kuu ogolaan mayaan inaad fadhiisato ama dad kula kulanto, dadkan diin jacayl kama wada ahee waxaa ka buuxa naf la caari hadii xitaa kilaab loo furo isku wada guraya.

    Waar ninkaasi waa indheer garad, ninkan Beyle-na wuxuu la socdaa arimaha meeshan ka socda, oo la xidhiidha aafada dhaqaalo xumo aanayn ahayn in lagu degdego.

  7. Ali says:

    Waana xaalad baiiaadamnimo aad u adag, maalin dhowna waad arki inuu wax weyn ogaa iyo inkale.

    dameeraha Soomal-laandarka isku sheegaana ha iska qayliyaan, amam dameeraciyaan. hiiiiiiiiiiiiiiihaaaaaaaaaaaaa.

    War jiraaba cakaaruu iman.!

  8. Ali says:

    750 kun ayay tidhi marwo Samsam waan ku hayn doolarka kaydkii doolarkuna wuu martay waayo 980 kun saacado kahor waa farqi aad u wayn.

    Adeerana wuu yimid bal ayni isla aragno saacadaha soo socda, malaha Jijjigaa loo qaxi.kkkkkk






WARARKA MAANTA

DAAWO VIDEO:Wasiir Beyle Oo Shaaciyey Inuu Jiro Khilaaf Isaga Iyo RW Khayre,Lacago la Lun saday Arimo kale.

November 21, 2017
Wasiirka Maaliyadda XFS Md C/raxmaan Ducaale ayaa maanta Baarlamaanka JFS horgeeyay Miisaaniyadda Dowladda ee 2018 ka oo dhawaan ...

DAAWO VIDEO:Deg Deg Komishinka Doorashada Oo ku Dhawaqay Natiijada S/land Xiligay Shaacinayaan.

November 21, 2017
Komsihinka Doorasahadda Soomaaliland Ayaa Shaaciyey Xiligay ku Dhawaaqayaan natiijada Doorasahada Soomaliland oo mudo laga Sugayey Cida Ku guulaysatey,Shir ...

Deg Deg Daawo;- Musharax Ciro Oo Gabi Ahaanba Qaadacay Doorashadii Somaliland Ka Dhacdey

November 20, 2017
Murashaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro ayaa shaaca ka qaaday qaladaad badan oo xisbigiisu ka tirsanayo guddida doorashooyinka somaliland ...

DEG DEG DAAWO:-Mudaharaado Lagaga Soo Horjeedo C/Wali Gaas Iyo DP World Ayaa Kadhacay Magaalada Bosaso

November 20, 2017
HALKAN RIIX OO DAAWO MUDAHARAADKA

DAG DAG: Goorma ayaa lagu dhawaaqayaa Doorashada Somaliland+Wararkii u danbeeyay…

November 20, 2017

SAWIRO; RW Kheyre oo Xafiiskiisa ku qaabilay Sheikh Shariif & Arimo Xasaasi ah oo ay ka wada hadleen

November 20, 2017
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa manta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweyinii hore ...

DEGDEG: Uhuru Kenyatta Oo La Shaaciyey Inuu Ku Guuleystay Madaxtinimadda Dalkaasi & waqtiga la xalaaleynayo oo la iclaamiyay

November 20, 2017
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Kenya, David Maraga ayaa goor dhow ku dhawaaqay inuu Madaxweyne Uhuru Kenyatta ku guuleystay Doorashadii Ku-celiska ...

Wasiir Bayle Oo Golaha Shacabka Horgeynaya Miisaaniyadda Dowladda Ee 2018

November 20, 2017
Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta oo Isniin ah wuxuu xidhibaannada golaha ...

Shabaab oo soo bandhigay askar ay sheegeen inay ka goosteen Jubbaland+(SAWIRRO)

November 20, 2017
Ururka Shabaab ayaa Degmada Jilib ee xarunta Gobolka Jubbada Dhexe waxa ay ku soo bandhigeen saddex askari oo ...

DHAGEYSO; Shacabka Muqdisho oo amarkii ugu cuslaa la dul dhigay & Iney Hantidooda ku lumiyaan..

November 20, 2017
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed  Xuseen Xasan Cusmaan oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa amar kasoo saaray boob ...