Tuesday, November 21st, 2017
.

Gudoomiyaha Gobolka banaadir Oo talaabo ka Qaaday dad Guryo Haystey 20 sano muqdisho

Published on July 16, 2017 by   ·   1 Comment

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta ku wareejisay Yuusuf Maxamed Ibraahim Uunlaaye iyo Ibraahim Maxamed Ibraahim Uunlaaye guri muddo 27 sano xoog looga heystay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Dr. Aweys Sheekh C/llaahi ayaa sheegay Maxkamadda markii ay aragtay warqada milkiyada Ibraahim Uunlaaye oo aheyd warqad waqaf ah oo lagu wareejiyay wiilasha agoonta ah ay u cadaatay inay tahay waqaf sharciga islaamka ah, ayna u xukuntay wiilashaas, kuna wareejisay guriga.

Waxaa uu sheegay in Guriga hadii la dhaho waqaf aan la iibin kari ama qof loo hibeyn karin, illaa ay ka dhaxlaan carruurtooda, isagoo xusay arrintan ay tahay tallaabo horay loo qaaday oo dhinaca dib u heshiisiinta in dad guryahooda ka maqan lagu wareejiyo.

Taliyaha qeybta Booliska ee Bartamaha ayaa sheegay in cid kasta oo si sharci darro ku degan guri aysan laheyn, ay ka qaadayaan tallaabo sharci ah.

Guriga ay Maxkamadda ku wareejisay qoyskan ayaa ku yaalla nawaaxiga Bacadlihii hore ee degmada Xamar weyne.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa muddooyinkii u dambeeyay qaadeysay dacwadaha la xiriira dhulka iyo guryaha la kala heysto.

.

Nagala Soo Xiriir

Marqaannews@gmail.com

Readers Comments (1)

  1. Atoore says:

    ASC.
    Waa tilaabo muhiima in ay soomaali kala xaq baxdo oo is wada cafido.Haddiise uu Xassan Shiikh sii hayn lahaa jagada madaxweynaha ma ay dhacdeen arintaan oo kale.Waayo Xassan raali kama ahayn guryo la isu celiyo iyo dadkii ka qaxay xamar in ay ku soo noqdaan.Sida la sheego labo nin oo xamar ka hayn jiray jago muhiima xiligii Xassan Shiikh midkasataba waxuu soo jeediyey in guryaha la kala haysto dadkii lahaa loo celiyo oo soomaalidii ka qaxday xamar ku soo noqdaan xamar.Labadii ninba shaqadii waa laga saaray.Labada nin waxay kala ahaayeen Tarzan iyo Muungaab.Labadaba Xassan xiligiisii baa laga qaaday jagadii ay isaga dambeeyeen.Waxayna qoon sadeen guryaha hala celiyo.Maantase Thaab ka uu baqi mahayo in shaqadiisa looga saaro guryaha hala celiyo darteed.Waayo waxaa hadda xukuma soomaaliya labo nin oo la filayo in ay dhaamaan kuwii hore 100 persent.
    Soomaali nasiib badanaa saa waxaa Ilaahay (swt) uu dhaafiyey Xassan Shiikh iyo C.C.C.






WARARKA MAANTA

DAAWO VIDEO:Wasiir Beyle Oo Shaaciyey Inuu Jiro Khilaaf Isaga Iyo RW Khayre,Lacago la Lun saday Arimo kale.

November 21, 2017
Wasiirka Maaliyadda XFS Md C/raxmaan Ducaale ayaa maanta Baarlamaanka JFS horgeeyay Miisaaniyadda Dowladda ee 2018 ka oo dhawaan ...

DAAWO VIDEO:Deg Deg Komishinka Doorashada Oo ku Dhawaqay Natiijada S/land Xiligay Shaacinayaan.

November 21, 2017
Komsihinka Doorasahadda Soomaaliland Ayaa Shaaciyey Xiligay ku Dhawaaqayaan natiijada Doorasahada Soomaliland oo mudo laga Sugayey Cida Ku guulaysatey,Shir ...

Deg Deg Daawo;- Musharax Ciro Oo Gabi Ahaanba Qaadacay Doorashadii Somaliland Ka Dhacdey

November 20, 2017
Murashaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro ayaa shaaca ka qaaday qaladaad badan oo xisbigiisu ka tirsanayo guddida doorashooyinka somaliland ...

DEG DEG DAAWO:-Mudaharaado Lagaga Soo Horjeedo C/Wali Gaas Iyo DP World Ayaa Kadhacay Magaalada Bosaso

November 20, 2017
HALKAN RIIX OO DAAWO MUDAHARAADKA

DAG DAG: Goorma ayaa lagu dhawaaqayaa Doorashada Somaliland+Wararkii u danbeeyay…

November 20, 2017

SAWIRO; RW Kheyre oo Xafiiskiisa ku qaabilay Sheikh Shariif & Arimo Xasaasi ah oo ay ka wada hadleen

November 20, 2017
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa manta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweyinii hore ...

DEGDEG: Uhuru Kenyatta Oo La Shaaciyey Inuu Ku Guuleystay Madaxtinimadda Dalkaasi & waqtiga la xalaaleynayo oo la iclaamiyay

November 20, 2017
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Kenya, David Maraga ayaa goor dhow ku dhawaaqay inuu Madaxweyne Uhuru Kenyatta ku guuleystay Doorashadii Ku-celiska ...

Wasiir Bayle Oo Golaha Shacabka Horgeynaya Miisaaniyadda Dowladda Ee 2018

November 20, 2017
Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta oo Isniin ah wuxuu xidhibaannada golaha ...

Shabaab oo soo bandhigay askar ay sheegeen inay ka goosteen Jubbaland+(SAWIRRO)

November 20, 2017
Ururka Shabaab ayaa Degmada Jilib ee xarunta Gobolka Jubbada Dhexe waxa ay ku soo bandhigeen saddex askari oo ...

DHAGEYSO; Shacabka Muqdisho oo amarkii ugu cuslaa la dul dhigay & Iney Hantidooda ku lumiyaan..

November 20, 2017
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed  Xuseen Xasan Cusmaan oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa amar kasoo saaray boob ...