Marqaan News Agency » DHAGAYSO: DFS oo ka hadashay Sababta Miisaaniyadda Xukumadda loogu soo dari Waayay S/Land

DHAGAYSO: DFS oo ka hadashay Sababta Miisaaniyadda Xukumadda loogu soo dari Waayay S/Land

Wasiirka Wasaaaradda Maaliyadda dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle oo Faahfaahin ka bixiyay Sababta Somaliland looga reebay Miisaaniyad sanadeedka sanadkaan ayaa waxaa uu sheegay in Miisaniyadda dowladda hadda ay quseyso dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda.

Waxaa uu sheegay Wasiir Beyle in Somaliland iyo Soomaaliya uu u socdo wadahadal ,islamarkaana markii ay soo dhamaadaan lagu soo dari doono miisaaniyadda dowladda.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA

Waxaa uu tilmaamay in Somaliland  Miisaaniyadda dowladda lagu soo daro in ay qaadanayso waqti dheer.

Wasiir Beyle ayaa sidoo kale tilmaamay in Somaliland ay doonayso in marka ugu horeysa laga heshiiyo Siyaasadda.

Dowladda Soomaaliya ayuu xusay in ay dadaal dheer ku bixin doonto sidii loo mideyn lahaa Canshuuraha dalka.

 

 . . .

Nagala Soo Xiriir

Marqaannews@gmail.com

   . .

17 Responses to DHAGAYSO: DFS oo ka hadashay Sababta Miisaaniyadda Xukumadda loogu soo dari Waayay S/Land

  1. Cismaan Cawad says:

    * MAGACA IRIRNIMO AYAA SHAQEEYAY *

    Wasiir Beyle waa ku la jire kaa jira sida hadalkiisa laga dhugan karo. Marka runta sida ay tahay loo dhigo kuwa naceb baa judhii ba ka halcada oo ka cabaada. Waxaa jirta falsafad qeexeysa in haddii ilbaxda wanaagga xeerisaa ay kuwa canaasiirta ahi u tanaazulaan ay canaasiirtu taasi daciifnimo u fasirtaan.

    Iminka haddii canaasiirta SNM ee Hargeysa maamulata ay dawladdan Farmaajo uga dibciso kala kulmi mayso wax aan ka ahayn luggooyadii iyo khiyaamadii hore looga bartay ee Soomaaliya ka hakisay qarannimadii ay kal hore hanan lahayd.

  2. Cismaan Cawad says:

    * MAGACA IRIRNIMO AYAA SHAQEEYAY *

    Bal xaq darrada iyo caddaalad xumada meeshan ku mudan ila arka. Geyiga dhan iyo shacabka ku nool ayaa xaqoodii iyo saamigoodii waxaa duudsiiyay qawleysato kooban ee magaca ‘Somaliland’ ku qadhaabata. Qawleysatadani waxaa u gartay in ay geyigaas xaquuqdiisa duufsadaan dawladdii Xassan Shiikh ee oogu qaraabo kiishay magaca Irirnimo markii Turkiga iyo Brussels lagu shirayay.

    Sababtaas weeye tan uu Beyle leeyahay Somaliland miisaaniyadda federaalka lagu ma darin. Masiibada meeshan ku duugani waxaa weeye in dadka geyigaas ku darxumeysan ee xaquuqdoodii laga qadiyay ay giddigood yihiin beelaha Direed ee isla magaca haybtooda Irirnimo qawleysatada SNM waxoodii faraha looga saaray. Yaab!

  3. Cismaan Cawad says:

    * DINAAHA WASIIR BEYLE KA SOO YEEDHAY *

    Hadal aad loogu qoslo weeye marka uu Beyle leeyahay waa in marka hore tan “siyaasadda” looga hadlo “Somaliland” iyo Soomaaliya ahaan. Waxaa ka horreeya in la is wayddiiyo horta “Somaliland” waa maxay? Dal iyo dagal Geeska Afrika iyo caalamka ka jira ee laga aqoonsan yahay ma aha. Khariidadda dunida kuma taallo bar “Somaliland” loo yaqaano. Haddaba Beyloow, khayaalka aad ka dhex qarwayso iyo xaqiiqada dhabta ah ee ay dadku ku nool yihiin waa kaaf iyo kala dheeri, wasiir na waa lagugu sheegayaa. La iska ma dinaahiyo ee dadka sidooda ayaa qumaati loo hadlaa.

  4. sOmalilander says:

    Waal Waalatee Naa Bal Xerada Gal !!

    Kkkkkkkkk

  5. Kays says:

    Kkkk kkk kkkkkkk waxan la yabaa kan yaree iska niiqleeya sida bisaddii, Sabiilander cidi ma fahamto caacdana ma daayo, qofku manu qajilin? War heedhe xoolo noolbaa tahay jiritaanka maamul beeleedka idoor wuxuu ku xiranyahay joogi Alshabaab ee somalia 🇸🇴, ama niiqlee ama bacaac dheh somalia 🇸🇴 somali baa leh, haraadiga SNM iyo waxgaradku way ogyihiin yihiin in maamul beeleedka idoor uu ka mid yahay maallada dalka kajira, marka caqaar la laqo inta indhaha la qalloociyo aadmiga halla quursado,maamulka idoor been iyo ayuu dadka ku luggooyaa, makasta iyo haweenka ayay luggooyaan.

  6. sOmalilander says:

    Kayse..

    Libdhi Maysid laascaanodeey

    GAH.GAH.GAH.GAH

  7. Cismaan Cawad says:

    * TAARIIKHDA SAXDA AH *

    Waagii gobanimo doonku dhammaan geyiyada Soomaaliyeed ee ay gaaladu in ay gumeysato u kala qaybsatay waxaa ka wada socday halgan keli ah ee ujeeddo keli ah ku salaysnaa, waxaa ayna qaddiyaddu ahayd Soomaaliweyn oo is wada xoreysa oo ka dib qaran Soomaaliyeed wadaagta. Geyiyadii ay “British Somaliland” iyo “Italian Somaliland” Ingiriiska iyo Talyaanigu u kala calaamadeysteen xataa qabiilada Soomaaliyeed isku dareen iyo aragti toona kama aanay ahayn oo qaar baa gumeysiga diiddanaa ee ay kaalinta koowaad kaga jireen beelaha Daarood.

  8. Cismaan Cawad says:

    * TAARIIKHDA SAXDA AH *

    “British Somaliland” iyo “Italian Somaliland” midkood na kuma salaysnayn qaab deegaameedka qabiilada iyo qaab dhuleedka jooqraafiga geyiyada Soomaaliyeed sida dad badani ay qaladka ka fahansan yihiin. Sidaasi aawadeed fikirka ah “Woqooyi” iyo “Koonfur” ayaa la kala yahay waa mid fahamkaas qaldan salka ku haya. Puntland waa Woqooyi Bari oo Koonfur shuqul is ku ma leh. Qarankii Soomaaliya waxaa burburiyay dagaal sokeeye ee qabyaalad ku salaysnaa. “Woqooyi” iyo “Koonfur” ahaan inta la isu laayay lagu ma kala dhaqaaqin. Haddii la wada hadli doono na waa in qaabkaas qabiiliga ah loo wada xaajoodo oo wax lagu xalliyo. Taasu waxaa ay daaqadda ka tuuraysaa qiilka beenta ah ee “Somaliland” iyo “Woqooyi” ee ay ku dabo gabbanayaan kuwa qarannimada Soomaaliya diiddan.

  9. sOmalilander says:

    Dalku waa KOONFUR & WAQOOYI , hadaan si kale kuugu dhigana HARGEYSA & MOGADISHU.

    Ama dhuus ama xaar, labadasi haday heshiiyaanaa dalku wuu israaci, haday heshiin waayanaa waxuunbaa wax loo kala qeeybsan HARGEYSA & MOGADISHU.

    Intii aan labadas magaalo ku noolayni hayska quuqleeyaan , waqooyina hargeysa ayaa looga talin, koonfur na mogadishu uunbaa looga talin , Simply !

    Guuul Somaliland !!

  10. sOmalilander says:

    Labadii Caasimadood ee marka horeba isku yimid ee kala ahaa Hargeisa & Mogadishu uunbaa hadeerna ama isku iman oo heshiin ama sidaas ukala maqnaan haday heshiin waayaan.

    Waxii aan labadaas ahayni dee hayska muraaqoodaan alaa badaye.

    Caasimadaha Irir Samaale !

    Kkkkkkkkkkkk
    Kkkkkkkkkkkk
    Kkkkkkkkkkkk

  11. Ahmed says:

    Diid ama doon. Wax walba oo la sameeyo Somaliland ayaa kuu soo goynaysa.

  12. Ahmed says:

    WAA ISKA CAADI IN TAARIIKHDA NINBA SIDII UU DOONO U KUFSADO

    Taariikhda kolba sidii la doono looma kufsan karo oo garac ma dhasho ee kolba inta gacan saraysa ayuunbaa qorta. Sidaas ayayna ahaataa.

    Kolkaas taariikhdaas aad kufsanaysaan imika xitaa hadii ay tii dhabta ah ahaan laheyd wax aliyaale iyo wax ay taraysaa ma jirto.

    British Somaliland iyo Italian Somaliland, Somaliland ama Somaaliya, Woqooyi ama Koonfur, kolba sidaas u jeceshahay inaad ugu hadaaqdaan, sidaas ayuun bay labadii is raacay ka kooban yihiin.

    Hadii la’isku noqonayo iyo hadii la kala tegayoba, Somaliland iyo Soomaaliya ayaa miiska wada fadhiisanaya oo wax ku heshiinaya kana kala saxeexanaya.

    Puntland waxa ay daba fadhiisanaysaa Dawladaas Muqdisho joogta oo taas ayay ka mid tahay. Taasaana u talisa. Puntland Illaahay baa ku daray Soomaalidaas kale ee Koonfurta ku nool. Woqooyi haku yaalaalaan ama yaanay ku oolin.

    Kolkaas idinka ayay idin jirtaa hadaad meesha lagu shirayo ka hor mudahaaradeysaan. Indhihiina oo shan ah ayaa cadkaas lagu kala goosanayaa.

    Looma joojiyo soo meydaan maqli jirin? Sidaas ayaa inta iska hadleyaasha ah oo dhan aanan loogu joojinayn. Waayo iska hadleyaashu waxba sooma kordhiyaan, waxna ma goosan karaan. Waxa ay kaga hadhay afka uun.

    Kolkaas mudaharaadka ayuun baa idiin furan. Ciidamadii nabadiina sugi lahaana Somaliland ayaa idiinla diyaar ah. Waayo dadkeedii oo iska yara buuqbuuqsan ayaad tihiin. Idinkaa marka meesha lagu kala huleelo ama iska iman doona oo dadkiina dhinaca ka raaci doona ama dee meesha aydin roob ku ogtihiin fasaxbaad u tihiin inaad aadaan.

    Lajiifiyaana banaan. Lajoojiyaana banaan.

  13. sOmalilander says:

    Si fiiican baad u dhigtay Suldaan Ahmed.. Thanks !!

    God bless Somaliland 🔝

  14. Ahmed says:

    sOmalilander

    Dee inagu batarka iyo heelada ayaynu tumanaynaa oo habartii iska hawhawle waxba inagama gelin.

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  15. Somali says:

    Midkaaa xiiqsan ee cawad ah bal baaritaan ha loogu laabto,

  16. Ali says:

    Baasboorkii ma doonatay intaan lagaa xidhin?

  17. warsan says:

    waxa la yiri kubada ninka ciyaaraya iyo kan daawanaya waxa qaylo badan ka daawanaya waayo ma oga dhibka uu ku jiro kan haya kubada hada waxa ka dhigan dadkan canaanaya ragan jooga xamar ee waxba haynin sidaa sameeya mise waxani waa ka dhab dadkan oo waxa ka maqan garashadii oo waxa wada cid nacayb

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *