Marqaan News Agency » DAAWO VIDEO:Xog Rasmi cali Khaliif qaabkii buuhoodle Uu Ku tagey Soodhaweyn la Sheegay Ma Runbaa?

DAAWO VIDEO:Xog Rasmi cali Khaliif qaabkii buuhoodle Uu Ku tagey Soodhaweyn la Sheegay Ma Runbaa?

Madaxweynahii hore Ee Khaatumo cali khaliif Ayaa Tagey magaalada Buuhoodle Galinkii danbe Ee shalay tan Iyo markii Uu heshiiska La Galay maamulka Soomaliland,Isagoona Baraha Bulshada Lagu faaiyey Muqaalo Soodhaweyn Hore Oo Buuhoodle Ka Dhacday.

Cali Khaliif Oo magaalada Buuhoodle Ay galiyeen Babaur qaadka qaada Ayaa Muran Dhex maray Ciidamada  Jooga kantarolKa Magaalada buuhoodle Waxana Uu kadib u sheegay Inuusan wax Siyaasad Ah u socon isla Markaasina Looga Bahan yahay Inaan la Celin.

Halkani Riix Video Muqaalka

Waxa Uu cali khaliif  la sheegay Inuu magaalada Sidaasi ku tagey  Isaga iyo laba babaur oo uu watey  waxayna Dadka Badani  muqaalo horay  Buuhoodle Intuu tageerada Kulaha Ka Dhacay usoo qateen Inay Dhahaan Soodhaweyn Buuhoodle Ee cali khaliif.

faysal cali maas Afhayeenka Gobolada Ee Qubajoogta Waxa Uu ka Hadlay  Siyaasada Madaxweynahii hore Ee Khaatumo Pro.cali khaliif waxana uu ku eedeyey Inuu ka Hurinayo Buuhoodle Si dadka Loo kala Qeybiyo.

waxana Uu faysal cali maas Sheegay In Siyaasinta Iyo Qurbojoogta Dhulbahante ee deegaanka looga Bahan yahay Inay iska Ilaaliyaan raga Masiirkooda Dubanaya.

 . . .

Nagala Soo Xiriir

Marqaannews@gmail.com

   . .

54 Responses to DAAWO VIDEO:Xog Rasmi cali Khaliif qaabkii buuhoodle Uu Ku tagey Soodhaweyn la Sheegay Ma Runbaa?

  1. Cismaan Cawad says:

    Sida ay taariikhdu inoo iftiimineyso beesha Dhulbahante halkii ay xilligii isticmaarka oollayd ayay weli taallaa oo waxba is kama beddelin runtii. Beesha waxaa iskugu darsamay:

    1) xin hoosaad saldadda beesha salka ku haya ee in qarni ka badan soo jiitamayay, kaas oo ay weli ku loollamayaan oo xal na u heli waayeen.

    2) aanooyin hore ee reeraha beesha ku kala dhex maray waagii halgankii daraawiishta iyo la dagallaankii gumeystaha Ingiriis oo ay beeshu labo u kala jabtay.

    3) beesha reero ka mid ah oo abidkood ba Isaaqa u addoonsan oo ay beesha Isaaq danaheeda ku fushato oo waana Jaamac Siyaad, Bahararsame iyo Barkad.

    Cali Khaliif ficilkiisu waxaa uu muraayad u yahay ficilkii uu Garaadkii reerkooda Daraawiishta ka geystay 100 sano ka hore ee sababtay in uu Sayidku qoorta u dheereeyo. La yaab ma leh runtii. Beeshu wax walba waxaa ooga sii xun in ay tolweynahooda Daarood ee ku hareereysan qaddaceen oo iska mooseen. Talo walaal diid na tagoogta ayuu ka jabaa. Waa masiibo aad looga xumaado xaqiiqdii.

  2. Cismaan Cawad says:

    Waxaa aan shaki ku jirin in uu caalamku dhaahday oo is kana soo taagay mashruuca beenta ku dhisnaa ee ay wateen odayada qawleysatada ah ee maamulka ay Somaliland oola baxeen caalamka ku badowsan jiray. Waxaa la fahmay in beesha Isaaq xataa aanay wada aaminsanayn oo aanay wax manfac ah ku haysanin maamulkan magaceeda adduunyada lagu maalan jiray. Sida caadiga ah, fallaago kasta ee madax adkaada waxaa jira siyaabo habeysan ee ay dawladaha iyo hayadaha caalamigu adeegsadaan oo miyirka loogu toosiyo iyada oo aanu dhiig daadanin. Qawleysatadan kooban ee magaca Somaliland qaska ku wadda qorshaha loo degay waa mid sahlan oo salka ku haya in ay beesha caalamku Dawaladda Federaalka Soomaaliya dhidibbada u aasto oo deeto kuwani qun yar tuubbada deeqaha caalamka laga goosto oo sidaas khadka looga saaro. Dhawaan ayayna dhacaysaa iyaga oo aan xabbad qudha xataa ridi karin.

  3. ebyan. says:

    Dhulbahantow Cali khaliif idinkoo nool aguu idin duugaye inkaar qabaha toogta oo jar jara.

  4. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Ninbaa iga sheekeeyay, siduu Suldaan Olol Diinle mansabkaa ku helay. Wuxuu yiri 2ba beelood oo walaala oo Makkana ayaa dagaal dhexdooda ka dhammaan-waayay, markaasay waxay isla garteen inay doortaan Suldaan aan ayyaga u dhalan, waxay doorteen Suldaan Olol Dinle oo la deggana oo ahaa beesha GAREEN-Ajuuraan,sidaysay 2di beelood ku kala badbaadeen. HADDA waxaan u jeeda, Dhulbahante isma xukumi-kare waa inay helaan xal casriya.
    @Ma jirto meel uu Cali Khaliif ku ogolaaday kala go’a Somalia. Dadkaan ka soo horjeeda wada hadallada, waa maxay xalka kale ay hayyaan? ma dagaalbaa?. Dhaqanka Somalia, wuxuu ahaa hadday 2ba beelood wax kala gaaraan, marka hore wey kala garbixijireen, taa hadday socon weyso markaa ayyuu dagaalku furnaa. Markaan waxaa ii muuqda inuu shirkaan Xamar uga socda beesha Dhulbahante uu yahay mid fidno horseeda & inay 2bada beelood WARMO isu haystaan. WBT.

  5. ebyan. says:

    Faroole ayaa reerkaa halkaas gaarsiiyey dhulbahante torkiis ayuu ku jirey oo dugsanayey ee nac nacdii faroole ayey kaga tageen puntland. Walaalahayga dhulbahantow guuleysta oo innaad wax ciishid mooyee laguma ciilo.

  6. ebyan. says:

    Cali khaliif afkiisaa laga hayaa Somalilander baan ahay maxaa kale ee haray waa waxba.

  7. Cismaan Cawad says:

    @ebyan,

    Walaal ma nala wadaagi kartaa caddeymaha aad u hayso in uu Faroole beesha Dhulbahante ka dhex saaray tolkooda ay dugsanayeen? Bal naga jaahil bixi ina-adeer waayo sida la ogsoon yahay Cali Khaliif waxaa ay fidnadiisu billaabatay waagii ay Cabdullaahi Yuusuf is ku la jireen dawladdii ku meel gaadhka ahayd oo in badan Faroole ka horreysay.

  8. Cismaan Cawad says:

    @Ahmed Somali,

    Marka aad leedahay dadka “wada hadalka” Cali Khaliif iyo xulufadiisa maamulka Hargeysa ka soo hor jeeda ma xal kale ayay hayaan, ma noo sheegi kartaa:

    -> ayo ahaan ayay u wada hadlayaan illayn Dhulbahantuhu mashruucan ‘Somaliland’ ka mid ma aha ee?

    -> maxaa se laga wada hadlayaa illayn Isaaqa iyo Dhulbahantuhu waa beelo ka mid ah beelaha Soomaaliya ee? Ma siyaasad baa? Mise waa “Isaaqoow waad naga adagtihiin ee gumaadka iyo gumeysiga nooga naxariista”?

    -> Cali Khaliif yuu matalaa oo odayadaasi na yay matalaan illayn Isaaq iyo Dhulbahante wada hadal kama dhexeeyo ee?

    Waxaa kale oo aad naga qancisaa hadalka aad tidhi shirkan ay beeshu Xamar ku qabanayso fidno ayay horseedeysaa sababta oo ah dadku waxaa ay ogyihiin in ay beeshu raaciyad ka tahay dalkeeda Soomaaliya oo ay xaq buuxa u leedahay in ay masiirkeeda ka tashato oo Xamar na ay ku shirto. Biya dhacaaga bal noo yar faah faahi.

  9. Ali says:

    Cisman cawad

    Ariniba waa arin ee waxay doontaba ha u muuqato iisaaniyada aan lagu darin Idoor, maloo fasiran karaa in xaalad aad cidhhidhi ah iney meeshaa ka socoto oo ciribadhadh aad u weyn oon waxba laga qaban karin waqtigan uu aad ooga socdo, lagactii doolarka ahaydna ay ka idlaatay Marwo Samsam, iminka Landerku wuxuu marayaa 950 kun boqolkii, maalin aad u dhowna maciishada lamaba gown karayo, hadaba hadii miisaaniyada lagu daro aad ayay dadka oodhan u saamaynaysaa arintaa.
    Waatan dhalain yaradii ooo shaqo la’aan aad u baahsani ku dhacday ay u wada baxsanayaan boosaaso iyo geyiga kale ee Soomaliya, xagii Wajaale ee barigii hore loo carari jirayna waa lasoo xidhay.
    Waxaa kale aan maalin dhoweyd su’aalay nin aanu saaxiib nahay oo reer ahargeysa ah oo aan ku idhi waar dadkii reer Isxaaq sow kuwan masaajjida ka buuxa oo soo wada islaamay, sow arin aad u wacan ma aha, ninkii wuxuu iigu jawaabay masaajida aad isleedahay way camiran tahay waa dadkii shaqa-waagu ku dhacay oo meel kale oo la fadhiisto waa la waayay, meheraduhuna hadaadan wax ka iibsanayn kuu ogolaan mayaan inaad fadhiisato ama dad kula kulanto, dadkan diin jacayl kama wada ahee waxaa ka buuxa naf la caari hadii xitaa kilaab loo furo isku wada guraya.
    Waar ninkaasi waa indheer garad, ninkan Beyle-na wuxuu la socdaa arimaha meeshan ka socda, oo la xidhiidha aafada dhaqaalo xumo aanayn ahayn in lagu degdego.

  10. Ali says:

    Waana xaalad baiiaadamnimo aad u adag, maalin dhowna waad arki inuu wax weyn ogaa iyo inkale.
    dameeraha Soomal-laandarka isku sheegaana ha iska qayliyaan, amam dameeraciyaan. hiiiiiiiiiiiiiiihaaaaaaaaaaaaa.
    War jiraaba cakaaruu iman.!

  11. Ali says:

    750 kun ayay tidhi marwo Samsam waan ku hayn doolarka kaydkii doolarkuna wuu martay waayo 980 kun saacado kahor waa farqi aad u wayn.
    Adeerana wuu yimid bal ayni isla aragno saacadaha soo socda, malaha Jijjigaa loo qaxi.kkkkkk

  12. sOmalilander says:

    Profaysar Cali khaliif galaydh buuhodle ayuu joogaa , 600 oo ciidan oo bahaararsame ah bay jamhuuriyadu u samaysay, dee yaa u iman karayaa ?!

    Viva Profaysar Cali khaliif galaydh
    Viiva Khaatumo-Somaliland

    GAH.GAH.GAH

  13. warsan says:

    dadbaa ku waashay siyaasadii oo qafiif ku dhow qabiil u ololee kaga dhegtay sida cismaan dhulka mitirad ku leedahee aaqiro xasuuso

  14. warsan says:

    somalilander

    dagaal inaga daa wiilbaa ku dhintee mid kuma dhasho xal aynu raadino reerkani waa dhiban yihiine wax u kacana waaye dhibkaa waxa leh tafaraaraqa

  15. Ali says:

    warsaneey adigu ma intee mitir baad kaga aasmaysaa, maanay kuu muuqan sidaad noo waashay?

    anaguna runtii uun baan ka hadlnay. Qofkan Somalanderna waad ka warwareegaysaa, waana wax lagugu amaano waayo waa nin waalan oo wuxuu ku andacoonayaa waxaa iga soo xidhmay websaytyadii, bal adba.

  16. mingistume soo dag says:

    TOLKA MAANTA JIRA NIN QUMMAN QABAN-QAABADIIS IYO NIN QALOOCAN QABANQAABADIIS
    HA KU KARAAMA SEEGIN CALI KHALIIF HORAA HABAAR LA IGU KARI WAA. @
    ————————————————————————————-
    1)Nin Dharbaaxo Quudheed Dugsaday Dhaqayada Maalye Dhashaaday Sugtaa. @

    2)Cajalkii Lagaa Duubay maanta Baa Caawo lahayaaye caliyow. @

    3)Afartaa Niinkii Garan Lahaa Waa Horuu Ogo,ay Dheh. @

    4)Hadaan Toklaa Kula Socon Maxaa Kaligaa Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe Ku Hoose Geeyey ninyahow wareersan. @

    5)Waa Taad Ayaan Kaliya Waatii xaduudka somaliland Ood Loo Rogi jiray
    ———————————————————————————-
    MEESHII UU DAN MOODAY AFKA MA U SAARTA CALI KHALIF HARGEYSA.@

  17. Ali says:

    waad isgaratay, raali noqo waaan ku mooday inaad kamid tahay kuwii oran jiray ninkii gaaldaa raacay waar ahaduu gaal Idoor yahay waa walaalkay ee ii daaya.

    diintaadaa qurux leh wixii intaa ka baxsana waxba ma wadaagtaan.

  18. Cismaan Cawad says:

    @Mudane Ali,

    Aad baad ugu mahadsan tahay wajigaas aad inoo muujisay ee ka mid ah labada wajiyood ee dhaqaalaha geyigaasi ka tarjuma. Jaalle Ali (waa halkii Atoore ee), odayadan qawleysata ah ee maamulkan danahooda ku wata waa budhcad siyaasadeed ee dawladdii kacaanka farsamooyin badan oo halis ah kaga soo qalin jabisay ee ay ka mid yihiin shaxda shacabka maskaxda looga qabsado oo maanka lagaga xado oo deeto awoodda tuutaha lagu muquuniyo. Waxaa iyadana ku jirta shaxda diblumaasiyadeed ee adduun weynaha lagu qaldo qaddiyad been abuur ah ee loogu sawiray xoreynta iyo badbaadinta dad dawlad burburtay wax ka tabanaya. Farsamada ay xariifiinta ku noqdaan waxaa ugu weyn ta aftahannimada iyo codkarnimada ee qawleysatadan u sahashay in ay saamiga uu geyiga Woqooyi Galbeed deeqaha Soomaaliya ku leeyahay iyagu gooni u dhacsadaan in kasta oo Irir ahaan loogu qaraabo kiilay.

  19. sOmalilander says:

    Ali Daacuun.

    Maxaad tidhi jigjigaa loo qixi, kkk cid qaxaysaa majirteee waxa qixi waa ninka diidaan ISTIC MAARKA IDOOR , kaas uun baa qixi maxaa yeelay DHULKU MA GUUREE DADKA AYAA GUURA !!

    Waa kuwaas Mogadishu u qaxay garaadadii dhulbahante ee diidanaa mabda’a IDOORKA !!!

    GAH.GAH.GAH

  20. sOmalilander says:

    Warsan ..

    Wllo kuwan waxa la dhahaa DAAROOD , Madaxa uunbaa dhalfo laga la dhacaa , hadaad u naxariisato ood soo dhawayso xataa isagoo Hopeless ah, hadhoow uunbaad arki isaga oo kugusoo taagan , waa nin abeeso koriyoow adaa u aayi.

    MONSTER IN MY HOME !!

  21. Cismaan Cawad says:

    @Mudane Ali,

    Labada waji waxaa ay kala yihiin kan ay dhaqaalaha geyigaasi gacanta ugu dhigeen qawleysatadan aan arxanka lahayn ee isugu jira canshuuraha dan yarta baadda lagaga gurto, laaluushka ay ka gurtaan shirkadaha shisheeye iyo deeqaha caalamka ee ay afka u dhigteen. Wajiga kale ee kan ka duwani waa faqriga iyo dayaca ku habsaday ee curyaamiyay nolosha shacabka Direed ee maamulkaasi uu sandullaha ku haysto. Labadu waa kaaf iyo kala dheeri oo dhibaatada iyo darxumada ka dhalay aniga ayaa shahidtu soo idhi oo aanay cidi iiga sheekeyn doonin. Beyle hadalkiisu waxaa uu ahaa timiri laf baa ku jirta – ha rumeysanin.

  22. Ali says:

    Waa aaraa muhiim ah, sidaana waa loo dhigi karaa. Mararka qaarkood waxaanba is iraahdaa dadka halkaa joogaa dhib weyn bayba ku qabaan waxan lagu muquuniyay ee dawlad iyo go’itaanka, taasna adaaba ka markhaati kacay, waanba ka naxaa foolxumda ka muuqanaysa dadka caaadiga ah ee lagu danaysanayo oo runtii ah dadka dabaqadaha loo sameeyey ee layidhaa dabaqada hoose, oo aanba waxba loo ogayn kuna dhibaataysan ardigeenii iyagoo laga gaday ama laga dhaadhiciyay wax ay ku maghacaabeen faqash dadqalato/dooxato ah oo soo socota.

    Waxaan kale oo maqlay arintii lacagta cusub lagu soo daabici lahaa waxay u xayiran tahay isfahan guud si mar kaliya loo wada hirgeliyo.

    dadkeena waxaa wanaag u ah inaanay dhegaysan qawlaysatada ku shirta hudheeelada Dubai ee si dhaba aan runta isugu sheegno.

  23. sOmalilander says:

    Somaliland kuwan uma jixin jixdo, qoriga AK47 ka dabadiisa uunbay ku garaacdaa , waanigaa maantaa dhulkii harti waqooyi ku jaalaabutaynayaa oo ku mirwamayaa, abaalkooda ayaa ah in dhalfo Double Head Kick ah lala dhaco , kkkkkkkkk

    Viva ISAAQAA !!

  24. sOmalilander says:

    Isticmaarka IDOOR xoog weeynaa , waabaa taas oo abid ah, iga walaan laydinkasoo kacayn oon laydinkasoo jiidayn Dhalfada IDOOR kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  25. Ali says:

    Waar bal ninkaa eega.

    Inaantiina……! waar aaadan xishoonay maxaad inanta kula hadashay? xishoodka Alla kaa qaad, hablaha hadaadan qiimo u hayn angaoo Soomaaliweyn ah ayaa kaaga sokayna oo aadab iyo maamuus meel walba ubax ula taagan.

    Ninyohow koley sharaf malihide wax ilka aha ma kugu hadhsan yihiin?

    Wax waalan baan la hadlaynaa, waa isdaba qabo, sharaf kumaad hadline, maalin walba ma xusuusin baan kugu wadaynaa, intaana waxaad ku haysaa iga raali noqo waan khaldamaye, khaladkaagu miyaanu dhamaan, mise maxaa lagaaga jiraa?

    Warsaneey!

    Inaabti anaa kaa xaal siiyay ninkaa iska qaadiriyaysan.

    88888—- Raali gelin boqorad Warsan Soomaliyeed.–**** sharaf iyo maamuus, Alloow adaa Soomaali naga dhigay.

  26. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Adeer, dadka diidan wada hadalka waxay rabaan inuu DHIIGU daato. *WAXAA loo wada hadla Isaaq & Dhulbahante. **Waxaa laga wada hadla cidkastaba degaankeedi haku ekaato. Adeer adoo waxaagi wada hadal ku helikara maxaa dagaal kugu wata?. Adeer haddaad Cali Khaliif ka soo horjeedo Xur baad u tahay, anna taageeraan u ahay. WBT

  27. Ali says:

    Akhas caleek mar waa kudaafad waxaanu maanta oodhan la hadlayno. suuli sidiisii ayuu usoo urayaa. afxumaa ma suulibaa.

  28. warsan says:

    somalilander

    walal waa run dadkani magac bay ku shaqaystaane waxba isuma taraan waa ficil bilaa camala dhulbahante waxan ugu turaa waxbaa naga dhaxeeya oo waa ka naxaa
    waxa waalay dad wata danahooda ku kuuraya waxan maqlay bari dhawaa reerkan waxa haya nabsi ayka galeen dadkii ay ood wadaaga ahaayeen oo isoo raaceen siyaad iyo intii ka agdhaa markaa nabsigu ma soo dhaxo

  29. sOmalilander says:

    Warsan Qaali..

    Waa sidaas inder , si fiican baad ulasocotsa, markaa miyanay ahayn in karbaashkaasi kusii socdo intay ka islamayaan kkkkkkkk , Meeshaa rag rag dhalay oo ISAAQ ah baa marayaa inder qaaliyeey, dumarkeeninaa SCREEN TV uunbay ka daawanayaan cabaadkoodaa !!

    Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  30. warsan says:

    somalinder maye dadkii hanad iyo barwaaqo waa hayaa adiyo axmede

    cali haygi dirin somalilnder imuu maagine meeshu xaraabo maaha dagaal

  31. sOmalilander says:

    Dhulbahante kolba marku nafta u yaabo oo is iraahdo walahay Isaaqii waa kanoo buuhodle ayay qabsnayaan baa kii kaaasoo horjeeday isagoonoradayaa kusoo galayaagalayaa markii hore , suleyman xaglatoosiye ayaa markuu is yidhi buuhodle ayay cagta marin doonana , orodkii inoosoo galay, hadeernaa Madaxweynahii dhamaa ee khaatuma dhex yar baa iska yimid, kkkkk waxaasi waa awoodaa ilaahay ISAAQAA siiyay kkkkkkkkkkkkkkkkkk alxamdulilaah ilaahoow nagajeedi ishoodaa AMEEN !!!

    GOD BLESS SOMALILAND 🔝

  32. ebyan. says:

    Haa ina adeer Cali iyo C/laahi dagaalkoodu si kastaba ha ahaadee wuxuu ahaa mid iyaga u gaar ah. Cabdulahina dhulbahante madaxa ayuu u saarnaa. Waxaan xasuustaa c/lahi isagoo madaxweynihii soomaaliya ah intuu tv soo fariistay inuu u jawaabay soomaalilaand taasi waa taas. Cawadow waxaan wada ogsoonahay sidii ay ku dhacday in laascaano somaliland gacanteeda u gashay waxkastoo dhacayba tolka dhamaantiis diyaar ayuu u ahaa in lasoo celiyo laascaano. Wax yar kadib waxaa xilkii la wareegay faroole, faroole wuxuu rikaateeyey qorshihii tolweyne u tagsanaa kadib wax garadkii dhulbahante iyo tolweynihii markay arkeen inaan khayr kasoo socon faroole ayey tolweynihii isku afgarteen in maamulka faroole iyo puntlandba laga kaaftoomo oo laascaano lasoo celiyo, ilaa cabudwaaq ayaa laga soo diyaargaroobay faroole dibad iyo gudahaba isbaaro ayuu u dhigtay si cad oo bareer ah ayuu u diiday, halkaas ayey cadhada iyo kalayaaca dhulbahante ka bilaabatay. reerkaas waxaan qabaa faroole inaan looga horeyn. waxaa kale oo jira dhulbahante iney nafsi iyo cuqubo ka galeen ninka layiraahdo Xaglotoosiye xiligii ladooranayey madaxweynayaashii SSC waayo ninkaasi wuxuu ahaa ninka kaliya ee aan isleeyahay waxbuu qaban lahaa. Aad iyo aad ayuuna uugu saxsanaa inuu iskaga dhaqaajiyo kkkk inkastoo aan ka jeclaanlahaa inuu puntland aado.

  33. ebyan. says:

    waxay ku socotaa Cisman Cawad

  34. Cismaan Cawad says:

    @Ahmed Somali,

    Adeer cidda aad doonto taageer laakiin ahaw qof damiir, dhiig iyo dheecaan leh. Afkaaga ayaad ka tidhi wada hadalku waa “cid kasta deegaankeeda ha ku ekaato”. Adeer cid aan laqdabo wadin baa kaa aqbasha deegaamadeena aynu ku kala ekaano, laakiin daalim arxan daran ee beel magaceed kugu soo hujuumaya inta uu maamul been been ah sameysto la hadalkiisu waa kugu dullinimo waayo isagu danooyin ciiddaada ku duugan baa u cad oo geed dheer iyo mid gaaban ba u fuulayaa. Haddii aanad iska dhicin karin waxaa lagu biiraa qabiilka guud ee aad ka dhalatay ee kuu heli kara cuduud daalimkaas tiisa la siman ee aad dhulkaaga kaga kacsato. Cali Khaliif na tuugadaas uu Hargeysa ugu biiray ayuun buu ka mid ahaa waagii ay dawladdii kacaanku jirtay.

  35. sOmalilander says:

    Waar tuuladan yare buuhodle waa riwaayad socota , hadeeer markay arkeen inuu Profaysar kii Somaliland isku dhiibay bay hadana garaadadii dhamas ee reerku isku halaynaayeen MOGADISHU, hadana kuwii isla MOGADISHU kasoo weeylinaayay baa laba usii kala jabay , kkkk HAWIYAHII BAA YAABAAN kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  36. warsan says:

    waar somali caqli xun aduunka qaati ka joogaa qaxarkoodii iyo dhibkooba maxay ku doodayaan hada ninka jooga koofur gunteed iyo waqooyi guntii baa isku hayb ku wada noolan kara waar dadki xaguu ka qabtay caqligii mise waa bilaaba

    nin jarmalaa degan holand ama bilginaa degan holand ma oran karo waxan u dhashay jarmal waar somali inkaar la yiraahdo cabiil baa waalay

  37. sOmalilander says:

    Warsan Ninka La baxay Udhig gabadhama magaca Nedalyow, waakii wasakha ahaa ee DHALFO LIWE , udhig magaca gabdha sharafta leh , BLOOD CLOTS !

  38. sOmalilander says:

    Liqe..aka Keys..

    Sifiican baan kuu daawanayaa anuu , laakiin gabadha uun magaca u dhaaf !

  39. Cismaan Cawad says:

    @ebyan,

    Waa yahay walaal aad baan kaaga mahadinayaa jawaabtaas waafiga ah ee aad i siisay. Waxaa se iyana meesha ku mudan xaqiiqada dadka badankooda ka daahsoon ee ah in ay beesha caalamku madaxda dawladda Puntland iyo kuwa maamulka Hargeysa culays weyn ka saaraan in aanu dagaal ka dhex qarxin beelaha geyiyadaas ku wada nool. Sababtu waxaa weeye in haddii ay xeero iyo fandhaal kala dhacaan oo gorodda la is daro uu dagaalku judha ba isu beddeli doono dagaal weyn ee Soomaaliya, Kililka Shanaad iyo Jabuuti mar qudha isla wada qarxiya maadaama maamulka Hargeysa daandaansigiisa ay khaati ka taagan yihiin Puntland, Kililka Shanaad iyo Jabuuti. Waana la odhan karaa Faroole laftiisu marwadiisa dhankeeda ayuu culays xooggani kaga imanayay maadaama ay Siilaanyo iyo xaaskiisa qaraabo soke ahaayeen.

  40. warsan says:

    somalinder

    walal miyey ii hoos galiyeen how bixin

  41. sOmalilander says:

    Durba wiigii aan halkan ku jiray waxaan kaa qarxiyay laba magac, KEYSE & WARSAN, kkkk nin loo dhuuman karo ma ihi sxb ! BE CAREFUL !!

  42. sOmalilander says:

    Ama Warsan La Bax, Ama Weris La Nax, Ama Ayaan La Bax , Ama Imaan La Bax, waleee dhalfo IDOOT baan lagaa siibiin !!

    GAH.GAH.GAH

  43. sOmalilander says:

    Ama Warsan La Bax, Ama Weris La Nax, Ama Ayaan La Bax , Ama Imaan La Bax, waleee dhalfo IDOOR baan lagaa siibiin !!

    GAH.GAH.GAH

  44. sOmalilander says:

    Sorry double digit ka , way igaso fakatee

  45. sOmalilander says:

    Booweyaal Daaroodow, maxaa samayn kadhaan , kkkkk bal meel walba ka qaaq leeya , facebook, websites, Snapchats, Tweeters, walahay inaanaan idinkasoo kacayn, kkkkkkkk , idoor uun baa idin leh, daarodka waqooyi baan la hadalayaa !!

  46. sOmalilander says:

    Waar kaalayaa iska baroorta waan idinka qaleeyee fulay yahay fulay du dhashay !!

    Iska nafisa meeshu maaha Live ee waa Behind the Pc kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  47. ebyan. says:

    @Cawad
    Haa Ilaahay ha u naxariistee way ku saxsaneyd iyadu laakiin isagu haduu damco uuma joojiyeene malaha wax kalaa xagiisa jirey. mida kale beesha caalamka hada haa laakiin xiligii hore waxba kama aysan hadleyn, si kastaba ha ahaatee ilaahow dulbahante sharaftiisii u soo celi iyagana kala badbaadi aamiin

  48. Kayse says:

    Maamulka argagixisada idoor inay been iaku qanciyaan iskuna maaweeliyaan waa mid caadiyan dhaqan u ah,rag iyo dumar uma kala haraan khiyaali hadalka iyo arqaan ku faanka,waxaad arkaysaa midka la yiraahdo Sabiilander oo qorayo (GUMAYSTAHA IDOOR XOOGWAYNE)KKKKK wallaahi waa ka caqli,waana ka daacad wayna kawada siman yihiin fikirka noocaas ah inay gumastaan gobollada SSC kuwa dhex joogana lahaystayaal dulman yihiin.shaxda idoor ay u degeen dadka degaannadan ka soo jeeda ayaa ah qaybin iyo iska horkeen, network system saddex geesood ah oo ka dhexeeya AlsHBAAB ,IDOOR IYO ETHIOPIA ayaa jira kaasoo loogu tala galay in lagu mashquuliyo gobollada koonfurta, sida warbixin hordhac ah tibaaxayso ciidamada Alshabaab waxa laga hagaa hargaysa, 4ta wasiir ee Alshabaab ee ku jira maamulka qabiiliga ah ee iddor ayaana shaashadda gadaale ka fuliya dagaallada iyo qaraxyada ka dhaca gobollada koonfuta,taas ayaana sabab looga dhigayaa inaysan Alshabaab ka hawl gelin gobollada idoorku degaan.,caadiyan ma qarsan karaan high secrets arrintaa,waxaa hubaal ah in jiritaanka maamulka idoor uu ku xiran yahay joogitaanka ALshabaab, xasuusnoow qormooyinkayga kaydi eraygaa , Alshabaab burburkooda oo soo dhaw ayaa horseedi doono kala dhuumashada Argagixisada idoor, it’s true what I’m saying brother believe or not.

  49. Ahmed says:

    Keyse

    Waxaa anigu aad ula yaabi jiray si qof isagiiba madhan oo maskax uu ku fikiraa aanay ku jirin dad kale u dhaliili karo. Laakiinse wax walba waa laga koraaye iyadadiina ka warkeenay.

    Tusaasle wanaagsan dadkaas adiga ayaa ka kow ah. Ilaa iyo quruumihii waxa aad soo qoreysay bal dib ma u jaleecdaa. Waxaagu waa isku wada mid. Copy and paste. Copy and paste. Mar keli ah ayaad meelahaas kale wax lagu soo qoray soo xigataa dabadeedna halkan la timaadaa.

    Ilaa iyo imisa cisho ayaad Alshabaab uun aad saarneyd. Copy and Paste uun ku jirtay. kkkkk Illaa iyo xitaa kuwii adiga kula safnaa ayaa kula jaan qaadi waayay oo kuusoo jawaabi waayay.

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  50. Somalilander: Saaxiib waar xishood meesha Dumar ayaa nala jooga oo sida isku dhaan ninyahow hadalada Qaarkood kama Qabato in aad Qof/weyn ku tiraahdo sidaas waa laga fiican
    yahay OGOOW.
    —————————————————————————————
    WAYS TO STOP SWEARING @ TO: SOMALILANDER:?
    —————————————————————————————
    You May Know that You Need to Filter Yourself? swearing is a bit of habit, it is not Too hard to stop. Boss. thanks.
    —————————————————————————————
    HAVE AN ACCOUNTABILITY BUDDY”.
    ————————————————-

  51. Ahmed says:

    JUST IN GENERAL

    Dood iyo dhamaanteed aan dhowr siyaalood oo kooban u kala qaado dadka Somaliland u dhashay ee laakiinse kasoo horjeeda. Maamulkay doonaan ha aaminsanaadaad, ciday doonaana hala safnaadaan. Khaatumo, Maakhir, Puntland, Somaliweyn amaba qaar waxay doonayaan ama diidayaan aanan la garaneyn iyo qaar intaas u kala dhex taltalaaba oonan sal ay meel uun ku fadhiistaan laheyn. Gidigood iyaga oo wada duuduuban aan sadex u kala qaado.

    1. Rag mucangag ah laakiinse geesiyiin ah oo iyagu waxa ay rabaan barta ka cadeeya. Si aliyaale iyo siday doonaanba ha ku keenee. Weli bartoodii ayay taagan yihiin. Sax iyo khalad kay doonaanba ha ku taagnaadaane waxa hubaal ah inaanad ragaas aydaan isku safaadeyn. Ama ka baqo ama ha ka baqan nimankaas, meesha ay kaa xigaan waad taqaanaa. Hadaad abaareyso iyo hadaad ka warwareegeyso iyagu meel loogu soo hagaago ayay leeyihiin. Tusaase feecan waxa u Ah ninka la yidhaahdo INDHO SHEEL.

    2. Rag geesiyaal ah, maskax furan, aqoon leh, siyaasada garanaya, oo iyagu xeelad ama xoog key wax ku keeni karaanba isku daya. Laakiinse mowqifkoodu uu yahay hadaanan waxa aan rabo aanan helin reerka gubi maayo. Dadkooduna inay meel gaadhaan raba oo lexejeclo ka qaba. Ragaas waxa ugu magacyo cad cad Xaglo Toosiye iyo Cali khaliif. Xaglo toosiye isagu wuu dagaalamay oo dhiida ayuu soo taabtay. Xeelad iyo xinninba waa isticmaalay. Markii danbena si ragonimo ku jirto ayuu heshiishka qaatay. Nasiib darose reerkii ayaa ka hadhay oo wuxuu u soo kordhin lahaaba iyagii ayaa sugi waayay. Calina geed dheer iyo mid gaaban wuu u fuulay sidii uu maamul meel mara Khaatumo uga dhigi lahaa. Muqdisho xitaa waxa uu soo joogay 8 bilood oo isaga oo fadho maran oo haawinaya ayuu kasoo noqday. Waxa ay ka fursan weyday inuu Somaliland la hadlo oo uu heshiish wanaagsan la galo. Runta hadii la sheego Cali Khaliif meel wanaagsan ayuu reerka gaadhsiiyay. In xitaa Dastuurka la furo oo uu ku hubsado sharciyo iyo qeynuuno lagu kala baxo ayuu Dawlada Somaliland ka keenay. Xaglo toosiye fursadaas lama siininse. Hadal iyo dhamaantiis ragani waa geesiyaal, laakiinse maskaxda ayay ka shaqeysiiyeen.

    3. In kolba dhan u carcararta oo marna Somaliland u taga, marna Puntland. Damiir laawayaal af dhaadheer oonan sinaba looga nabad galeyn. Maalintay kula joogaana dab ayay dhankaas aad kasoo horjeedo kula jiraan oo ka hurinayaan. Maalinta ay kaa maqan yihiin isla reerkii ayay dab ka dhex hurinayaan ay adiga kaaga soo horjeedinayaan. Kuwaasi dab ayay hadh iyo habeen la wareegayaan. Waxaa ka mid ah raga uu ugu waayeel san yahay uguna cad cad yahay Xaabsade. Ragani hunguri iyo xageen wax ka keenaa ayaa heysa. Mowqif malaha. Ugu yaraan iyagu calooshood la ciyaar weeyi oo si wanaagsan ayaad u taaqaanaa oo maalintay aad damacdo ee dani kaa gasho dantaada waad ku fushan kartaa. Waa ku shubo uun. Marna dheef sii marna dhafoorada ka garaac oo ha u nin. kkkk

    4. Intaas waxa sii dheer niman Aqoonyahano ah. Inay dadka ka caqli badan yihiin isu heysta. Niman aqoontaas iyo waayo aragnimadaasi oo dhan aanan waxba ku goyn kareyn. Talodooduna had iyo goor gees ka jandheedho oo aanay dheeli tirnayn. Nimankaasi waxa ugu cad cad kuwa isku magaaba G11 and G10. Meeqaamadaas ay sheegtaan ayay wax walba ku duufsadaan. Kuwii ugu danbeeyay ee ay duufsadeen waa Garaadadan Muqdisho ay ka xaadiriyeen. Anigu markaan qiyaasay nimankani wax wanaagsan reerka wey u sameyn kari lahaayeene waxa dhanltaalay mabada’a qabiilnimo oo aad ugu weyn. Horta geesiyaal ma ahan, fulaynimo iyo baqdina wey leeyihiin, laakiinse waxa aanan looga garanayn waa dibad wareeg oo nafahooda uma baqayaan. Kolkaas waxa ay jecel yihiin inay qalinka marka hore wax kusoo dhiciyaan. Hadii uu qalinku shaqeyn waayona ay afka gacanta intay geliyaan ay qeylo dhaan dirtaan. Waxa ugu qosolka badani, qeylo dhaankii ugu danbeeyay ee ay dirteen waxa ay u dirteen Beel Weynta Daarood iyo Mr. Farmaajo oo ay is leeyihiin maanta ayay idiin gashay. Waxase aanay ogeyn in aanay taasi wax dhacaya aheyn. Maanta waataasoo qabiil weyn Daarood oo u imanayaa inaanu jirin waan aragnaaye, anigu waxa aan ka dhur sugayaa berito qiilka kale ee ay la iman doonaan marka ay rajadan yar ee ay weli sii gundhinayaan sidii haas gudhan ay waxba uga soo dhici waayaan.

  52. mingistume soo dag says:

    Ma Run baa mise waa Riyo Cali khaliif ku soo Galay Baabuurta Qaadka keentokkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    Ay Ciidankii 600 oo somalilander sheegeyey alle”ninku beeeeeeeeeeeeeeeeeeen badan
    Ogoow cali khaliif buuhoodle isagoo shacab haddii soo Galo maxaa ku jaban. laakiin
    sida hadalka loo Dhugay ma ah nin xoog ku soo galay Awood kuma hayo meesha only kaligii ayuu oo aan Cidna wahelinkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    ————————————————————————————-
    Waxaba SOO KOR DHIN MEYSO HADDII UU JOOGO IYO HADDII KALE.

  53. Dablariday says:

    Cusman Cawad…….Hadaad Warsngheli Tahay …Inaad iska aamustay ahayd waaayo dhibta beeshaas haysta kama yara haddaysan kaba badnayn tan Dhulbahante haysata..Balse Hadaad Tahay Reerka La iigu Kaa Sheegay “Yaahuu iyo Akhruddaa” Yibir yahow Sinjibaariga ahi!!!

  54. Barwaaqo says:

    Ahmed
    So qurux badan baad u sharadday thanks.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *