Tuesday, November 21st, 2017
.

Ciidamada Puntland oo gaaray deegaano lagu sheegay daashic & Howlgalo laga bilaabay..

Published on July 16, 2017 by   ·   2 Comments

Wararka naga soo gaaraya magaalada Qandala ee gobalka Barri ayaa daaha ka rogaya in ay cutubyo katirsan ciidamada Difaaca ee Puntland ay maanta gaareen deegaano ka durugsan magaaladaas, oo ay shalay cabasho ka soo yeeriyeen qaar kamid ah dadka deegaanadaas.

Dadka ayaa ka cabanayey dhac iyo boob ay xoolahooda ku hayaan kooxo Argagixiso ah oo qalanaya ama boobaya, waxayna sheegeen in ay u baahan yihiin taageerada ciidamada dawladda.

Wararka ayaa sheegaya in ay  ciidamadu howlgalo ka wadaan dhulka miyiga ah oo ay la dagaalamayaan kooxahan oo u hubeysan koox-koox yar, isla markaasna marba reer xoolo dhaqato ah ku habsanaya.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in a y ka jawaabeen cabasho ka soo yeertay dadka deegaanadan, ayna saldhigyo ciidan ka sameyn doonaan goobahan lana kulmi doonaan waxgaradka deegaanadaasi.

Sidaas oo kale Saraakiisha Amniga ayaa xaqiijiyey in ay lagama maarmaan tahay in ay dadka deegaanku xogaha iyo siraha kooxahan la wadaagaan laamaha Amniga si looga hortago falal amaan darro oo ay ka sameeyeen deegaanada miyiga ah.

.

Nagala Soo Xiriir

Marqaannews@gmail.com

Readers Comments (2)

  1. sOmalilander says:

    Ciidamada Pintiland maxay laascaanod u iman waayeen waa meeshi laga qaadaay oo laga xoogay 11 sano kahore?! Waliba dastuur kunsheegaa Pintiland waxa uu dhigayaa in Sool iyo Sanaag tahay Pintiland !

    Xiniinyay Doontay !!

    God bless Somaliland !

  2. Abdi yare says:

    Somalilander
    Miyaadan xasuusan in ciidamada puntland iyaga oo ku kufsaday oo agagaarka caynaba kusii marsiinaya in xaabsade dhabar jabin ku sameeyay oo kuwii aan islahaa u dagaalan ay 44 wiul meesha iigaga dileen …marka maanta sidaa in aad u hadasho waa ay kuu gaartay ee thnks dhulmahante dheh wlhi hadii kle burco ayay ka qadayn lahaayeen sooma jeestayaashii






WARARKA MAANTA

DAAWO VIDEO:Wasiir Beyle Oo Shaaciyey Inuu Jiro Khilaaf Isaga Iyo RW Khayre,Lacago la Lun saday Arimo kale.

November 21, 2017
Wasiirka Maaliyadda XFS Md C/raxmaan Ducaale ayaa maanta Baarlamaanka JFS horgeeyay Miisaaniyadda Dowladda ee 2018 ka oo dhawaan ...

DAAWO VIDEO:Deg Deg Komishinka Doorashada Oo ku Dhawaqay Natiijada S/land Xiligay Shaacinayaan.

November 21, 2017
Komsihinka Doorasahadda Soomaaliland Ayaa Shaaciyey Xiligay ku Dhawaaqayaan natiijada Doorasahada Soomaliland oo mudo laga Sugayey Cida Ku guulaysatey,Shir ...

Deg Deg Daawo;- Musharax Ciro Oo Gabi Ahaanba Qaadacay Doorashadii Somaliland Ka Dhacdey

November 20, 2017
Murashaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro ayaa shaaca ka qaaday qaladaad badan oo xisbigiisu ka tirsanayo guddida doorashooyinka somaliland ...

DEG DEG DAAWO:-Mudaharaado Lagaga Soo Horjeedo C/Wali Gaas Iyo DP World Ayaa Kadhacay Magaalada Bosaso

November 20, 2017
HALKAN RIIX OO DAAWO MUDAHARAADKA

DAG DAG: Goorma ayaa lagu dhawaaqayaa Doorashada Somaliland+Wararkii u danbeeyay…

November 20, 2017

SAWIRO; RW Kheyre oo Xafiiskiisa ku qaabilay Sheikh Shariif & Arimo Xasaasi ah oo ay ka wada hadleen

November 20, 2017
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa manta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweyinii hore ...

DEGDEG: Uhuru Kenyatta Oo La Shaaciyey Inuu Ku Guuleystay Madaxtinimadda Dalkaasi & waqtiga la xalaaleynayo oo la iclaamiyay

November 20, 2017
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Kenya, David Maraga ayaa goor dhow ku dhawaaqay inuu Madaxweyne Uhuru Kenyatta ku guuleystay Doorashadii Ku-celiska ...

Wasiir Bayle Oo Golaha Shacabka Horgeynaya Miisaaniyadda Dowladda Ee 2018

November 20, 2017
Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta oo Isniin ah wuxuu xidhibaannada golaha ...

Shabaab oo soo bandhigay askar ay sheegeen inay ka goosteen Jubbaland+(SAWIRRO)

November 20, 2017
Ururka Shabaab ayaa Degmada Jilib ee xarunta Gobolka Jubbada Dhexe waxa ay ku soo bandhigeen saddex askari oo ...

DHAGEYSO; Shacabka Muqdisho oo amarkii ugu cuslaa la dul dhigay & Iney Hantidooda ku lumiyaan..

November 20, 2017
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed  Xuseen Xasan Cusmaan oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa amar kasoo saaray boob ...