Marqaan News Agency » DAAWO VIDEO:Maxakamada Bosaaso Oo 7 Nin Dil Xukun Ku fulisey.

DAAWO VIDEO:Maxakamada Bosaaso Oo 7 Nin Dil Xukun Ku fulisey.

Xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidanka ee shanta gobol Col. Cabdullaahi Xirsi Cilmi ayaa saxaafadda u akhriyey magacyada kooxda dilka lagu fuliyey waxaana uu sheegay in shan kamid ah kuwa la diley ay ahaayeen koox gaari yar ku wadey shan jawaan oo qaraxyo ka buuxaan. Labada kale ayuu sheegay in laga soo qabtey Gaalkacyo dilna lagu xukumey sanadkii 2015.

Mid kamid ah ayaa ku eedeysnaa dilka 23 qof oo Gaalkacyo lagu diley waxaana uu sheegay guddoomiyaha maxkamaddu in uu qiraal ku yahay eedaysanuhu dilalka uu geystey, kan kale oo magiciisa lagu sheegay Cabdixakiin Xasan Xaamud ayaa dil iyo dhaawac ka geystey Hotel Cagaar weyne ee Gaalkacyo, kadibna waa la dhaawacay iyada oo dhigiisi la raacayo ayaa laga soo qabtey gudaha xaafada Wadajir ee Gaalkacyo ee maamulka Galmudug ka taliyo.

Halkani Riix Video Muqaalka

 . . .

Nagala Soo Xiriir

Marqaannews@gmail.com

   . .

2 Responses to DAAWO VIDEO:Maxakamada Bosaaso Oo 7 Nin Dil Xukun Ku fulisey.

  1. Cali says:

    Tusaale fiican:

    Wali la isma gaarin.

    War hilibkooda eeyda haloo tuuro, cagtii joogsan waydaa mar bay ceeb la kulantaa, kuwa soo buufinayaana yay wax la xarin ee hasoo jiscimeen.

  2. Atoore says:

    ASC.
    Diinta Islaamka iyo caqliga saafidaa baa qaba qofkii qof ku dila bilaash iyo gardaro in isagana loo dilo suu wax u dilay oo kale.
    Waayihii uu Nabi Muxamad (scw) uu joogay magaalada madiina baa habeen fiidkii gabar yar laga waayey gurigooda.Markii reerkii gabadu ay waayeen gabadhoodii bay is yiraahdeen war bal ka soo fiiriya meeshay galabta ku cayaareeysey.Meeshii baa tagay.Masee gabadhii oo suuxsan baa meel taal.Gabadha madaxaa laga dilay.gabadhii la soo qaad oo xooga miyirsatay.Gabadhii la arag in madaxa laga jabiyey.Gabadhii sidii hadba nin loo weydiinayey magacyadooda raga magaalada jooga bay markii dambe haah oo waa Hebel ninka I DILAY.NABIGII (scw) baa lo sheegay oo lagu yiri Hebel oo Yahuud ah baa gabadha madaxa ka jabiyey.Suuye Nabigii (scw) soo qabta.Waa la soo ninkii oo la warsaday sababta uu saas u yeelay.Waxuuna yiri war gabadhu waxay XIRAYD KATIINAD AN U MALEEYEY DAHAB.Saas baana an u dhilay.Waxaa la yiri see madaxa u jabisay.Waxuu yiri labo dhagax baan midna barkiyey midna kor uga dhuftay.Suuye Nabigii (scw) war u dila suu gabadha u dilay OO KALE.Sidii baana loo dilay.
    Hadda nimanka lagu laayey boosaaso way istaahilaan oo shaki Kuma jiro in bilaash loo maagay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *