Marqaan News Agency » DAAWO VIDEO DEG DEG:Wada hadalo u Furmaya Shabaab Iyo Dowlada faderalka ,Maraykanka Oo Tageeraya.

DAAWO VIDEO DEG DEG:Wada hadalo u Furmaya Shabaab Iyo Dowlada faderalka ,Maraykanka Oo Tageeraya.

Warar si hoose loo helay ayaa sheegaya in mukhtaar roobow abuu mansuur uu si hoose wadahadla ula jiro dowlad asoomalaiya waxnaa la jeegay in wadahadladaas uu gar wadeen katahay dowlada mareykanka

kadib markii ay codsi kaheshya dowlada soomaaliya

Warbaahinta  ayaa sheegtay dhawaan in dowlada mareykanku ay liiska argagixisada kasaartay mukhtaar rooboow abuu mansuur kaas oo ay dowlada maraykanku ay madixiisa dul dhigtay lacag aan inama yarayn.

Dowlada Soomaaliya Iyo Shabaab Ayaa La Sheegay inay wada Hadalo u Furmayaan  taasi oo  wali la Sheegin halkay ka Dhacayaan.

halkani Riix Video Muqaalka

 . . .

Nagala Soo Xiriir

Marqaannews@gmail.com

   . .

2 Responses to DAAWO VIDEO DEG DEG:Wada hadalo u Furmaya Shabaab Iyo Dowlada faderalka ,Maraykanka Oo Tageeraya.

  1. Atoore says:

    ASC.
    Waa muhiim in la wada hadlo oo la isla gaaro dano badan oo soomaali u wada muhiim ah.Lakiin umalayn mahayo in wax badan lagu heshiinayo.Waayo fakarka iyo hindisaha ay wataan Hogaamiyaasha Shabaab baa ah kuwo sii kala fogeeynaya in waxba lagu heshiiyo.Sababtoo ah Shabaab soomaali oo dhan waxaan ayaga la rayi ahayn waxay u yaqaaniin gaalo madow ay banana tahay in la wada toogto.
    Dad saas aaminsanna waxba lalama qeybsan karo.Saan qabo waxba wayahaan lagu heshiin mahayo.Waxaan qabaa xalka kaliya ee shabaab wax loogu dhimi karo in uu yahay in dagaal loola tago oo la wiiqo awoodooda.Shabaab in laga adkaado ma ahee in ay nabad qaataan ma filahayo.

  2. Ahmed says:

    KU: DHALINTA AMA AKHYAARTA REER SOMALILAND

    MID UUN BAAN IDIIN SHEEGAYAA.

    Waxaan idinka codsanayaa inaydaan ku xiiqin ninka la yidhaahdo Cismaan Cawad. Cismaan waxa uu ahaa Mucaarad weyn oo markiisii horeba kasoo horjeeday Somaliland. Weligiis waxa uu u xaglin jiray Puntland.

    Markii beelaha khaatumo qaar badan oo ka mid ahi ay Somaliland heshiish gaar gaar ah ula galeen ayay xaraaradi ku kacday oo uu u qaadan waaku dhacay.

    Markii Khaatumo Somaliland baan la hadleynaa tidhaahdayna muraaradilaac isaga oo ahaa ayaa mid kasii weyni ku dhacay.

    Kolkii Sanaag Bari Diiwaangelintii la geeyayna wuuba khalkhalay oo wuu isku dhex yaacay.

    Markii reer Puntland ku kaceen ee ay xitaa ilaa iyo nasabiisa caayeena wuxuu noqday nin xeradii yareyd ee uu ku jiray qeyladiisii laga xamili waayay oo dibada la’iskaga soo tuuray. Kolkaas oo keli ah ayuu Dhalinta Somaliland oo aanan caayin, nasabadiisana gaadhin soo dugaashaday. Xitaa Doodii iyo dabkii kululaa ee aynu ku heynay weynu ka daynay. Nafis iyo firaaqo ayaynu siinay. Qaar idinka mid ah ayaa xitaa roog cas u dhigay. In kaloo badanina gacmo furan ayay kusoo dhaweeyeen.

    Waxa lagu maahmaahi jiray ILEYN BAHAL QEYDHIIN MA DAAYO. Ninkan weligiis iyo Allihiis Somaliland iyo wax u dhowtoona muu taageerin. Kuna soo hiran maaayo. Xitaa hadii lagu yidhaahdo JANADII FARDOWSA AYAAD KU GALEYSAA. Haku wareerina ninkan meel baa aad ula weyn oonu kasoo kaban karine.

    Markuu dhowr bilood aamusnaana waxa la doortay Farmaajo oo ah nin Daarood ah. Markaas ayay Qabiileysigii iyo Hiyigii uu markii horeba ku eedaami jiray kusoo laba kacleeyeen. Xumadan maanta heysa ee uu 1% kula waashay waa jawigaas ee haka hoos qaadina. Layaabna yaanu idinku dhicin. Farmaajo ayuu Daaroodnimo ahaan halkaas iyo Muqdisho uga dugsanayaa oo wax ka sokeeya oo uu ku hirtaa wadankii uma yaaliin.

    Dharaaranhaba aniga waxa uu iigu asteysnaa Mr. 1%. Naaneystaas ayaan ku ladhay ama ugu hibeeyayba. Mr. 1%. Waayo fikradiisa inta khaaska u aaminsan ayaa malaha 1% ah. Kolkaas ayuu 99% kii kale ku badashay. kkkkkkk

    Fadlan haku xiiqina, waayo inaga ayaa siinayna fursad uu kusii faataadhugleeyo markaynu fikradiisa su’aalno ooynu dood ka keeno. Walee inaydaan ka helayn jawaab waafi ah. Layaad, fajac iyo amakaag ayaa idin wada dili doona hadaad is tidhaahdaan jawaab waafi ah ka hela. Malaha Ramadaantii ayaydun gabaneyseen ooydaan meeshan soo gelina. Anaa si wanaagsan u su’aalay oo waxba ka soo gocin waayay ninkan. Gana. Walaahi weli meel madhan baan ka joogaa. Anaaba daalac dib iskula raacay. Caadifad iyo waad si kalaysan tahay iyo waxaan jirin loona joogin ayaan kala kulmay.

    Mr. 1% bada hakula dhaco 99% uu walwaalanoyo ee iska ilaawa.

    FADLAN WAA IGA CODSI.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *