Marqaan News Agency » DAAWO VIDEO DEG DEG:Madaxweyne Gaas Oo Sheegay Somaliland Shabaab Dageerto,Eedayn Ujeediyey..

DAAWO VIDEO DEG DEG:Madaxweyne Gaas Oo Sheegay Somaliland Shabaab Dageerto,Eedayn Ujeediyey..

Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo maantay khudbad u jeediyey dadweyne salaada ciida ku tukaday Garoowe ayaa ku eedeeyey maamulka Somaliland inay taageerto Alshabaabka ku sugan  Puntland.

”Waxaan ka xumahay inay jiraan dad dariskeena ah oo aad moodo inay taageerada Al-shabaab waqti ku iibsanayaan,waxaana u sheegayaa cida Al-shabaab dhibaatayn doonto inay iyaga noqon doonto”ayuu yiri madaxweyne Gaas.

Cabdiwali Gaas waxaa uu sheegay in Puntland ay diyaar u tahay inay nabad kula noolaato dariskeeda,waxaana uu intaa raaciyey in Al-shabaab aysan cidna ka naxayn ayna yihiin cadow kusoo duulay Ummada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay inay iska difaacdo cid kasta oo kusoo duusha deegaanadeeda,waxaana uu ka codsaday shacabka Soomaaliyeed iyo dowladaba in meel looga soo wada jeensado.

halkani Riix Video Muqaalka

 . . .

Nagala Soo Xiriir

Marqaannews@gmail.com

   . .

24 Responses to DAAWO VIDEO DEG DEG:Madaxweyne Gaas Oo Sheegay Somaliland Shabaab Dageerto,Eedayn Ujeediyey..

  1. mingistume soo dag says:

    Dirta Waqooyi waxay ku Dhaanteynayaa Dhawac nagu Yaalle puntland ee shabaab nagu dhigtay laakiinse puntland ma ooysee weyse Aarsataa. walee kuwaan hargeysa joogo koob
    Biyaha uma kabaneyn. maanta cududa Ciidan meesha joogo ciyaar waa Galin danbe.

    Here are some facts@
    —————————
    1)80 shabaab Buuraha logu Galay ciidanka Barakeysan puntland 2BERI KA HORE
    WAX LA DILO WAX BAXSADAY AYEY NOQDEEN 80 NIN OO ISAAQ OO BURCO LAGA SOO HUBEYEY
    CAGIHII GO,GO,EEN ILEEN WALIGOOD BUURO KUMA AYSAN DAGAALIN AYAA U BAXSADAY DHINACA
    BURCO OO MARKII HORE KA YIMAADEEN RAGAAS HUBKA IYO SAANADA BURCO AYAA TAAKULEYSA.
    ———————————————————————————-
    AF LIBAAX MARKAAD GASHAAD XUME OGAATAAA CIYAAR WAA GALIN DANBE.

  2. Qawdh9 says:

    Walaalo al shabaab somaliland puntland cidna naf uma hayso ee intaad dad leedahay way taageeraan dadka walaalahaa ah haysku xumaanina afsomali xumo colaadna waa kaa kaxaysaa nabadna wax kaagama tarto. Anagaa reer somaliland ah kuma faraxsanin dhibka puntland al shabaabna waa cadaw qabiilkasta leh. Somaliland haday taageeri lahayd caalamkaa ogaan lahaa. Al shabaabna wax badan ayaa u fududaan lahaa ee dadka ka daa wlo af somali xumada

  3. Cismaan Cawad says:

    WAA BAA XERTA MARQAAN LA ISLA AHAA OO SALAAMAHA CIIDDA LA ISU DIRI JIRAY…

    iminka se macal asaf waxaa muuqata in qumaati la isu nacay. Calaa kuli xaal anigu aan ku horreeyo ee waxaa aan dhammaan akhyaarta aynu webkan wadaagno iyo bahda Marqaan ba idinka iyo ehelladiina idiin rajeynayaa CIID FARXAD LEH EE BARAKEYSAN.

  4. Cismaan Cawad says:

    SALAANTAAS CIIDDA KA DIB…

    In kasta oo uu Madaxweyne Cabdi Weli Gaas xaqa sheegay haddana qaabka uu hadalka u dhigay ayaa ah mid aad looga fiican yahay ee aan waafaqsanayn xikmadda iyo asaaliibta diblumaasiyadeed ee madaxnimada. Waxaa xaqiiqo ah in aanay Dirta Woqooyi, sii ba beesha Isaaq, gebi ahaantood reer Puntland xuma u qabin in ay wanaag iyo ehelnimo laabta oogu hayaan mooyaan ee. Bulshada reer Woqooyi Galbeed iyada ayaa ba nafteeda u yaabban oo maamul baadhil ku dhisani uu cunaha ku dheggan yahay.

    Madaxda maamulka “Somaliland” la magac baxay weeye masiibada weli dalka Soomaaliya ku gadaaman oo waxaa waajibku yahay in madaxda Puntland ay hawraartooda iyo dareenkooda si toos ah ee aan gabbasho lahayn madaxdaas ku beegaan halka ay shacab dhan ee aan waxba ka galabsanin dhiiqada ku wada saydhi lahaayeen. Wanaag baa wanaag dhaliya.

    • Atoore says:

      KU:Cismaan Cawad.
      Marka hore iid Mubaarak.Marka labaad waa saad u sheegtay oo reerka Isaaq oo dhan eed ma wada leh.Markale waa runtaa oo haddii ay eedaymo siyaasadeed jiraan Isaaq oo dhan lama saari karo eedayma aysan masuul ka ahayn.Dr.Gaasna ma uu wada eedayn reerka oo dhan ee ujeedadiisu waa dadka ad sheegtay ee siyaasadda ku lugta leh.Iskadaa Isaaq oo dhane labo walaalo ah oo midu dambiile yahay baan kan kale loo qaban Karin dambiga kan kale.

      Cismaanoow laakiin mid baa aad looga sheekeeyaa oo run loogadhigaa,wayna u egtahay in ay dhihidaasu run tahay.Waana mida ah in ay Al-Shabaab gabaadyo ku leeyahiin meelo ka mida ardiga soomaaliland oo ay dawaladu ogtayahay arintaas.Taas waa la ruimeeyaa.Aniguna waan isleeyahay waxbaa ka Jira tuhunkaas.

  5. ciise ibnu axmed says:

    AARI BOOWE WAA DHIIDHIIYO ,AARI BOOWE WAA JEEXEEDI ,AARI BOOWE WAA JOOGI JIDHEY,AARI BOOWE JILIBKA U LAABA hhhhhh
    waar afartan inan ee yar yar ee warsangeli iska celiya ,,majeeteenku waxay ku maah maahaan AARI BOOWE WEJI DHIIGLE FUTO DHIIGLE AYAA DHAANTA calashaa wejiga yay xabadu kaaga dhicin ee adoo sii cararaya dabada ha kaaga dhaco,,waayo haday adoo dagaalamaya xabadu wejiga kaaga dhacdo waad dhimanaysaa ,laakiin haddii adoo cararaya oo sii ordaya dabada kaaga dhacdo waad dhaawac maysaa uun
    waar nin aan geeri u badheedhin ma guulaysto kaca oo ragga iska celiya ,somalilandna afkiina ka jeediya fulay yahay

  6. Deeq says:

    Ciise ibnu sino hadii aad geesi tahay sheeg 10daqiiqo oo dagaal gashay

    • Atoore says:

      KU:DEEQ.
      Jaalle Deeq waa nooc ka mida dambiyada waaweeyn cayda iyo aflagaadaduba.In aad ummad dhan ku wada sheegtid waxa ad tiri waa kuu gaf iyo dhibaato.Hadda kabacdi ka fiirso waxaad soo tabinaysid.Ilaahay (swt) raali kama aha cay iyo wax la mida in la is yiraahdo.Muslim iyo gaalo midna ma banaana in loo gafo.
      Balse adigoo magic muslim leh maxaa kugu kalifay in ad ku hadashaid erayo uusan afka soo marin Karin qof sheexaa.Qofkii ka mida reerka ad u gaftay oo eed kaa galay isagaa ka masuula waxuu suubiyey ee u raaco isaga.Be careful Lad.

  7. mingistume soo dag says:

    mingistume soo dag says:
    June 25, 2017 at 9:09 pm
    CIID WANAAGSAN DHAMAANTII @ WALAALAHA SHARAFTA IGA MUDAN MEEL KASTA HA JOOGAANE@
    ————————————————————————————
    Hambalyo Hambalyo CIIDEED@
    ———————————
    1)Suldaan@ ahmed Cawada suldaanada/ beesha caalamka ictiraafsan yihiin/geeska afri
    2)Caaqil ahmed nin culus oo sare
    3)caaqil kayse nin culus oo sare@
    4)suldaan Dab La Riday suldaankeyga@
    5)caaqil Abaabina nin culus oo sare @
    6)UGAAS KHADAR NIN CULUS OO SARE @
    7)CAAQIL AARKA HARGEYSA NIN CULUS OO SARE@
    7)CAAQIL ALI MOHAMED NIN CULUS OO SARE @
    8)CAAQIL JAMAAL …………….
    10)MARWOA QAALIGA@ MARWO SARE BARWAAQO @
    8)MARWO GABAR HARTI@ MARWO CULUS @
    ———————————————————————————
    CIID WANAAGSAN DHAMAANTIIN KUL CAAM WAINTUM BIL KHAYR.
    Reply

  8. mingistume soo dag says:

    to: CIID WANAAGSAN DHAMAANTIIN@ AKHYAARTA SHARAFTA BADAN IGA MUDAN@
    —————————————————————————–
    1)Qowdhan@
    2)ciise ibnu axmed@
    3)Deeq@
    kul caam waintum Bilkhayr@ dhamaantiin@

  9. Ahmed says:

    Meesha aad baan uga soo raagaye. Ciid Mubaarak gidigiin. Insha Allaah. Ciidan ciideeda Alle bashbash iyo barwaaqo ha inagu gaadhsiiyo.

  10. Ahmed says:

    Hadaan arinta wax yar oo kooban ka idhaahdo. Somaliland shacabkeeda iyo Dawladeeduba ma taageeraan Alshabaab iyo wax u dhow toona. Alshabaab haday heli lahaayeen wado ay mar qudha uun ka galaan oo ay waxyeeleeyaan Somaliland koob shaah ah uma kabadeen.

    Waxa caqabad xoogan ku haya, sirdoonka Somaliland oo u feegan hadii mid mid dhusdhus lihi nagu soo halaabo in ay markaaba ogaadaan oo ay qabtaan. Xabadii kasoo fakatana shacabka ayaa ciidamada oo is kaashanaya ayaa qabqabta.

    Kolkaas ninkan dawakhsan waxba haka dhageysanina.

  11. ayaan says:

    dakii shaydaanka bisha lagaxiray oo loosoo fasaxay bisinka ilaahow shardooda nadhaafi

  12. Gabar Harti says:

    ASC CIID MUBAARAK DHAMAAN including

    SOMA JEESTAYAASHA REER PUNTLAND

    Anigu waxay ila tahay Cali Khaliff in loo baacsado sidii reerkii abaalkiisa kawaraabin jiray waxay ku dhanto maleh hadii kale sidii foodleeydii buu hadba TV yada soo fariisan oo Puntland ka caay tami illeen waa gabar foodleey ahe. Hadaan asaga iyo inta lamidka ahaan lahaa (RABI NAJINAA) maba hadleen ee waan dhuuman lahaa.

  13. ayaan says:

    bogoradii majeerdeen hadii meesha lagawaayo waxa loo mashxaradaa waa sade mareexaane

  14. Barwaaqo says:

    Sidee looga ciiday Groowe hala waydiiyo Gaas? Widhwidh baa ka dad badnayd.

    • Atoore says:

      KU:Barwaaqo.
      Waligaa waxaad ka hadashaa meel an loo joogin iyo qabil hebel baa qabiil hebel ka badan.Naa soomaali ka tagtay qabiil iyo dhibta adiga wali kugu dambaysa ee ka hadal samaha iyo danaha soomaliweeyn.Maxaa kugu kalifaya in aad markastaba mashquul ku tahay qabiil ka hadal?Bar caruurtaada in ay soomaali mid kaliya tahay.In ay soomaliya oo dhan isu wada furan tahay.In ay soomaali leedahay hal Diin,hal luuqad iyo hal dhaqan.Ha barin caruurta qabiilka ad ku mashquushay.

  15. Khadar says:

    Barwaaqo

    Kkkkkkkkkk ma dad yarayne maxaa reerka u toogan hhh

  16. Khadar says:

    Somali oo dhan marka la isku daro oromo baa ka badan,hadana wax umbaa afar haweena la guursadaa meel ay maraana la garan maayo kkkk
    Waxay dhaleen hhh

  17. Olol says:

    ciid wanaagsan dhamaantiin
    hadaan fikirkayga ka dhiibto mawduucan.ummadda soomaaliyeed iyadaa iska dhigatay cadaw,taas oo ilawsiisay cadawgii dhabta ahaa ee ay wada lahaayeen ha ahaado mid gudaha jooga ama debadaba.waxaana u sabab ah kuwa madaxda sheeganaya.tusaale hadaan u soo qaato hadalka cabdiwali cali gaas. markii uu tahli waayey inuu fuliyo masuuliyadii uu dadka reer puntlaand u qaaday, kagana filaanwaayey cadawga shacabka gumaadaya maalin habeen.halkuu ka qiranlahaa guuldarada uu maamulkiisu kala kulmay wax ka qabashada cadawgaas ayuu rabaa ceebtiisa inuu cid kale kula galgasho.waxaan leeyahay puntland uma baahna cadaw horleh ee loo abuuro.ee waxay u baahantahay inad umada runta u sheegto oo tiraahdo waxba idiin ma qaban karee isdifaaca ama aad iscasishaa.gaasow xaalku yaanu kaa noqon habartii xaabada la kiciwayday ee hadana kordhisatay

  18. Cali says:

    Argagixisada Somaliland

    Aad ayaa warkaa looga dheregsan yahay xitaa wasaarada arimaha dibeda maraykanka iyo CIA ayaa dhowaan soo saaray digniino cadayn leh in Alshaabab ku tababarto kuna hana qaado dhulka SNM ay ka taliso.

    War jiraaba waa la isbaran, nin abeeso qaadoow aduun baa u aayi.

    Ii barakaysta shababka maalin dhowna argagax ayaa idiin imaane.

  19. Cali says:

    Warkaa xataa dawlada ingiriiska ayaa taageertay, oo dhulkaa oodhan ayaa go’doon galaya dhowaan.

  20. Somali says:

    Waay bilaabatay,sheekadii Raqiista ahaayd,hebel ayaa al shaabab taageera iyo heblaayo,kkkkkk

  21. WAAYEEL101 says:

    WAX CUSUB MA AHAN IN LAYSU ISTICMAALO BROGCY, HADII SL AY ISTICMAASHO IYAADOO DOONAYSA IN AY BURBURISO PUNTLAND WAA ARAGTI AY QABTO SOOMAALILAND. AMA HA KU QALDANAATO AMA HAKU SAXSANAATO. WAXAA LAWADA OGYAHAY IN AY SOOMAALI LAND KUSOO DUUSHAY PUNTLAND KANA QABSATAY GOBOLKA SOOL. MARKA WAXAAD OGAA TAAN IN AY SOOMAALI LAND CADAW UTAHAY IN ALAALE IYO INTII ISKU DAYDA IN AY MAAMUL U KHAASA SSC DHISTO KUWAAS OO NOQON KARA PUNTLAND AMA KUWAKALE.MAXAA MARKA LAHABOON PUNTLAND IYO DADKA DEEGAANADA SSC WAXAA WANAAGSAN IN AY SIWADA JIR AH UDIFAACDAAN DEEGAANADOODA. OGAADANA DIFAAC WAX LAGUMA DIFAACEE WEERAR BAA WAX LAGU DIFAACAA!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *