Marqaan News Agency » DEG DEG: Madaxii Amniyaadka Al-Shabaab Ee G/Banaadir Oo La Qabtay

DEG DEG: Madaxii Amniyaadka Al-Shabaab Ee G/Banaadir Oo La Qabtay

Wasaarada Amniga Soomaaliya ayaa xaqiijisay in ciidamada Amniga Soomaaliya howlgal ay ka sameeyeen suuqaweyn ee Bakaaraha  ay Gacanta ku dhigeen Madaxdii Amniyaadka dagaalyahanada Al-Shabaab eeGobolka Banaadir.

Maxamed Abuukar Isloow(Ducaale) Wasiirka amniga soomaaliya ayaa goordhow Warbaahinta u sheegay in C/Waaxid Khaliif Axmed oo ahaa Sarkaalkii Madaxda u ahaa raga Al-Shabaab u qaabilsan dilalka ay ka fuliyaan muqdisho laga qabtay isla Magaalada muqdisho.

Wasiirka Amniga ayaa ahdalkaan ka sheegay kulan looga hadlyayay amniga oo ay yeesheen Xubnaha Golaha wasiiarda dowaldda Federaalka Soomaaliya

Howlgallada Xasilinta Amniga Muqdisho ayaa welli ka socda Muqdisho iyada oo ciidanka Amniga feejignaan dheeri ah la geliayay.

 . . .

Nagala Soo Xiriir

Marqaannews@gmail.com

   . .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *