Wednesday, November 22nd, 2017
.

DAAWO VIDEO: Gudoomiyaha Golaha Gobolada Sool Iyo Sanaag Oo Aan Ka Waraysanay Arimo Badan Oo Horey U Qarsoonaa…

Published on June 19, 2017 by   ·   No Comments

Dhagayso) Gudoomiyaha Golaha Gobolada Sool Iyo Sanaag Oo Aan Ka Waraysanay Arimo Badan Oo Horey U Qarsoonaa

Jun 18, 2017 – jawaab

Waraysi Gaar ah Oo aan La Yeelanay Gudoomiyaha Gobolada Sool iyo Sanaag Axmed Maxamed Cali Qodax(Axmed Raadsato Kuwait)

Waraysigiina Wuxuu U Dhacay Sidan….

1.Daldoon: Maxay Tahay Ujeedooyinka Loo Aasaasay Sool Iyo Sanaag Wax Ma Nooga Sheegi Kartaa.

Ahmed: Waxaanu u aasaasnay Dadka Dhulbahante ee Labadaas Gobol Degani Waxaa Ku Badan Khilaaf iyo Is Eegasho Dhexdooda ah iyo in Badan oo Ka Mid ah aanay u Muuqan Dhibaatada ay Ku Hayso Haysashada Soomaalind oo Ka Faa,iidaysatay Qaybsanaantooda.
Gaar ahaan in Badan oo Ka Mid ah Ragii u Kacay Gobolka Sool oo Noqday Wado Loo Soo Maro Dhulbahante in Qabiilooyin Kale Ku Habsadaan Dhulkoodii, Magaalooyinkoodii, Shacabkoodii Maatadoodii, Siyaasadoodii Aanna odhan oran Karo Maanta Magac Xumada SSC Ku Dhacday Iyo in Reero Kale Guryahoodii Ku Dul Maamulaan Waxaa Saldhig u ah inta Badan Ragga Ssc Gaar ahaan Ragga Reer Sool.
Dib u Raac Taariikhda Ka Soo Bilow Qabsashada Laascaanood Yaa Ku Soo Hogaamiyey Laascaanood Snm? Yaase Masuuliyiin Sar Sare Ka ahaa Puntland oo Hargaysa Ka Qabsatay Magaalada Laascaanood Maxaa Keenay inay Ku Mintidi Waayaan Sidii ay u Soo Celin Lahaayeen.
Eega Isku Dayadii Shacabku Raadiyeen in Lagu Soo Celiyo Gobolkaas Dhamaan Waxaa Afduubay oo Majaro Habaabiyey Rabitaankii Shacabka Dhulbahante inta Badan Rag u Dhashay Gobolka Sool Xataa Ciidamada Soomaalilnd ay Qoroto Gaar ahaan Saraakiisha Waxay Ku Xulataa Reer Laascaanood Ma Ka Soo Jeedaa ( Yaab ).


Ugu Dambayn Yaa Khaatumo Keenay oo Shacabka Dhulbahante u Been Guuray Kana iibshay Mashruuc ay Fejerkiisa ama Curuntiisa iyo Maal Gelintiisaba Lahayd Soomaalilnd ama Ex Jabahdii Snm aan iraahdo Sababtoo ah G1 iyo Ilma Jii Waxay Ka Mid ahaayeen Aasaasayaashii SNM.
Dhismaha Khaatumo Qorshihiisuba Wuxuu ahaa.
A. In Hartiga Colaad La Dhex Dhigo Hadii ay Suurta Geli Waydo in Dhulbahantaha La Dhex Dhigo Runtiina Waxaa Suurta Gashay in Dhulbahante REER Sool Beelo Ka Mid ah Laga Helo Fursadaas *Welina Taagan*
B. In Dhaqaalaha Ku Jira Gacanta Shacabka SSC La Bur Buriyo Gacantana Lagaga Dhigo Dibna aanay Isu Aaminin. *Wayna Dhacday *
C. In Laga Dillo Shacabka Dhulbahante lagana Soo Xidho Albaab Kastoo Soomaali iyo Dhalashoba Loogu Soo Gurman Karo Mustaqbalka isla Markaana Malaayiinta Laga Helayna Ku Dhacdo G1 G2 G6 G0. D.
In La Kala Dilo Shacabka Dhulbahante iyo Madax Dhaqameedkooda Sida Isimada, Cuqaasha iyo Rag Garboodkii Kala Talin Jiray isku Xidhnaanta Beesha Dhexdeeda iyo Iskaashiga Walaalahooda Kale ee Dhulbahante, iyadoo inta Badan Lagu Guulaystay oo Qof Kastoo Yidhaahda Wadadii Jahanabadaan Haynaa ee Aan Ka Joogno Lagu Dhufto Shaabad Cas oo ah Khaatumo DIID Inta Badan Ragaasi Waxay Ka Soo Jeedeen Gobolka Sool Kuwa Hada Isa sii Khayaaneeyey oo Hargaysa u Kala Dheereeyeyna Waa Reer Sool intooda Badan Waxayna La Kala Baxeen Khaatumada Xeraynta oo Hargeysaanu Idinku Soo Xeraynay Xerayn Waxay ahayd Markii Hore Xorayn,
Qolada Ka Habsaantay Kuwaa Hore Waa Raacdo Reeb Waxaana Sidaan Dareemayo Isla In Kooban oo Labada Dhinac ah Balse Shacabka Dhulbahante oo u Badan Dad Aan Meel Dheer Wax Ka Eegin Waxaa Loogu Sheegay inay Yihiin Kooxda Hadhay BADBAADO KHAATUMO Mana Waa Baabi,in Cid Kastoo Isku Day Lagu Saxaayo Wixii Dhulbahante Ka Xumaaday iyo Dhibaatooyinkii KHAYAANO IYO G1 IYO G0 u Geysteen in La Dhayo Boogihii.
2. Waa Maxay Sababta Aad Sida Gaarka ah Gobolada Sool iyo Sanaag U Saaraysaan Culayska? JAWAAB. Guud ahaan Shacabka Labadaan Gobol Waxay u Baahan Yihiin Shaqo Culus Gaar ahaan Gobolka Sool in Marka Hore La Soo Celiyo Kalsoonidii Walaalinimada iyo Dadnimada iyo Darxumada iyo Taariikh Xumada Haysata Dalkoodii iyo Dadkoodii.
Kadibna Looga Gudbo In ay Waxay Wada Leeyihiin Wada Qabasadaan iyagoo isku Mid ah Cidii Wax La Lehna La Garabsanaaya
Daldoon:. Khaatumo Maxaad Hore uga Aaminsanayd Hadase Sideed u aragtaan Heshiiska SOMALILAND IYO KOOXDA KHAATUMO
Ahmed: Wadadaas Cad ee ay Caliyo Cagta u Saareen ee ah Xeraynta in SSC Soomaali Bay Ka Hadhi Waayeen Si Liidata Loo Soo Xereeyo Loona adeegsado Cidii u Nugul Fulintaas. Qaybtii Labaad ee Waraysiga Gudoomiyaha Sool iyo Sanaag.
Daldoon: Kulan Dhawaan Hargaysa Ku Dhexmaray Kooxdii Cali Khaliif Hogaaminaayey iyo Xubno Ka Soo Jeeda Ssc oo Xilal Ka Haya Somaliland aad Buu uga Cadhooday Hogaamiyaha Kooxda Khaatumo
Ahmed: Wixii uu Yeeli Lahaa Nin Sanad Dushiisa Isaaq Lagula Gor Gortamaayey Bay Yeeleen Baan Is Leeyahay Nimankaasi Yidhi Galayr Bixi Shaadhka KHAATUMO annagu Ciyaarta Waa Kula Garanaynaaye Mar Hadaan Hargeysa Wada Joogno aan Wada Gashano Shaadhka Soomaalind oo aanuba isu Arag Mudo Dheer inaanu Gashaynayn Shaadhkaas Wax Weyna Kumaba aanu Helina.
Taasuna ay Ku adkaatay Galayr iyo Kooxdiisa ayaan u arkaa inkastoo uu Ka Gil Gishay inuusan Albaabada Ka Xidhan Hadana Kuwaasi Waxay u Haysteen Marag Ma Doonto Baan Is Leeyahay Sanad Dushooda Lagu Shaxaayey inkastoo ay Ka Mid Tahay Ciyaaraha Beesha Ku Abtirsata Snm Kula Cayaarto Beelaha Waqooyiga ay Wada Degaan. Metelan Kooxda Caliyo iyo Soomalilnd inta Muuqatay Muddo Sanad ah Bay Wadahadal Kula Jireen Beesha isaaq Waxayna Shuruud adag Kaga Dhigeen Siyaasiyiinta Isaaqu inaysan Soo Kaxaysan Kuwa Hada Xilka
Idiin Haya ee Aan isaaqa ahayn iska Daa Harti Waqooyiye Xataa Haduu Sabaroon iyo Ciise Yahay Ma Hor Fadhiisanayno Kuwo Ssc ahnaba Intaanaan Hargaysa imaan inay Sii Dhintaan Baaba Fiicnaan Lahayd Waa Sidii ay Jeclaayeen G1 IYO GO.
Daldoon: Ugu Dambayn Gudoomiye Sideed u aragtaa Puntland iyo Waxa Kaga aadan SSC ??
Ahmed: KKKKK Adeer Waad iga Qoslisay Marka Hore Puntland Dadkii Dhistay Gacantooda Way Ka Baxday Waxayna Gacan Gashay Siyaasiyiin Ah Budhcad Badeed Oo aan annigu u Aqaan Budhcad Dadeed iyo Budhcad Dhuleed Marka Hore Waa Budhcad Dhuleed oo Goboladii Lagu Dhisay Badh Baa Maqan, Marka Xiga Dhirtii Qoyanayd ee Gobolada Puntland Geed Kama Taagna Maxaa Abaarta Ugu Wacan Goboladii Puntland Lagu Aasaasay Gebi ahaanba Dhirtaas Qoyan
Waxay Ka Dhooftay Xeebaha Puntland Waxaana Cashuur Ka Urursada Budhcad Maamuleedka Dhuleedka Puntland. Tan Kale Waa Budhcad Dadeed Madaxda Soo Martaa Puntland oo Mays Waydiiyaan Horta Tirakoobka Shacabkii Reer Puntland imisuu ahaa Maantase Waa intee Seebuuse u Kala Dhintay Badh Soomaalind Baa Xoog Kaga Qaaday.
Badh Badaha Puntland Baa Laga Dhoofiyaa Oo Mangafe ayaa Loo iib Geeyaa Badhna Madaxaa Laga Toogtaa Hal Doorkoodii Cid Dishayna Lama Yaqaan Markhaatina Wixii Ka Dhacay Togii Afure Waad ogayd Dadka Qaar Waxay aaminsan Yihiin in uu ahaa Mashruuc Lagu Qaatay Dhaqaalo Badan in Wiilashaas La Laayo oo Markii Horeba aan ku imaan Meesha Qaab Maamule Loogu Yeedhay Tolayeey Gurmad Keena Beelaha Puntland U Dhashay
Hadaad Tihiin Maamulka Puntland Ciidan Ma Haystee oo Markii Keeneen Wiilashiina Dib Maamulku uga Gatay Kuwii Laayey unna Sahlay Qaabkii Loo Gumaaday Shacabkaas. Ugu Dambayn Haybadii iyo Sharaftii Puntland Lahayd Waxay Luntay Markii Ilaahay Haw Naxariistee uu Xamar La Aaday Cabdulaahi Yuusuf.
Waxaana Gabalku u Sii Dhacay Markii Wiilal Galbeed Ka Yimi Barqacad Kala Wareegeen Xaruntii ugu Weyneed ee u Ahayd Galbeedka Puntland ee Laascaanood oo aan odhan Karo Dhibka ay u Keentay Qabsashada Laascaanood REER SSC Waxaaba Ka Sii Culays Weyn ama Ka Sii Dhaawac Xun Puntland oo uu Lumay Maqaamkii Siyaasadeed iyo awoowdeed ee Ku Dhex Lahayd Bariga Afrika Iyo Soomaalida Dhexdeeda,
Xataa aan oran Karo Waxaa Lumay Miisaan Beeleedkii ay Lahayd Beesha ugu Tunka Beelaha Harti oo iyaguna Ku Kaltama Xukunka uu ntland oo ay Cid Kasta ay Soo Gaadhay Khasaaraheedii.

.

Nagala Soo Xiriir

Marqaannews@gmail.com

Readers Comments (0)






WARARKA MAANTA

DAAWO:Beesha Gabadhii lagu kufsaday Boosaaso oo Hanjabaad culus dirtay

November 21, 2017
Beesha ay ka dhalatay Faa’isa oo Todobaadyo ka hor Askari ka tirsan Ciidanka Puntland uu ku kufsaday Magalada ...

DAG DAG: Maraykanka oo Duqayntii ugu cuslayd ee fuliyo ku dilay In ka badan iyo dhimashada oo…

November 21, 2017

DAAWO:-DEG DEG Burco Oo Ay kaqaraxday Iyo Xabada toos u dhacaysa Mudaharaad kasocda

November 21, 2017
Waxa magaalada Burco caawa Ka Dhacaya rasaas Iyo wadooyin la Gubayo wax yar uun kadib markii lagu Dhawaaqay ...

DAAWO VIDEO :Faysal Waraabe UCID IYO KULMIYE Waa Isku Kitaab ,Ilahayba Cirro Nooga Hiiliyey,Guusha waanu wada Leenahay.

November 21, 2017
faysal cali waraabe Oo In badani lagu tuhmayey Inuu yahay Mid tageerayey Xisbiga Kulmiye Oo isaga Magac U ...

DAAWO:Farmaajo iyo Emaaradka oo ka wada hadlay arimo Xasaasiya

November 21, 2017
Wasaaradda arimaha Dibadda Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay safarka Madaxweyne Farmaajo ee  Emaaraadka Carabta ayaa sheegtay in Madaxweynaha ...

DAAWO VIDEO LIVE:Qaabkii Muuse Bixi cabdi Oo madaxweynaha Somaliland Loo doortay..

November 21, 2017
waxa Loogu Dhawaaqay Madaxweynaha Soomaliland  Inuu yahay Musharaxa Xisbiga wadani Ee soomaliland,kadib natiijada Laga Sugayey. waxa la Sheegaya Inuu ...

DAAWO VEDIO: Ka dib ku dhawaaqista Guusha Muusi Biixi & Xaalada Hargeys+War maka heysaa F/C/Waraabe & C/raxmaan Ciro

November 21, 2017
Guddiga Komooshinka doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay madaxweynaha cusub ee Shacabka Somaliland shantana ee soo socota hogaamin doona. Muusi ...

DEG DEG: Madaxweynaha Cusub ee Somaliland oo lagu dhawaaqay & Xisbi lama filaan oo ku soo baxay

November 21, 2017
Guddida Doorashooyinka somaliland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijada ka soo baxday doorashadii madaxtooyada ee somaliland. Gudoomiyaha Guddida ...

DHAGEYSO: Ehalada Faa’izo Cabi oo lagu Kufsaday Boosaaso oo Cadaalad dalbaday+(Qorshe la dejiyay)

November 21, 2017
Qaar ka mid ah ehelada Faa’iso Maxamed Cabdi Xayi oo kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa mar kale ...

Farmaajo oo booqday Taalada Shuhadada Ciidamada Imaaraadka (SAWIRRO)

November 21, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa booqday Taalada loo ...