Marqaan News Agency » DAAWO VIDEO DEG DEG:Xukun dil ah oo lagu Riday Ninkii ka Dambeeyay Dilka Wasiir Cabaas Siraaji..

DAAWO VIDEO DEG DEG:Xukun dil ah oo lagu Riday Ninkii ka Dambeeyay Dilka Wasiir Cabaas Siraaji..

Maxkamada Ayaa Xukun Dil Ku Ridey Ninka ka Danbeeyey Dilka Wasiir cabaas Alle Ha U naxariste Iyagoona Xukunka Joogeen Saraakisha Maxkamada .

Waxa Ninkani la Sheegay Inuu Ahaa ninka Iska Laha Xabada  lagu Dhuftay wasiir cabas Alle Ha u Naxariste Oo Isaga  Dilka Lagu Fuliyey.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Darajada Kowaad Gashaanle Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunka labo eedeysane oo loo heystay dilka Wasiir Siraaji Cabaas , Xukunka labada eedeysane ayaa u kala dhacay Dable Ciidanka Xooga Axmed Cabdullahi Ceydiid oo lagu xakumay dil toogasho ah halka Seddex Alifle Cusmaan Salaad Barre ay maxkamadda xukuntay in lasii daayo.

Kiiska Dacwadaan ayaa soo socday tan iyo wixii ka danbeeyey Markii la dilay Alle ha u naxariistee Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Marxuum Cabaas Siraaji oo ay dileen ciidamo ilaalo u ahaa hanti dhowrkii guud ee Qaranka oo isaga xilkiisa ku waayey dhacdadaas.

Halkani Riix Video Muqaalka

 . . .

Nagala Soo Xiriir

Marqaannews@gmail.com

   . .

One Response to DAAWO VIDEO DEG DEG:Xukun dil ah oo lagu Riday Ninkii ka Dambeeyay Dilka Wasiir Cabaas Siraaji..

  1. Cali says:

    Goorman dadka ugu danbesay cadalad. qofka waa la iska dili jiray cid iska waresan jirtayna ma jirto imisa xildhiban ayaa la dilay qof loo so qabtay malahan manta wasiir siraaji sidii baa la modayay. lkn ma noqon oo wasirka cadalad buu helay .qofkasto shqqsiyan arinkan ayaa cadalad ugu filan farmajo 27 sano wax anan dowladahi ka horeeyay aysan sameyn ayuu manta sameyay mana soo mari doono madaxweyne ka cadalad badan somaliya

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *