Marqaan News Agency » Cali Khaliif Tagyaye Maxa Xigi Doona ?

Cali Khaliif Tagyaye Maxa Xigi Doona ?

 
3 Sanadood Ayey Shabakada Marqaan Media Qoraysey Jilicsanaanta Iyo Tageerida Cali Khaliif Ee ka Muuqata Inuu tageerayo maamulka Soomaliland In lagu Biiro,Inkasta oO Kuwa Wax Magaratada u Arkayeen Inaan Kasoo Horjeedno Jiritaanka Mamaulka Khaatumo.

 
Lakiin Dadkaasi Ismay Weydiin Sababta Looga Horjeedo Iyo waxa Ka Danbeeya EE Anagu Anu Ognahay Dadka Kale balse Aysan Ogayn,Inkasta oo kuwo Badan Oo Ogaa U Arkayeen Fursadii Ay Hargaysoo ku sovdeen Ku tagi Lahayeen in loo fududeeyey Ilaa Hadana Dadkaasi Ay Jiraan Balse wakhtiga Sheegaya.

 
Nin Bulshada Soomaaliyeed Oo Beesha Dhulbahante u Dhalan Ayaa Su’al Iweydiiyey Taasi Oo Ahayd”Hadii Xaglotoosiye Hargaysa Aadey,Biindhe iYo Axmed Karaash Puntland Aadeen ,Cali Khaliifna Hargaysa Aadey“Xagee Ayuu Adayaa Madaxweynaha Ku xiga Ee Khaatumo”?

 
Waa Waaqici jira Lakiin Wuxuu Iloowey in Laga Leexan karo wadada Lagu qaldamay 10 sano ugu danbeeyey..
Maxa Xigi Doona?

 
Raga Markasta Doonayey In Maamul la Dhiso Maysan Ahayn rag ka Dhab tahay Qadiyada iyo Inay Deegaanka Wanaaagiisa Ka Taliyaan waxaana Lagula Xisaab tamaya Aakhiro iyo Aduunba Kuwa Hogaanka Isku Sheegaya Ee keenaya Nin Malainta Siyaasada Oo Shaaha Ka Cabaya Taagan tahay lakiin maalinta Ka hor Cidi Arag waxana Kow Ka Ah cali khaliif.

 
Maanta Waxan la Soconaa Waxa Jira Rag Badan Oo Doonaya Inay Madaxweyne Kale Sameeyaan Khaatumo ,waana Ragii 10 Sano Qeybta Kulaha  Inay Xumaantu Imaado,waxay Tageerayeen Cali khaliif ilaa Maalinta Uu hargaysa Joogo iyagoo lahaa Khayr badan Ayuu u jooga Hargaysa,Maxay dhisi Doonaan Maantana mase la Raaci Doona Siyaasadooda.

 
Waxa Ka mId Ah Qolo Dhowr Oo isku Sheega G11 Oo Iyagu Qeyb kulaha Inuu Xumaado Maamulkii la Dhisay Markii cali khaliif kula safteen Siyaasad Xumada,Dadku waxay Aamin san Yahiin Inay Ragaasi ka Baydheen Siyaasad Xumada Deegaanka uU ku wado cali Khaliif Lakiin Wey ka Duwan tahay.

 

 
Waxaynu ognahay Qolo xataa Tageersanaa Wada Hadalada Soomaliland in Loo dhuunto Oo miiska wada Fadhiga Hargaysa Itoobiya Dhex fadhiyey Oo lahaa sidani ayey Ku macana Tahay,Maanta cali Khaliif Wey la Yaaban Yahiiin Lakinse “Anigu Iyaga Iyo cali Khaliifba Wana La Yaabanahay”.

 
Hadii maanta Siyaasada Socota Hogaan U Noqdaan ragaasi waxa Hubaal Ah In Madaxweynaha Ay keenaan Ee xiga inuu u baxsanayo Meelaan hada Laga War hayn.

 
Dhulbahante Siyaasad Guud waxa Muuqanaysa Inay Ku Kala Tageen maanta Waxana Kala Geeyey ragaasi Aan Sheegayo Oo wajiyo badan Kuwo siyaasada Cali khaliif oo kale wata Iyo Kuwa Iska daba socda Ayaa ka Danbayn Doona Hadii Aysan jirin In wax laga Bartaa Wixii 10 sano deegaanka Soo maray.

 
waa Inay Beelaha Dhulbahante siyaasad Midaysan iskugu Imadaan Tusaale….

 
Nin Deegaankiisa U Gacan Galiyey Maamul kale Uma Baahna Dhulbahante siyaasadisa Wax laga Weydiyo ilaa Uu Keeno Qorshe Uu iskaga Kicinayo Duulaankaasi,Oo markaasi beel weyntu Ku tageerto,Lakiin Nin Siyaasigisa Uu ku daba Faylsan yahay Isaguu Wax Qasayao Inuu Dhaho Jiritanka Dhulbahante Ayaan Doonaya Waa Fashil Hor leh.

Marqaanmedia.com

 . . .

Nagala Soo Xiriir

Marqaannews@gmail.com

   . .

4 Responses to Cali Khaliif Tagyaye Maxa Xigi Doona ?

  1. Cismaan Cawad says:

    Qoraagu aad ayuu u asiibay oo uu uguna mahadsan yahay faalladan murtida leh ee runta ku salaysan. Dhaaxaan anigu ku nuux nuuxsaday xaqiiqada ah in uu Cali Khaliif yahay daneyste weyn ee dhuunigiisa u rooraya ee aanay marna ba daacad ka ahayn in uu danaha Dhulbahante u halgamayo. Waxaa jirta maahmaah shisheeye ee tidhaahda shabeelku is ma qarin karo oo sidaasi aawadeed Cali Khaliif waxa uu dhukiyo oo uu dhuumaaleysto ba musaska waa uu ka dhex muuqday. Qaybta hoose waxaa aan ka dhiibayaa jawaab kooban ee ku saabsan su’aasha uu qoraagu kaga dhawaajiyay ee ah “maxaa xigi doona?”

  2. Khadar says:

    Allah baa garan waxa xigi doona

  3. Cismaan Cawad says:

    Waxaa xigi doona waxii awalba ka horreeyay ee saxda ahaa ka hor intii aanu Cali Khaliif khiyaamadiisan dhicisowday qaddiyadda Dhulbahante ku fadareynin. Waxii awalba jiri jiray ee sugnaa waa xaqiiqada laga dheehan karo sida uu dareenka Dhulbahante ahaa ee uu haatan na yahay marka laga hadlo masalada “Somaliland”. Haddii ay Dhulbahantuhu kalsooni buuxda iyo haba yaraato ee wax rajo ahi ka qabaan qaddiyadda “Somaliland” waxaa ay toos ugu hooban lahaayeen sanadki 1991. Mase dhicin oo khiyaamada iyo khatarta ku duugan ayaa judhiiba sida muraayad uga dhex muuqatay oo waa kuwii sanadkii 1998kii ka tashaday oo ka hayaamay. Jawaabtaydu waxaa weeye in maadaama ay Dhulbahantuhu midnimada Qaranka Soomaaliya aaminsan yihiin ay go’aankoodii 1998kii dib salka ula haleelaan oo ay ku adkeystaan. Qaddiyad iyo aayo ka duwan ee ay ku xasili karaan ma jiraan.

  4. Ahmed says:

    Su’aasha muhiimka ah eed moodo in lawada gafsan yahay waxa ay tahay, Mashruucyadan kola qolo meel lagu qotominayo oo la filayo inay kuwii hore dhaanto masii socon karaan?

    JAWAABTA WAAFIGA AH EE BIYO KAMA DHIBCAANKA AHINA WAA MAYA.

    1. Waa marka hore’e, horta niyad maloo hayaa in uu maamul goboleed ka dilaaco gobalada Sool, Sanaag iyo Degmo Gobolka Togdheer ka mid ah oo imika loola baxay Cayn oo Gobol lagu asteysay?

    Su’aashaas jawaabteedu hadii la galo waxa ay noqoneysaa dhawr meelood in laga eego siday wax u jiraan

    a) Waa marka hore sadexda maamul ee muhiimka meesha u ah midkoodna ma doonayo inay Khaatumo ama magaca kalee yimaadaa ay meeshan ka taabo gasho. Somaliland, Puntland iyo Dawlada Xamar ee Soomaaliya loo yagleelay. Hadaan Dawlada Somalia Xamar u fadhida aan tusaale yar ka bixiyo, iyadu waxa ay niyaynaysaa in ay Somaliland la hadasho. Kolkaas hadii ay xitaaba afka uun kaga dhawaaqdo inay aqoonsatay maamulkaas waxa halkaas ku siqiiraya wada hadalkii ay rajaynaysay. Xaaladeedu waa iska aamusnow oo iyagu waxay doonaan ha sameysteene adigu carka ha iska gubin fikirkeedu.

    b) Somaliland iyo Puntland arimaheedu wey iska cad yihiin oo labadooduba siyaabo iyaga u gaar ah oo mid walbaaba goonidiisa u goconayo ayay uga soo horjeedaan. Faahfaahin badan uma baahna, nin ragi wuu garanayaa doqona loo sheegi maayo.

    c) Ta sadexaad ee soo raacda ayaa ah, horta xuduudo ay reerku sheegtaan oo ay keligood degaan ma jiraan. Degmo degmo cidhifyada ah mooyaane inta kale oo dhan waa lala degaa. Kolkaas hadii Gobokii Sool lala dego, iyagu ay gobolka Togdheer dadka reer Somaliland la degaan, Sanaagna warkeedaga daa reerku hal tuulo ayay malaha ku leeyihiin. Kolkaas qariirada cusub ee ay samaysanayaan waa maxay, waa sidee, halkee la dhex marinayaa? Xaajadani waa xaajo qasan oo aan weligeed laga baxayn oo geesaha si wanaagsan la’iskugu dardari doono. Tusaalaha ugu wanaagsani waxa ugu filan Puntland oo cunaha Galmudug iskaga laalaadisay qeybta aanu Gaalkacayo ku leenahay walee inaanan nalaga jarayn. Maamul Goboleed yada oo dhan waxaas ayaa kharibay. Waayo waxa ay ku salaysan yihiin qabiilooyin iyo jilib jilib yarar oo mid walbaaba dawlad isku cumaamaday. Tan Khaatumina iyadu waa baasiin oo dabkaas marka ay isku dhex tuurto, wuu sii qarxayaa.

    2. Waa marka labaad’e, horta maxaa kuwii horeba sidan u siqiiriyay?

    Waxa sidan u siqiiriyay waa iyada oo intaan dusha kusoo xusay iskugu darsameen. Dawladii Soomaaliya oo garawshiiyo xitaa siin weyday. Puntland iyo Somaliland oo ay dhexda ugu dhaceen. Mid caalamka us sheegta inay shar walayaal nimankani yihiin. Iyo mid dhulkeeda inay meelna ka xukumaan u diiday oo xitaa inay isa caleemo saaraan oo ku dabaal degaan u diiday.

    Xaaladaas sadex geesoodka ihi waxa ay ku kaliftay inay iskala heshiiyaan meeshii ay is lahaayeen wey idiinku badinaysaa. Taas ayayna ku danbeyndoonaan qolo walba oo is tidhaahda bal idinkuna isku daya oo midida daabkeeda qabta inaad wax goyn kartaan iyo in kale. Markay cabudhaan ee ay neefsan kari waayaana saaxiga iska keena.

    3. Waa ugu danbeyne, maxaa reerka u banaan, sideese ay uga gudbi karaan xaaladan qalafsan ee lasoo gudubtay?

    a) Waa marka hore’e horta reerku ma’u dhanyahay sheekadan maamul noo gaar ah ayaanu rabnaa? Jawaabta koobani waa maya. sidaa doontabada iskugu rogrog, badankiisu reerku wuxuu lakala safan yahay maamulada jira. Waxaan la’isku raacsaneyna meelna gaadhi maayo.

    b) Waa marka xigta’e, reerku inta uu isku yimaado xoog waxay ay rabaan ma ku doonan karaan? Jawaabtaasna waa maya oo markii horeba may maqlin imikana adeeci maayaan.

    Hadaba hadii ay sidaas xaaladu tahay, waxa ugu wanaagsan ee ay dantu ku jirtaa waa in ay maskaxdu shaqeyso oo ay dantooda meesha ugu wanaagsan ee ay ku jirto dhabadeeda raacaan. Cali Khaliifkan danaystaha lagu sheegayona waxaan hubaa inuu arkay xaqiiqada oo uu wadadaas dheer ee uu soo maray ay indhaha u kala furtay. Kuwii ka horeeyayna sidaas oo kale ayay iyaguna u arkeen oo ay ku kala biireen Puntalnad iyo Somaliland. Sababta Cali Somaliland ugu janjeedhiyay waxa weeye, Somaliland ayaa uga faa’iido badan Puntland. Midhaa maydaan dhugane, wuxuu dhowr goor yidhi Aduunku waxa uu usoo jeedsaday in Soomaalida loo wada hadalsiiyo Somaliland iyo Somaliya ama Woqooyi iyo Koonfur. Tafaraaruf Somaliland ku dhacana aanan meelnaba laga ogoleyn. Ta kalena waa Puntland oo markii horeba waxba u ogoleyn deegaamada ay sheegato, dhulkuna aanu gacanta ugu jirin. Kolkaas dhabadaas waxa uu arkay inaanay waxba uga soo kordheyn dadkii uu u gucleynayay. Somaliland ay u ogoshay in si wanaag wax loo qeybsado oo ay idinkuu markii horeba dudadayaye bal horta kaalaya oo qeybtiina qaata horta oo arka waxa meesha yaala uunda heysay. Imikana waataas heshiish wanaagsa la gaadhay. Waxaan anigu odhanyaa intaas wixii ka baxsan waa fawdo kale oonan dhamaaneyn oo la iska wadwato. Shuqulkaasna socon maayo ee yaanan lagu degdegin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *