Marqaan News Agency » DAAWO VIDEO:Donald Trump Oo Sucuudiga Kula Kulmaya Madaxda Dowladaha islaamka Iyo carabta

DAAWO VIDEO:Donald Trump Oo Sucuudiga Kula Kulmaya Madaxda Dowladaha islaamka Iyo carabta

Dawladda Sacuudi Carabiya ayaa martiqaaday madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir oo ku eedaysan dambiyo dagaal si uu uga qayblao shir ay yeelanayaan madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo hogaamiyeyaaasha Carabta iyo Muslimiinta.

Madaxweyne Bashiir ayaa Sacuudiga u safri doona Jimcaha, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Ibrahim Ghandour.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in uu rajaynayo in Maraykanku uu cunaqabataynta ka qaado Suudaan bisha todobaad ee sannadkan, wuxuu intaas ku daray in uu rumaysan yahay in Maraykanku uu doonayo in uu caadi ka dhigo calaaqaadka ay leeyihiin.

Mararykanku ma uusan xaqiijinin sheegashadaas.

Cunaqabatayno dhanka dhaqaalaha ah ayaa la saaray Suudaan sannadkii 1997-dii ka dib markii xukuumadda lagu shaambadeeyay dalalka “taageera argagixisada”.

Madaxweyne Barack Obama ayaa saxiixay bishii koobaad ee sanadkan amar uu ku dabcinayo cunaqabatayntii saarnayd, arrintaas ayuuna sameeyay wax yar uun ka hor markii uu ka dagayay xilka.

halkani Riix Video Ka Daawo

 . . .

Nagala Soo Xiriir

Marqaannews@gmail.com

   . .

One Response to DAAWO VIDEO:Donald Trump Oo Sucuudiga Kula Kulmaya Madaxda Dowladaha islaamka Iyo carabta

  1. mingistume soo dag says:

    Trump Shalay islaamka ayuu Afgaadeen jiray maantana Marti u Yahay Dal islaam marka
    Siyaasada Qoobka Ciyaarka kufrigaan buuryo Qabka Ah miyuu iloobay shalay markii
    UU DOORASHADA DALKA AMERICA UU LAHAA, HADDII AAD CODKA ISIISAAN WAXAAN BALAN Qaadayaa
    In islaamka Meel Ugu Soo Haro. Bal Qoodhiin iyo xeridiin ummada kala Gobsan oo kala
    fiican nasabadoodii iyo cirdigoodii bal Eega una fiirso habdhaqan Xumada Reer/cabdiAZIZ aLSUD MEESHA AY KA TAAGAN YIHIIN Qadiyada islaam soo jireenka Ahayd
    ————————————————————————————-
    1)waqooyi kuuriya sida Ay iska Celisay gumeysta Afka english ku Hadla sida AY ISKAGA CELIYEEN MAANTA BAASTARIINTA KU HADLA AFKA ENGLISH VIVA KUURIYA.
    ———————————————————————————-
    2)Dowlada Barakeysan iraan millitary power maanta leh oo america iyo Britisha meel
    uga soo hadhay taasi waxaa markhaati u ah wasiirka Arimaha Dibada ee dalka iraan
    Muxuu Yiri UMMA DAL QAADAN CAYDA JOOGTA EE LAGU HAYO FULEYAASHA ISLAAMKA AFKA KA
    SHEEGTA EE U BADAN (MUNAAFIQIIN KA HARTAY DAGAALKII UXUD BAA DOONAYA IN AY ISLAAMKA SIDII AY DOONAAN KA YEELA IRAAN KAMA YEELI MEYNO IRAAN POWER MILLITARY.
    VIVA VIVA VIA IRAAN GEESIYAASHA ISREAL YIRI KHARIIRADA AYAAN KA TIRTIRAY WOW WOW.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *