Monday, December 11th, 2017
.

DAAWO VIDEO:Silaanyo oo ka Degey Cuna Qabataynta Soomaaliya Laga Qaado,kana Qeyliyey Farmaajo..

Published on May 18, 2017 by   ·   6 Comments

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta khudbad uu ugu tala galay 26-sano guurada gooni isu taaga Maamulka Somaliland u jeediyay shacabka Somaliland.

Axmed (Siilaanyo oo Madaxtooyada Soomaaliland kula hadlayay shacabka ayaa ka digay cunaqabateynta dhanka Hubka ah in laga qaado Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ka hadlay Abaaraha ka jira Degaanada Somaliland, wuxuuna sheegay in ay wax ka qabanayaan Abaaraha.

Halkani Riix Video Muqaalka

.

Nagala Soo Xiriir

Marqaannews@gmail.com

Readers Comments (6)

  1. Cismaan Cawad says:

    Akhyaartu Wada Salaaman,

    Dadka ay cimrigoodu iyo caqligoodu iyo maankoodu ay weli casri hore ee laga soo hayaamay ku hakadeen ayay keli ahaantood u muuqdan dareenka khudbaddan laga dhex muujiyay. Soomaalida qarankii burburay wadaagta koonfur iyo woqooyi isu ma kala tiriyaan sida kolley qaalibka ahi oo dib ayay biyo la kala soocayay sidooda iskugu darsameen oo ay iskugu milmeen. Xaqiiqada dhabta ahi waa tan ay dareenkooda ku muujiyaan shacabka reer woqooyi galbeed sida jilaha caanka ah ee sooraan iyo weliba abwaannada iyo fannaaniinta. Odayadani waa gabbal sii dhacay ee dhallaanka aayahoodu Soomaalinimada uga dhex birbirqayo ayaa laga wareystaa danta reer woqooyi galbeed.

  2. Xaaji saalax says:

    MAANTO OO KALIYA SOMALILAND WAXA LAGA URURIYAY LACAG KABADAN HAL MALYAN OO DOLLAR MADAXWEYNUHU WUXUU DHAGAXDHIGAY DHAAMKI UGU WAYNAA EE SL LAGA HIRGALINAYO,KHAYROOW SOO HOOBO.

  3. warsan says:

    happy 18 may reer somalilnder siilanyaa ka qayliyey miskiinka jooga vila xamar allaa kariim somali iyagaa lays tusay farmaajo horta wax kale how joogaane xamar haka dhigo meel nabada ka dib meelaha u dhow dhow intaas dabadeed u soo jeeso cidaad is oran karto waad dhibi kartaa ee kaa liidataba

  4. boondheere says:

    AL USTAAD KABIIR LILQUDAMAA WALXAADARIIN CISMAN CAWAD
    SCW SAAXIB AMA EEBOW ABGAAL VERTION OF BROTHER KKKKKKKKKKK
    AAD IYO AAD AYAAD UGU MAHADSANATAHAY SIDA AAD II MARXABEYSAY IYO SALAANTA QAALIGA AH II AAD II SOO TABISAY WELIBA AMAANTA AANAN GAARIN EE AAD IGALA DUL DHACDAY TAAS WAXEY CADEYNAYSAA INAAD TAHAY QOF GURI AKHLAAQ IYO TARBIYO ISLAAM KU SOO BARBAARAY ALLAH YACIZAK DUNIYA WAL AAKHIRA AAMIIN.WAXAAN RAJEYNAYAA INSHALLAH INAAN SI SHAQSI AH ISU BARANO SIDA SULDAAN DAB LA RIDEY WELI ISMA ARAG LKN TEL AYAAN ISKULA HADALNAA.SOMALIA HA NOOLAATO ALLAH QALUUBTOODA ISU SOO DUWO WAA KU SALAAMAY.

  5. Ahmed says:

    Dhamaan waad walaamantihiin Dhalintaay

    Happy 18th May to all Somalilanders. Hambalyo iyo reyrn reyn ayaan idinla wadaagayaa.

  6. Ahmed says:

    KU Cismaan Cawad

    Odayadaas gabalku kasii dhacay ayaa Somaliland xeyndaabka u haya. Anaga dhalinyarada ahina waanu ku qanacsanahay sida ay Mujaahidiintii Ganafka Faqashta iyo Afweynaba ku dhuftay ee dhulkayaga ka sifeeyay inay sidaas wanaagsan Wadanka noogu hogaamiyaan.

    Fanaan yar oo Muqdisho shilinkiisa ka eryanayana markuu Hargeysa waxa ka noqon waayay umuurahayaga waxba laga weydiin maayo. Fikirkiisa waa u saliim oo xaasha cidi ma diidana.

    Waad ku saxsantahay oo aaya ka tashiga dhabta ah ee Somaliland waxa uu ka go’aa shacabka. Beri ka maantaha dhalinta maanta ayaa hogaanka qaban doonta.

    Waxaadse ogaataa in odayadani ay rabitaanka shacabka maanta ay dalka ku hogaamiyaan. Beritona ay dhalinyarada maantu rabitaanka shacabka ku hogaamin doonaan. Waxa kale oo wanaagsan inaad garwaaqsato in labada goorba uu rabitaanka shacabku yahay Somaliland oo ka go’da Somalia. Walaa jiil hore walaa mid danbe. Sidii Lixdankii uu hogaanku shacabka u raacay ayuu hogaanka maanta iyo ka beritooleba shacabka u hogaan samayaa. Shacabku waxa ay rabaan maanta iyo beritoolebana waa isla sidaas.

    Waxba odayada maanta na hogaamiya haku digan sidii ay iyagu na hortaagan yihiin oo haday naga hor dhaqaaqaan aanu sidii daad rogmaday Muqdisho ku gororeyno.






WARARKA MAANTA

Daawo Muuqaal: Askarigii dilay Wasiir Siraaji iyo Arin Cuusb oo Maanta Ka Soo Baxdey Kiiskii Lagu Dilay Cabaas Siraaji…

December 11, 2017

DEG DEG: Golaha Shacabka oo si kulul uga hadlay Xiisadda ka taagan M/Qudus

December 11, 2017
Xildhibaanada Baarlamaanka Golaha Shacabka ee Soomaaliya oo hadda kulan ku leh magaalada Muqdisho ayaa si kulul ugu hadlay ...

DAAWO SAWIRADA: Xafladda daahfurka Qaamuuska Doorashooyinka oo ka socota Muqdisho

December 11, 2017
Maagalada Muqdisho waxaa ka socota Xaflad  lagu daahfurayo qaamuuska doorashooyinka iyo istiraatiijiyadda 5ta Sano ee soo socota. Munaasabaddaan ayaa ...

XOG: Farmaajo oo Amray inaan la dilin Hogaamiyaha ugu sareeya Al shabaab oo isagoo nool lasoo qabto

December 11, 2017
Warar hoose oo la helayo  ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu kulan Albaabada u xiran ...

XOG: Maxaa kala qabsaday R/wasaare Kheyre & Wasiiro ka cabsi qaba in xilalka laga qaado?

December 11, 2017
Warar hoose oo ay heshay Warbaahinta ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Wasiirada xukuumada Soomaaliya ay kulan ...

WAREYSO XASAASI AH+DHAGEYSO: Saameyn intee la Eg ayaa Shacabka ka soo gaarta dagaalada Ciidamada DF ku dhexmara Muqdisho? Maxaase soo noq noqa?

December 11, 2017
Saddexdii Maalmood ee la soo dhaafay waxaa dagaalo u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay ...

DAAWO VEDIO: Ciidamo ugu badnaa XDS oo la dejiyay inta u dhaxeysa Afgooye & Ceelasha Biyaha & Abaanduulaha oo Xog muhiim ah bixiyay+(Maxaa soo kordhay?)

December 11, 2017
Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la dejiyay inta u dhaxeyso deegaanka Ceelasha Biyaha iyo degmada ...

DAAWO VEDIO: Guddoomiye Jawaari oo Fariin Cajiib ah u diray in ka badan 500-dhalinyaro Soomaaliyeed oo hal meel isugu timid+(MUUQAAL)

December 11, 2017
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay in aysan ogolaan ...

WAR CUSUB+DHAGEYSO: Halkuu marayaa dhameystirka qorshaha isku dhafka Ciidamada ?

December 11, 2017
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa iyo safiirka Dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Aadan ...

DHAGEYSO: Wasiiro ka tirsan Somaliland oo Xanibaad la saaray & Xog ku saabsan Qorshaha ka danbeeya+(AKHRISO)

December 11, 2017
Madaxtooyada Somaliland ayaa waxa ay faah faahin ka bixisay warar saacadihii ugu dambeeyay oo soo baxay, kuwaasi oo ...