Wednesday, November 22nd, 2017
.

Dowlada Soomaaliya Oo Magacabaya Safiirada,Uk,Turkiga Iyo Kenya .

Published on May 11, 2017 by   ·   No Comments

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ku dhawaaqdo Safiiro cusub oo u matalaya dalal dhowr ah oo ay xiriir dhow la leedahay, iyadoo lagu wado in shirka maanta ee Golaha Wasiirada lagu ansixiyo.

 

Diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa u xaqiijiyay Jowhar.com in la magacaabi doono safiiro dhowr ah, gaar ahaan dalalka saaxibka dhow la ah Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay Safiir u magacaabi doonto UK, waxaana lagu wadaa in loo magacaabay C/raxmaan Yuusuf Cali Ceynte oo ahaa Wasiirkii hore ee Qorsheynta, ahna xilligan madaxa qaban qaabada ee shirka London.

 

C/raxmaan Ceynte oo ka mid ah la Taliyeyaasha Madaxweynaha ayaa horay lagu waday in loo magacaabo Safiirka Kenya, balse waxaa hada uu qarka u saaran yahay inuu noqdo Safiirka Soomaaliya oo saldhigiisu noqon doono magaalada London. Ilo wareedyo ayaa Jowhar.com u xaqiijiyay in Mr Ceynte loo magacaabay Safiirka UK ee Soomaaliya, balse aanay wali dowladdu si rasmi ah ugu dhawaaqin.

 

Sanadkii 2013 ayay aheyd markii u horeysay ee dowladda Soomaaliya Safiir u magacawday UK, muddo 20­sano kaddib, waxaana xilligaas loo magacaabay C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo waraaqadaha aqoonsiga ka guddoontay Boqorada Ingiriiska, balse xilka safaarada kuma sii raagin.

 

Sidoo kale Safiirada lagu wado in la magacaabo waxaa ka mid ah Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo lagu wado in loo magacaabo nin magaciisa lagu sheegay Xuseen Qaasim oo ka soo jeeda deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, horayna uga soo shaqeeyay.

 

Ninkan lagu wado in Safaaradda Kenya loo magacaabo Xuseen Qaasim ayaa la soo shaqeeyay Madaxii hore ee Kooxda UN Monitoring Group Matt Bryden. Waxaa kaloo lagu wadaa in la magacaabo Safaaradda Soomaaliya Turkey ee Ankara oo loo magacaabi doono nin magaciisa lagu soo gaabiyay Jaamac Ceydiid.

 

Safaaradda Soomaaliya ee Turkey ayaa ahaa mid banaan, tan iyo markii Safiirkii hore ee xilkaas hayay Sanbaloolshe sanadkii hore uu noqday Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka, balse markii dambe loo magacaabo xilka Taliyaha Nabadsugida.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in xubanahan aan magacyadooda kor ku soo sheegnay, si horudhac ahaan loogu sheegay in la magacaabay, isla markaana rag saaxibadoof ah ay u hambalyeeyeen.

 

Dhamaan boosaska loo magacaabi doona Safiirada ayaa ah kuwo banaan oo qaarkood xilal Wasiiro helay, sidaas darteedna ay tahay mid lagama maarmaan, waxaana la filayaa in magacaabista lagu saleeyo habka awood qeybsiga.

Rugcadaa

.

Nagala Soo Xiriir

Marqaannews@gmail.com

Readers Comments (0)






WARARKA MAANTA

DAAWO:Beesha Gabadhii lagu kufsaday Boosaaso oo Hanjabaad culus dirtay

November 21, 2017
Beesha ay ka dhalatay Faa’isa oo Todobaadyo ka hor Askari ka tirsan Ciidanka Puntland uu ku kufsaday Magalada ...

DAG DAG: Maraykanka oo Duqayntii ugu cuslayd ee fuliyo ku dilay In ka badan iyo dhimashada oo…

November 21, 2017

DAAWO:-DEG DEG Burco Oo Ay kaqaraxday Iyo Xabada toos u dhacaysa Mudaharaad kasocda

November 21, 2017
Waxa magaalada Burco caawa Ka Dhacaya rasaas Iyo wadooyin la Gubayo wax yar uun kadib markii lagu Dhawaaqay ...

DAAWO VIDEO :Faysal Waraabe UCID IYO KULMIYE Waa Isku Kitaab ,Ilahayba Cirro Nooga Hiiliyey,Guusha waanu wada Leenahay.

November 21, 2017
faysal cali waraabe Oo In badani lagu tuhmayey Inuu yahay Mid tageerayey Xisbiga Kulmiye Oo isaga Magac U ...

DAAWO:Farmaajo iyo Emaaradka oo ka wada hadlay arimo Xasaasiya

November 21, 2017
Wasaaradda arimaha Dibadda Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay safarka Madaxweyne Farmaajo ee  Emaaraadka Carabta ayaa sheegtay in Madaxweynaha ...

DAAWO VIDEO LIVE:Qaabkii Muuse Bixi cabdi Oo madaxweynaha Somaliland Loo doortay..

November 21, 2017
waxa Loogu Dhawaaqay Madaxweynaha Soomaliland  Inuu yahay Musharaxa Xisbiga wadani Ee soomaliland,kadib natiijada Laga Sugayey. waxa la Sheegaya Inuu ...

DAAWO VEDIO: Ka dib ku dhawaaqista Guusha Muusi Biixi & Xaalada Hargeys+War maka heysaa F/C/Waraabe & C/raxmaan Ciro

November 21, 2017
Guddiga Komooshinka doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay madaxweynaha cusub ee Shacabka Somaliland shantana ee soo socota hogaamin doona. Muusi ...

DEG DEG: Madaxweynaha Cusub ee Somaliland oo lagu dhawaaqay & Xisbi lama filaan oo ku soo baxay

November 21, 2017
Guddida Doorashooyinka somaliland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijada ka soo baxday doorashadii madaxtooyada ee somaliland. Gudoomiyaha Guddida ...

DHAGEYSO: Ehalada Faa’izo Cabi oo lagu Kufsaday Boosaaso oo Cadaalad dalbaday+(Qorshe la dejiyay)

November 21, 2017
Qaar ka mid ah ehelada Faa’iso Maxamed Cabdi Xayi oo kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa mar kale ...

Farmaajo oo booqday Taalada Shuhadada Ciidamada Imaaraadka (SAWIRRO)

November 21, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa booqday Taalada loo ...